israacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israacid
-da: (magac, dhedig, keli) wada socosho oo jid wada marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
israaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax aad u jecleysasho. 2. Qof dhaawac ah dilid. 3. Qabyo dhammaystirid. 4. Qoryo shidmaya afkooda isugeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
israaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax aad u jecleysasho. 2. Qof dhaawac ah dilid. 3. Qabyo dhammaystirid. 4. Qoryo shidmaya afkooda isugeyn. m.f.dh, israacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israaci
(fal) wax socday, adigu naftaada ku dar.
israaci: (fal) wax intii ka soo hadhay, sii dabayaaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
israacin
m.f.dh eeg israaci. la-mid: israacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israacin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, raacid.
israacin-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof ama in ka badan isku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
israacis
m.l la-mid: israacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinjaar
-ka: (magac, lab, keli) israaca safarka badda oo kol gaadiidka la wada dhaqaajiyo: isweheshadka iyo wadadhoofka gaadiiddka badda. Dh: israac; israacid; wada dhoof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixraacid
m.f.dh eeg tixraac². la-mid: tixraac¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixraacid
-da: (n) the act of refering to; quoting (ku-wooting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixraacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore loo yidhi ama loo qoray, dabaggelid. Dh: tixraacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Israac
(Israac-a)
Isku dhinac ama isku meel aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
israac
m.l (-cyo, m.dh) Isutagga laba ummadood iyo wixi lamida ay yeeshaan iyagoo maamul siyaasadeed oo isku mid ah wadaaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
israac
m.l (-cyo, m.dh) Isutagga laba ummadood iyo wixi lamida ay yeeshaan iyagoo maamul siyaasadeed oo isku mid ah wadaaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
israac
vl. n. going together; agreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
israac
-ay/day/een/nay: (v) 1. go together; walk with. 2. unite (yu naayt); join (jooyn)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Israac
Unità
Unity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israac
-a: (magac, lab, keli) wadasocod isku dhinac ah ama isku meel aadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
israac
de: going together; [fig.] agreement
lx: israac
pd: (-a)
ps: vn2a-m
see: raac
key: israac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raacid
(Raacid-da)
1. Wax meel u socda ama aadaya la socosho, u wehel yeelid.
2. (xoolo) daaq geyn; daajin; ilaalin; jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacid
m.f.dh eeg raac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raacid
vl. n. companionship, accompanying, going together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u socota socodka ku biirin; socoto cagta ku darid.
raacid -da: (magac, dhedig, keli) eegid oo daranyada ka dhabid. Carruurtu raacidda xoolaha way ku kala fiican yihiin. Dh: jirid.
raacid-da: (magac, dhedig, keli) fikir iyo aragti la wadaagid oo talo ku waafiqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raacid
de: companionship, accompanying, going together
lx: raacid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: raacid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
raacid
مُصَاحَبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacid
f.g1 (-day, -dday) Cid u kaalmayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saacid
f.g1 (-day, -dday) Cid u kaalmayn. m.f.dh, saacidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saacid
v. help
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saacid
-ayday/een/ nay: (v) help (help); aid (eeydh); assist (a-sist); support (sa-poort) ~ caawin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saacid
bw: Arabic
de: help
initial: s
lx: saacid
nt: saacid (ka) [vn-m]
pd: (saaciday)
ps: v1=
key: saacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iraahid
(Iraahid-da)
1. Hadal ku tiraabid; hadlid; dhihid.
2. Sharqan ka soo saarid, ka keenid, ka yeersiin (sida dhegihii baa qam i yiri; xabbaddii baa jug tiri; ...).
3. Doonid; damcid; maagid; falid; yeelid (sida kolkaan hinqo iri...).
4. Lahaan; sida: maxaad leedahay? = maxaad sheegeysaa? Maxaad ku hadlaysaa?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahid
vl. n. act of saying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iraahid
de: act of saying
lx: iraahid
pd: (-da)
ps: vn2a-f
key: iraahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaacid
(Shaacid-da)
(war) dhul badan wada gaarid; caan noqosho; baahid, faafid; fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacid
m.f.dh eeg shaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacid
-da: (magac, dhedig, keli) war, arrin iyo wixii la mid ah, dhul badan wada gaadhid; caan noqosho. Dh: baahid, faafid, fidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacid
(Garaacid-da)
Xoog wax wax ugu dhufdhufasho; wax la dhicid; ulayn; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacid
m.f.dh eeg garaac³. la-mid: garaac¹ (3), garaacis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garaacid
to dribble, dribbling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacid
vl. n. blow, tap, knock, knocking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaacid
-da: (n) the act of beating (biiting); knocking (naaking) ~ garaacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dul tumid, la dhicid. Dh: garaacis.
garaacid-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo ul iwm la dhicid. Neefka garaacidda ka daa uqubo iyo aaqilo ayuu leeyahaye. Dh: ulayn.
garaacid -da: (magac, dhedig, keli) ka guulaysasho; ka adkaasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacid
de: blow, tap, knock, knocking
lx: garaacid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: garaacid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garaacid
قَرْعٍ دَقَ طَرْقٍ ضَرْبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
icraabid
m.f.dh eeg icraab². la-mid: icraabin, icraabis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaaxid
(Islaaxid-da)
Islaax ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxid
m.f.dh eeg islaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaagid
(Istaagid-da)
Fadhi ka kicid; joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaagid
m.f.dh eeg istaag². la-mid: istaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaagid
-da: (magac, dhedig, keli) joogitaan aanan la dhaqdhaqaaqayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
istaagid
قيام، نهض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaysraacid
m.f.dh eeg ilaysraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidraacid
m.f.dh eeg fiidraac². la-mid: fiidraac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidraacid
-da: (magac, dhedig, keli) socodka milayga fiidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdaafacid
m.f.dh eeg isdaafac². la-mid: isdi-faacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdifaacid
m.dh la-mid: isdaafacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraarid
(Asaraarid-da)
Hadal la sheegay asaraar ka hor keenid; beenin; ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraarid
m.f.dh eeg asaraar². la-mid: asaraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) jikaar iyo dood dadka lagala hortago iyadoon waxba la hubsan. Asaraar jinnaa lagu yaqaan abaska naagoode. Dh: jikaarid, murmid, doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabraacid
m.f.dh eeg dabraac³. la-mid: dabraac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabraacid
-da: (magac, dhedig, keli) «soo~ ehel iyo qaraabo raadsasho.
dabraacid-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) meel cunto leh raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawraacid
-da: (magac, dhedig, keli) maritaanka waddada toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacid
(Dillaacid-da)
Wixii (maro, kd.) xoog loo kala dhufto ama loo kala jiido cadad u kala jeexmiddooda; kalajeexmid; dhanbalmid; qarrarid; qawrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacid
m.f.dh eeg dillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexmid iyo kala qarradhid. Dh: jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halraacid
m.f.dh eeg halraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hillaacid
(Hillaacid-da)
Iftiin xoog badan daruuraha da'a haya dhexdooda ka muuqasho, kolka jacdu qarxato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaacid
m.f.dh eeg hillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) muuqashada iftiin xoog badan oo daruuraha da'aya dhexdooda ka baxa kolkay isku dhacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinraagid
(Hinraagid-da)
Neeftuurid; xuurtood; haftood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinraagid
m.f.dh eeg hinraag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinraagid
-da: (magac, dhedig, keli) neeftuurid iyo xuurtood; haftood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inshaadid
(Inshaadid-da)
Qasiido ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inshaadid
m.f.dh eeg inshaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala fiicnaan; kala roonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ismaaciil
name: Ishmail
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ismaaciil
name-m Allah heard; Ismael, prophet in the Holy Qur'an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ismaaciil
de: Ishmail
lx: Ismaaciil
ps: name-m
key: Ismaaciil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Israa'iil
pr. n., loc. Israel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Israa'iil
(n) Israel; Jerusalem is the capital and Tel Aviv-Jaffa the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Israa'iil
a: Yuhuud
de: Israel
lx: Israa'iil
ps: n0-loc-f
key: Israa'iil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) kicinta mooteer iyo wixii la mid ah. Dh: daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirraaqid
m.f.dh eeg jirraaq². la-mid: jirraaqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagraacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel naq ka jiro u guurid. Naqraacid ayaanu halkan ku nimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqraacid
(Naqraacid-da)
Geeddi naqraac ah, cid u rarid, u guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqraacid
m.f.dh eeg naqraac². la-mid: naqraac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nishaabid
(Nishaabid-da)
Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabid
m.f.dh eeg nishaab². la-mid: niishaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nishaabid
vl. n. aiming; accuracy in marksmanship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabid
-da: (magac, dhedig, keli) toog ku tababarasho; shiish barasho. Dh: shiishid.
nishaabid -da: (magac, dhedig, keli) kuudad lagu dagaallamo daldalool wax laga toogto u yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nishaabid
de: aiming; accuracy in marksmanship
lx: nishaabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nishaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraacid
m.f.dh eeg qarraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraacid
m.f.dh eeg shiraac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraacid
-da: (magac, dhedig, keli) shiraac ku xirid; sida gaadhi roob hayo shiraac dusha kaga soo xidhid si aanay u qoyin waxa saarani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiqraarid
(Tiqraarid-da)
Tiqraar dhexgelin, ku kala celin.