isnoolee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isnoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Karti iyo firfircooni isu yeelid. 2. Is nafaqay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isnoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Karti iyo firfircooni isu yeelid. 2. Is nafaqay. m.f.dh, isnoolayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isnoolee
v. look after ~ provide for oneself; come back to life; be active
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isnoolee
de: look after ~ provide for oneself; come back to life; be active
lx: isnoolee
pd: (isnooleeyey)
ps: v2b=expr
key: isnoolee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isnooleyn
m.f.dh eeg isnoolee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid. m.f.dh, noolayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noolee
v. revive; keep alive; resurrect, give life to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noolee
-yey / nooleysay: (v) revive (ri vaayv)-, resuscitate (ri sasa teeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolee
(fal) wax awood yaraaday quwee. Dh: noolay.
noolee: (fal) dab gamaaray dib u shid. Dh: huri.
noolee: (fal) wax dhintay magiciisa dib uga sheekee oo waari. Geesiga magiciisa qoraal ku noolee.
noolee: (fal) naf ku afuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noolee
de: revive; keep alive; resurrect, give life to
lx: noolee
pd: (nooleeyey)
ps: v2b=
key: noolee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isnoolayn
(Isnoolayn-ta)
Nolol ama naf isku soo celin; wax nool iska dhigid; wax is tarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
isolé
isolé, adj. - keli ahaan; cidloonaya; cidla; kali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noole
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noole
m.l (-layaal, m.l/dh) Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iyo wixi lamida.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noole
-noolaha: (n) living being; creature (ki riijar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noole
-ha: (magac, lab, keli) makhluuqaadka intooda naf ama nololi ku jirto. Dh: nafley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Ciyaar turub haad u boqrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boolee
v. make a bet (while playing a card game)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boolee
-yey/boolaysay: (n) [Games] trump (taraamp); take a card with a trump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolee
(fal) boolada magacaw. Boolee turubka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boolee
cf: daba-ka-eri
de: make a bet (while playing cards)
lx: boolee
pd: (booleeyey)
ps: v2b=tr
key: boolee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inoola
pron. and preposition: to ~ for us ... with (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inoola
de: to ~ for us ... with (X) = ina + u + la
lx: inoola
ps: pro + prep
key: inoola
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskool
m.l (-llo, m.dh/-laad, m.l) Meel dhisan oo ardada tacliinta lagu baro; dugsi. la-mid: iskuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskool
m.l (-llo, m.dh/-laad, m.l) Meel dhisan oo ardada tacliinta lagu baro; dugsi. la-mid: iskuul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskool
m. n. school
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskool
-ka: (n) school (iskuul)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskool
bw: iskuul {C < It/Eng}
de: school
lx: iskool
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dugsi
key: iskool
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
isoler
isoler, v. - dahaadhid; ka xijaabid; iska takoorid; gooni ama keli u soocid
isoler une personne - laga sooco inta kale; gooni ka geysid kuwa kale (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolee
(fal) dhukur oo moolo u yeel; timaha ka wada xiir oo madaxa idiin aan timo lahayn ka dhig. Ka moolee askariga cusub. Dh: moolay, dhukuri.
moolee: (fal) geesaha ka daadi. Dibiga geesaha ka moolee uqubadiisa Ilaahay ha kuu sahlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noocee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) Wax noocyo kala duwan ka dhigid. la-mid: noocyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noocee
v. diversify, produce variety in
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noocee
(fal) eeg noocay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noocee
de: diversify, produce variety in
lx: noocee
pd: (nooceeyey)
ps: v2b=tr
key: noocee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
osolee
(fal) asalo bixi oo dib u fiil. Dh: asalee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
snooze
/snuus/ (n) hurdo-gaaban (indha-guduudsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn. m.f.dh, soofayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofee
v. sharpen (with a whetstone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofee
-yey / soofeysay: (v) file (faayl)-, sharpen (shaarpen); hone (hoon); rasp (raasp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofee
(fal) af u yeel. Dh: afee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofee
de: sharpen (with a whetstone)
initial: s
lx: soofee
pd: (soofeeyey)
ps: v2b=tr
key: soofee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soosee
(fal) soos ku rid: lab; qas; wareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Weel, dhig iyo wixi lamida asal, xayr iyo wixi lamida marin si loogu dhaqmo. 2. Cid xoolo u uruurin. 3. Godadka jarta, shaxda iyo wixi lamida dhagxaan ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolee
v. give livestock ~ property to someone, make someone rich
xoolee v. waterproof the inside of a fiber vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolee
(fal) xoolo dhaqo oo faraqabsiin xoolo nool ah yeelo. Kol haddaad muddakartay reerka u xoolee. Dh: xoolay dhaq. Li: caydhi
xoolee: (fal) bar adduun oon xoolo ahayn xoolo u rog. Dahabkan xoolee oo geel iyo adhika libi. Dh: xoolay.
xoolee: (fal) weel dux xoolaad ku shub oo cusaybka ka baabi'i: gocoyannimada ka bi'i. Dhiilka aad toshay xoolee. Dh: qaabay
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ignoble
ignoble, adj. - saqajaan; waxba iska dhawrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkoole
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ilko lahayn. Dh: aflaw, afloo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
involve
/involv/involved;(v) 1. dhex-gelin ku-darid (ku-xirid). e.g. Don't involve other boys in your mistakes. 2. ka mid ah ama ku lug-leh (ku jira). e.g. My job involves a lot of travelling. 3. ka qayb-qaato (ku dhex-jira). e.g. He is involved in community affairs. 4. dhib badan (jumlo ama wax aan la fahmi karin). e.g. What an involved sentence.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XINOOLE
(Henole) N Phyla nodiflora (L) Greene. Verbenaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyoolee
(fal) ka shaqayso biyadhaaminta; biyo libi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIINOOLE
(Ennole) S, N? Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidnoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dadka isku dira oo colaad dhex dhiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidnoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dadka isku dira oo colaad dhex dhiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidnoole
-ha: (magac, lab, keli) qof fidnawade ah oo dadka isku dira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmooley
m.dh Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinnoole
(Jinnoola-ha)
Qof waalan; qof jinni qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinnoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waalan ama caro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinnoole
m. n. (adj.): person possessed by an evil spirit; mad, insane
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jinnoole
nickname-m mad, insane; a person possessed by an evil spirit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jinnoole
-jinnoolaha: (n) mischievous person; troublesome or irritating person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinnoole
-ha: (magac, lab, keli) qofka jinka la shaqaysta.
jinnoole -ha: (magac, lab, keli) qof waalan ama cadho badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinnoole
de: person possessed by an evil spirit; [atr.] mad, insane
lx: jinnoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jinnoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollee
(fal) lug keli ah ku soco. Dh: hangallay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maantoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Maantoole sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bismillee
f.g2 (-leeyay, -leysay) 1. Bisin u qabsasho (cunto), dhadhamin. 2. (dii.) Bisin wax ku billaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bismillee
f.g2 (-leeyay, -leysay) 1. Bisin u qabsasho (cunto), dhadhamin. 2. (dii.) Bisin wax ku billaabid. m.f.dh, bismillayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bismillee
v. begin (meal ~ anything else) with a blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bismillee
(fal) cunista cunto ama cabbitaan bilow, yara qaado, yara kabbo ama yara dhadhami, haku dheeraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bismillee
bw: Arabic
de: begin (a meal or anything else) with a blessing
lx: bismillee
pd: (bismilleeyey)
ps: v2b=
key: bismillee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bistoolad
-a: (n) [Pl. bistoolado-ha] pistol (pistaly, revolver (ri-volvar); handgun (haandh-gan) ~ bastoolad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanooley
m.dh 1. la-mid: caanaddiiq 1. Haweeney caanaha ka ganacsata; (u) dad caanaha ka ganaacsada. 2. la-mid: canaaley. Naasley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanooley
m.dh 1. la-mid: caanaddiiq 1. Haweeney caanaha ka ganacsata; (u) dad caanaha ka ganaacsada. 2. la-mid: canaaley. Naasley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanooley
f. n., [collective] woman who sells milk; people who sell milk; mammals
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanooley
-da: (n) people who sell or deliver milk to customers ~ caanaley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanooley
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaanka inta dhedig ee naaska ilmaha ka quudisa. Dh: caanaley, naasaley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanooley
de: woman who sells milk; people who sell milk; mammals
lx: caanooley
pd: (-da)
ps: n2a-f; n0-f-col
key: caanooley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax, wax cusub ka dhigid. la-mid: cusboonaysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusboonee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Wax, wax cusub ka dhigid. m.f.dh, cusboonayn. la-mid: cusboonaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonee
v. renew, resume, begin something over again
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusboonee
-yey / cusboonaysay: (v) renew (riniyuu); renovate; overhaul; freshen up ~ cusboonaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonee
(fal) wax cusub ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonee
de: renew, resume, begin s.t. over again
lx: cusboonee
pd: (cusbooneeyey)
ps: v2b=
key: cusboonee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegoolee
v. make oneself deaf (to someone), ignore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoolee
(fal) sida qof dhegala' oo waxba aan maqlayn iska dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegoolee
de: make oneself deaf (to s.o.), ignore
lx: dhegoolee
pd: (dhegooleeyey)
ps: v2b=
key: dhegoolee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbooley
(Ganbooley-da)
Inta ganbada leh ama qaadata; naago; dumar; haween; bilis xaawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilqooreed
(Ilqooreed-da)
Godka isha, dhinaciisa karingaabadka ah oo xagga dhegta xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqooreed
m.l/dh (cilmiga naflayda) Isha dhinaceeda dambe oo dhegta xiga. la-mid: ilqoor, ilqooraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilqooreed
m.l/dh (cilmiga naflayda) Isha dhinaceeda dambe oo dhegta xiga. la-mid: ilqoor, ilqooraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilqooreed
f. n. outer corner of the optical alveolus; corner of the eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilqooreed
-ka: (magac, lab, keli) isha dhinaceeda dhegda xigta. Dh: ilqoor, ilqoodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilqooreed
a: ilqoor (ta) [n-f]
de: outer corner of the optical alveolus; corner of the eye
lx: ilqooreed
pd: (-da)
ps: n-f
key: ilqooreed
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
indolence
indolence, n.f. - kala jeclayn
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
indolence
n., caajisnimo, -adi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
indolènte
agg. - caajis leh, wahsi leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
insolence
insolence, n.f. - xishood darrida.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
insolence
n., amar weynaan, -ti.