ismale'eg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismale'eg
m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa “x waa ay ka weyntahay y”, iyo x < y waxa loo akhriyaa “x waa ay ka yartahay y”. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ismale'eg
m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka weyntahay y', iyo x < y waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka yartahay y'. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ismale'eg
Inequality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismale'eg
-ta: (magac, dhedig, keli) weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka weyntahay y', iyo x < y waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka yartahay y'. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eg.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Graphical solution of inequalition
Furfurista garaafeed ee ismale'ege
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Inequality
Ismale'eg
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Simultaneous inequalities
Ismale'egyo wadajira
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Triangle, scalene
Saddexagal ismale'ege
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg
isle'eg¹: m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
isle'eg²: f.mg4 (-ekaa, -ekayd) Isku jin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'eg
isle'eg¹: m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
isle'eg²: f.mg4 (-ekaa, -ekayd) Isku jin ahaansho. m.f.dh, isle'ekaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg
Wave equation
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg
Equation, Equal
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
isle'eg
equal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isle'eg
f. n. something that is equal; equation {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isle'eg
(adj) 1. equal (ikwal). Ex: laba shay oo isle 'eg; two equal objects [things] 2. —isle'g -ta: (n) [Mathematics] equation (ikuweeyshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg
(tilmaame) aan kala weynayn.
isle'eg-ta: (magac, dhedig, keli) xidhiidh xisaabeed ka dhexeeya xaddi ku xidhan dahsoonayaal, kaas oo labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=) sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
isle'eg-ta: (magac, dhedig, keli) isku jin ahaansho ama, cilmi ahaan, xidhiidh lahaan sida isle'eg kubbad, isle'eg saabley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isle'eg
de: something that is equal; equation {mathematics}
lx: isle'eg
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: le'eg
key: isle'eg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is le'eg
adj., [expression] on the same level; equal, proportionate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_le'eg
cf: cuddoon
de: on the same level; equal, proportionate
lx: is le'eg
pd: (le'ekaa)
ps: adj-expr
key: is_le'eg
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isma le'eke
Scalence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleeg
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax soohid. 2. Cid shirqool u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maleeg
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax soohid. 2. Cid shirqool u dhigid. m.f.dh, maleegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maleeg
v. plait, braid (a rope); convey indirectly (as a thought); devise (a plan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleeg
(fal) dun, maydhac iyo wixii la mid ah duub oo isku mar. Dufku waa maydhax dhexda laga maleego.
maleeg: (fal) hagardaamo cid wax lagu yeelayo ka shaqee; shirqool sidii loo fulin lahaa iyo shabakaddii fulin lahayd idku wada xidh oo ballankeeda dhig. Tab aan cadawga ku jebinno innoo maleeg. Dh: khuddee.
maleeg: (fal) ciidan heegan ka dhig, heegan-geli. Maleeg ciidanka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maleeg
de: plait, braid (a rope); [fig.] convey indirectly (as a thought); devise (a plan)
lx: maleeg
pd: (maleegay)
ps: v1=tr
key: maleeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isaseeg
-ga: (magac, lab, keli) xumaanta kala dhex gasha labo qof iyo waxii ka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isteeg
m.l (-gyo, m.dh) Xirmo ka kooban toban baakad oo sigaar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isteeg
m. n. stick of
isteeg m. n. steak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isteeg
-ga: (n) steak (isteeyk); a slice of meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isteeg
-ga: (magac, lab, keli) hab hilibka loo dubo oo casho looga sameeyo. Waxa loo jeemaa si xalleefsan oo balballaadhan inta aan la dubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isu'eg
m.l (-gyo, m.dh) (xisaab) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isu'eg
m.l (-gyo, m.dh) (xisaab) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleel
-sha: (magac, dhedig, keli) dhandhanka uu labku galmada ka dareemo marka uu dhedig la kulmo waana ereyada 'maxay' da ka dabar go'ay ee 'may' ga ku hadhay.
maleel-sha: (magac, dhedig, keli) wax majiiran oo dhedheg leh oo laba wax iyo in ka badan oo qoyan oo la isku laaqay ah. Dhoobo maleel ah ayaan faraha la galay. Dh: dhegdheg, malleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareeg
(Mareeg-ta)
Qoosha maqasha la geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareeg
m.dh 1. Qoolasha maqasha qoorta loo geliyo. 2. Summad geela qoorta looga dhigo, oo ah goobaabin qoorta ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mareeg
m.dh 1. Qoolasha maqasha qoorta loo geliyo. 2. Summad geela qoorta looga dhigo, oo ah goobaabin qoorta ku wareegsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg
Circuit
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mareeg
Circuit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mareeg
f. n. rope for the neck of lamb ~ kid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mareeg
-ta: (n) loop (luup); loop shaped rope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareeg
-ta: (magac, dhedig, keli) xadhig guntimo qoolal ah loo sameeyo oo maqasha lagu xidhxidho. Waxaruhu mareegtii qabkay kula dhex waasheene. Dh: maraag.
mareeg -ta: (magac, dhedig, keli) shabakada interneedka ee ninba qool yar xidhanayo.
mareeg-ta: (magac, dhedig, keli) marrinka jihaysan ee ay maayada danabku marto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mareeg
cf: qool
de: rope for the neck of lamb ~ kid
lx: mareeg
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: mareeg
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SALEEL
(Salel) N Croton gillettii Hutch. & Bruce Euphorbiaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saleté
saleté, n.f. - wixi milix leh; dhanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saneeg
m.l (-gyo, m.dh) Kolmo ka lalmada sanka geela oo ka dhasha santuur lagu sameeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saneeg
-ta: (magac, dhedig, keli) ri' ama ning sumadda gafuurka korkiisa lagaga dhigo, kurka lagaga dhigo. Ri' saneeg leh wax sheegaya ma aragteen?
saneeg-ga: (magac, lab, keli) wax figan o waxaraha lagaga xidho afka si aanay u jigin rid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaleel
-ka: (magac, lab, keli) caano aad u badhxan; caano biyo biyo ah; caano biyuhu ka badan yihiin. Asaleel buu ubadkii siiyey. Dh: xariir.
asaleel -ka: (magac, lab, keli) qofka indhaha la' ama aan si wanaagsan wax u arag. Dh: indhoole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damalee
(fal) cod farxad leh ku mashxarad adoo carrabkaaga lulaya. Dh: mashxard, dalamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Wax indhaindheyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaalee
v. observe, look at something attentively; patrol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalee
-yey / ilaaleysay: (v) keep under observation; keep under surveillance; watch (waaj); surveil (sar-veel); observe (obseerv) ~ ilaali, waardiyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalee
(fal) eeg ilaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaalee
de: observe, look at s.t. attentively; patrol
lx: ilaalee
pd: (ilaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: ilaalee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isu eeg
v. compare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isu_eeg
de: compare
lx: isu eeg
pd: (eegay)
ps: v1=expr
key: isu_eeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleego
(fal) wax la maleegayo iskaa u samayso adoon dad kale ka qayb galinayn. Shirqoolkaaga maleego.
maleego: (fal) teg oo meesha ka siigee. Dh: soco, baxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Ramal dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_eeg
de: try out ~ compare s.t. {N}
lx: isku eeg
pd: (eekaa)
ps: adj-expr
key: isku_eeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istareex
istareex¹: m.l Raaxo.
istareex²: f.mg1 (-xay, -xday) Raaxo helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istareex
istareex¹: m.l Raaxo.
istareex²: f.mg1 (-xay, -xday) Raaxo helid. m.f.dh, istareexid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istareex
inch. v. be happy ~ contented, have fun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istareex
-ay / day /een / nay: (v) relax (rilaksi); be comfortable (kam-foortibal); enjoy (enjooy)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istareex
(tilmaame) qof farxad iyo raynrayn ku jira.
istareex -a: (magac, lab, keli) farxadda iyo dareenka raynrayneed ee qofka soo mara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istareex
bw: Arabic
de: be happy ~ contented, have fun With preposition ku
lx: istareex
pd: (istareexay)
ps: v1=inch
see: mustareex
key: istareex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdaale'eg
(tilmaame) inay gabadhaasi dheer tahay sida geedka. Baxsaneey berdaale'egeey, miyaad Beledweyn ku noolayd?