isle'egtoosan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'egtoosan
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg toosan
Equation, linear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg toosan
isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyaasha ah uu yahay derajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa: ax + c = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-toosan
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'egaan
Equality
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg rogaal
Reciprocal equation
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg taxane
Equation, matrix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isle'ekaan
(Isle'ekaan-ta)
Wax is le'eg ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'ekaan
m.f.dh eeg isle'eg². la-mid: isle'ekaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isle'ekaan
f. n. equality with one another; tie, draw (in a game); symmetry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isle'ekaan
-ta: (n) equality (iikwaalati); evenness (iiven nes); sameness (seeym-nes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isle'ekaan
de: equality with one another; tie, draw (in a game); symmetry
lx: isle'ekaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: isle'ekaan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg xood
Equation of a curve
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'egkubbad
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg kubbad
Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2= Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + 22 r2.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-kubbad
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg logardam
Logarithmic equation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isle'ekeyn
-ta: (n) equalisation (iikwulaseeyshen)
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg guud
General equation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'ekaysii
(fal) labo ama in ka badan oo isku sargo'an ka dhig.
isle'ekaysii: (fal) wax kaa dheer ama kaa weyn, mid ku le'eg ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'ekaansho
m.l/dh la-mid: isle'ekaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qulqul toosan
Direct current
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg dhab ah
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Nooc ka mid isle'eg xigsineed taas oo wadarta xigsineed ee fansaar uu le'eg yahay eber.