isle'egta-socodka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'egta-socodka
m.dh (xisaab) Mid ka mid ah afarta isle'egood loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a), isle'egyaadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiishinaayo amminta ay qaadatay (t).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

habdhaqaaq
m.l (fiisikis) eeg isle'egta socodka. Qaybta mekaanikada ee la xiriirta socodka walxaha, taas oo aan lagu tixgelinin xoogaggii dhaliyey socodkaasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhaqaaq
m.l (fiisikis) eeg isle'egta socodka. qaybta mekaanikada ee la xiriirta socodka walxaha, taas oo aan lagu tixgelinin xoogaggii dhaliyey socodkaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhaqaaq
-a: (magac, lab, keli) isle'egta socodka. Waa qaybta mekaanikada ee la xiriirta socodka walxaha, taas oo aan lagu tixgelinin xoogaggii dhaliyey socodkaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-toosan
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg toosan
Equation, linear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg toosan
isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyaasha ah uu yahay derajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa: ax + c = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-saabley
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'eg-saabley
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.