isle'eg xigsiineed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg xigsiineed
xidhiidhka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg xigsineed
Equation, differential
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'egxigsiineed
m.dh (-dyo, m.dh) (xisaab) xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-xigsiineed
m.dh (-dyo, m.dh) (xisaab) Xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg xariiqeed
Equation of a line
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
herisle'eg-xigsineed
m.l (-rar ..., m.l) (xisaab) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg cidhifeed
Polar equation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
her-isle'eg-xigsineed
m.l (-rar ..., m.l) (xisaab) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'egkiimikeed
m.l (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iyo wixi lamida). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-kiimikeed
m.l (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iyo wixi lamida). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . “Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab”. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg kubbadeed
Sphere, Equation of a
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'egyo jibbaareed
Exponential equations
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg tirignometeri
Equation, trigonometric
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg saabley
Quadratic equation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg saabley
isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg-kimikaad
-ka: (magac, lab, keli) hab isticmaala naanaysaha falgallada iyo natiijada falgalka oo si gaaban loogu tilmaamo falgal kimikaad dhan. H2 + O2 = H2O (biyo).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg tibixaale
Polynomial equation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkulasxigsineed
-da: (magac, dhedig, keli) waxa ay la xiriirta dhakhsaha isbeddelka ee fansaaro marka loo eego isbeddellada ku dhaca doorsoomaha madax bannaan. Waxa ay ka soo ifbaxday la xiriira soo saaridda dhibatooyinka taabteyaasha xoodka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalkulas xigsineed
Differential calculus
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weheliye xigsineed
Differential coefficient
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg seegmaweydo
Equation, inconsistent