islaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamin
(Islaamin-ta)
Diinta Muslinka soo gelin; Muslin ka dhigid; muslimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamin
m.f.dh eeg islaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaami
f.g2 (-iyay, -isay) Qof islaan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islaami
f.g2 (-iyay, -isay) Qof Islaam ka dhigid. m.f.dh, islaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaami
v. make (someone) a Muslim, convert to Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaami
-yey / say/ yeen / nay: (v) make someone accept Islamic faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaami
(fal) qof muslin ah ka dhig.
islaami -ga: (magac, lab, keli) qofka aaminsan in Diinta Islaamka wax lagu xukumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaami
de: make (s.o.) a Muslim, convert to Islam
lx: islaami
pd: (islaamiyey)
ps: v2a=tr
key: islaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxin
m.f.dh eeg islaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muslimin
(Muslimin-ta)
Muslin ka dhigid; diinta Islaanka soo gelin; Islaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslimin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid inay Islaamka soo gasho sabab u noqosho; qof diinta Islaamka soo gelin, Muslim ka dhigid. Dh: Islaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, Muslin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaam
(Islaam-ka)
Diinta Nebi Maxamed loo soo dhiibey oo Muslinku haysto; (ama Islaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Islaam
m. n. (adj.): Islam, the Muslim faith; Islamic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaam
inch. v. become a Muslim
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Islaam
name-m Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Islaam
-ka: (n) Islam (islaam); Moslem ~ islaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaam
-ay / islaantay: (v) accepted Islamic faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Islaam
-ka: (magac, lab, keli) diinta Nebiyada Maxamed ugu danbeeyay Ilaahay u soo dhiibay ee dadka Muslimiintu haystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaan
1. (Islaan-ka) — a) Diinta Muslinku haysto; (ama Islaam). b). Ugaas; suldaan; waayeel. c). Oday; nin fil weyn.
2. (Islaan-ta) Qof dumar ah oo fil weyn; habar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaan
islaan¹: m.l 1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/-aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.
islaan²: m.dh (-aamo, m.l) Qof dumar ah oo da' weyn.
islaan³: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Muslim noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islaan
islaan¹: m.l 1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/- aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.
islaan²: m.dh (-aamo, m.l) Qof dumar ah oo da' weyn.
islaan³: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Muslim noqosho. m.f.dh, islaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Islaan
m. n. Muslim, member of Islam
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaan
m. n. old man; chief, headman
islaan [feminine] n. old woman
islaan [feminine] n. mother
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Islaan
name-m old man; chief, headman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Islaan
-ka: (n) Islam (is laam); Moslem ~ Islaam, Muslin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaan
-ta: (n) [Pl. islaamo-ha] middle-aged woman
islaan -ka: (n) clan [tribe] chief or leader ~ ugaas, malaaq, garaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Islaan
(fal) qof muslin ah noqo.
Islaan: naanays martabo oo loo baxsho salaadiinta Soomaalida ee deegaannada qaarkood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo filweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laamin
(Laamin-ta)
Badar karsamaya laan ku walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamin
m.f.dh eeg laami².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamin
-ta: (magac, dhedig, keli) badar karsamaaya, laan dhexmarmarin oo ku walaagid. Dh: laaqid, walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaalin
(Ilaalin-ta)
Raacid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalin
m.f.dh eeg ilaali.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalin
-ta:(n)l. the act of watching protection (pro-tak-shen); surveillance (sarveeylansi) ~ ilaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) amaan sugid. Dh: waardiyayn, eegid, dhawrid.
ilaalin -ta: (magac, dhedig, keli) eegid iyo fiiro foojignaani weheliso.
ilaalin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo raacid; xoolo jirid. Dh: raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel nabad ka dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel nabad ka dhalin. m.f.dh, islaaxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaaxi
v. improve, make something better
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaaxi
-yey / say: (v) reconcile (rekan saal); settle or resolve
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaaxi
de: improve, make s.t. better
lx: islaaxi
pd: (islaaxiyey)
ps: v2a=tr
key: islaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxin
m.f.dh eeg aslaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) hagaajin iyo suubbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, dhinac u ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamin
m.f.dh eeg galaami. la-mid: galaamis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamin
m.f.dh eeg ilhaami.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isfaanin
-ta: (n) bragging (baraaging)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhererkaaga hoos u gaabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Islaam_1
bw: Arabic
de: Islam, the Muslim faith; [atr.] Islamic See also: Islaan
hm: 1
lx: Islaam
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: Islaam_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaam_2
de: become a Muslim
hm: 2
lx: islaam
pd: (islaamay)
ps: v1=inch
key: islaam_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaaxid
(Islaaxid-da)
Islaax ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxid
m.f.dh eeg islaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaahin
m.f.dh eeg ismaahi. la-mid: ismaahis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof, mid maahsan iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
israacin
m.f.dh eeg israaci. la-mid: israacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israacin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, raacid.
israacin-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof ama in ka badan isku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaajin
(Istaajin-ta)
Fadhi ka kicin; joojin; taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaajin
m.f.dh eeg istaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax jiifa, sare u joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) istuhun inaad dadka ugu xoolo badan tahay ama aad ugu fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaamin
(Qulaamin-ta)
Qof buka oo aan wax cabbi karin, afka qulaan ama qaaddo wax kula siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaamin
m.f.dh eeg qulaami. la-mid: qulaamis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qulaamin
-yey (adj) spoon- feeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan cunto liqi karayn, caano iyo wax la mid ah afka kaga shubid. Dh: jalid, qulaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacin
(Dillaacin-ta)
Cad is haysta (maro, xaashi, kd.) labo meelood ama ka badan u kala jeexid; dhanbalid; qarrarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacin
m.f.dh eeg dillaaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaamid
(Dillaamid-da)
Wax weyn oo culus ama badan, iyagoo isku duuban xoog doc ugu dhicid, ama ugu leexasho: aguugid; (ama dullaamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaamid
m.f.dh eeg dillaan². la-mid: dillaan¹ (2), dullaamid, dullaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciirid oo dhan u aguugid. Dh: dullaamid. dillaamo-da: (magac, dhedig, keli) dhan oo loo ciiro kolka culays badan la sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka jiifin. Dh: seexin, legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geylaamin
m.f.dh eeg geylaami. la-mid: geylaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u diririd; aad u dagaallamid.
geylaamin -ta: (magac, dhedig, keli) wax meel xoog ku marin oo jiidhsiin. Galoolkiyo maraagiyo hashaan kidiga geylaanshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is caalin
vl. n. surrender, act of surrendering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_caalin
de: surrender, act of surrendering
lx: is caalin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: is_caalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iscajabin
-ta: (magac, dhedig, keli) is indhabuuxin oo midba mid jeclaan. Dadka waxa caycayn looga dhigay, ha iscajabiyaane.
iscajabin -ta: (magac, dhedig, keli) si isla weyni ah naftaada u jeclaan oo in aad cajiib tahay isku arkid. Dh: isubogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafin
m.f.dh eeg isdhaafi. la-mid: isdhaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala fiicnaan; kala roonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) caansiirin iyo silcin waxsiin iyo wax qabad lala daaho. Dh: gasacin, caansiirin, silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidaamin
(Miidaamin-ta)
Wax la nacay ama aan la rabin, meel xun oo fog oo uusan ka soo nabad-noqon, u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaamin
m.f.dh eeg miidaami. la-mid: miidaamis, miidaamo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafta halis gelin; is biimayn oo wax nafta halis gelinaya ku dhex tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riddaamin
(Riddaamin-ta)
(wax culus) horay u ridid, u harbin, u garbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riddaamin
m.f.dh eeg riddaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riddaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus horay u ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saylaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel galay ama qabsaday ka soo dhiraandhirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabin
m.dh la-mid: tallaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tallaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waldaamin
(Waldaamin-ta)
Wax culus oo la wada qaado, iyadoo labada dhinac la kala hayo, oo la laallaadina hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waldaamin
m.f.dh eeg waldaami. la-mid: walwaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waldaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) handaafin oo wax culus hareeraha qabasho oo laadlaadin. Foosto waldaamin mooyee si kale laguma dallici karo. Dh: handaafin, wandaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is'aaminaad
-da: (magac, dhedig, keli) isku kalsoonaan qofku naftiisa aamino.
is'aaminaad-da: (magac, dhedig, keli) labo qof iyo in ka badan, kalsooni dhexdooda ka abuuris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isballaarin
-ta: (n) expansion (ikispaashin); expansibility ~ isballaadhin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabamarin
m.f.dh eeg isdabamari. la-mid: isdabamaris, isdabammarin, isdabammaris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaamiinto
-iskaamiintada: (n) exhaust (igzoost): muffler (mafler)-, exhaust pipe ~ iskaafamiito, qiiq saar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismiidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) halis ama meel laga maagay isku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isxilqaamid
(Isxilqaamid-da)
Xil isa saarid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isxilqaamid
Perseveranza
Perseverance