islaamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaami
f.g2 (-iyay, -isay) Qof islaan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islaami
f.g2 (-iyay, -isay) Qof Islaam ka dhigid. m.f.dh, islaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaami
v. make (someone) a Muslim, convert to Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaami
-yey / say/ yeen / nay: (v) make someone accept Islamic faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaami
(fal) qof muslin ah ka dhig.
islaami -ga: (magac, lab, keli) qofka aaminsan in Diinta Islaamka wax lagu xukumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaami
de: make (s.o.) a Muslim, convert to Islam
lx: islaami
pd: (islaamiyey)
ps: v2a=tr
key: islaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamin
(Islaamin-ta)
Diinta Muslinka soo gelin; Muslin ka dhigid; muslimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamin
m.f.dh eeg islaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaaxid
(Islaaxid-da)
Islaax ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxid
m.f.dh eeg islaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muslimid
(Muslimid-da)
Muslin noqosho; diinta Islaanka soo gelid; Islaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islaan
islaan¹: m.l 1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/- aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.
islaan²: m.dh (-aamo, m.l) Qof dumar ah oo da' weyn.
islaan³: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Muslim noqosho. m.f.dh, islaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslimid
-da: (magac, dhedig, keli) diin kale ka imasho oo diinta Islaamka soo galid; Muslim noqosho. Dh: Islaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaamid
(Dillaamid-da)
Wax weyn oo culus ama badan, iyagoo isku duuban xoog doc ugu dhicid, ama ugu leexasho: aguugid; (ama dullaamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaamid
m.f.dh eeg dillaan². la-mid: dillaan¹ (2), dullaamid, dullaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciirid oo dhan u aguugid. Dh: dullaamid. dillaamo-da: (magac, dhedig, keli) dhan oo loo ciiro kolka culays badan la sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala fiicnaan; kala roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaam
(Islaam-ka)
Diinta Nebi Maxamed loo soo dhiibey oo Muslinku haysto; (ama Islaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Islaam
m. n. (adj.): Islam, the Muslim faith; Islamic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaam
inch. v. become a Muslim
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Islaam
name-m Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Islaam
-ka: (n) Islam (islaam); Moslem ~ islaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaam
-ay / islaantay: (v) accepted Islamic faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Islaam
-ka: (magac, lab, keli) diinta Nebiyada Maxamed ugu danbeeyay Ilaahay u soo dhiibay ee dadka Muslimiintu haystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqid
(Ilaaqid-da)
1. Murmid; doodid; jiriibbamid (ama cilaaqid).
2. Arkid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqid
m.dh la-mid: cilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, si aan dhab ahayn ula marmid; si kaftan ah ugu dheeldheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel nabad ka dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel nabad ka dhalin. m.f.dh, islaaxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaaxi
v. improve, make something better
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaaxi
-yey / say: (v) reconcile (rekan saal); settle or resolve
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaaxi
de: improve, make s.t. better
lx: islaaxi
pd: (islaaxiyey)
ps: v2a=tr
key: islaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxid
m.f.dh eeg aslaax². la-mid: aslaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) suubbanaan; mid suubban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaamid
(Bulaamid-da)
Hadal bulaan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaamid
m.f.dh eeg bulaan². la-mid: bulaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hugmid oo hadal badan oo aan kala qeexnayn ku hadaaqid Nin buka bulaamid ma seego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaamid
(Iidaamid-da)
Cunnada iidaan u yeelid, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaamid
m.f.dh eeg iidaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamid
m.f.dh eeg ilhaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaawid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Islaam_1
bw: Arabic
de: Islam, the Muslim faith; [atr.] Islamic See also: Islaan
hm: 1
lx: Islaam
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: Islaam_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaam_2
de: become a Muslim
hm: 2
lx: islaam
pd: (islaamay)
ps: v1=inch
key: islaam_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxin
m.f.dh eeg islaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israacid
-da: (magac, dhedig, keli) wada socosho oo jid wada marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaagid
(Istaagid-da)
Fadhi ka kicid; joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaagid
m.f.dh eeg istaag². la-mid: istaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaagid
-da: (magac, dhedig, keli) joogitaan aanan la dhaqdhaqaaqayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
istaagid
قيام، نهض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salaamid
(Salaamid-da)
Salaan ku dhihid; bariidin; nabdaadin; gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaamid
m.f.dh eeg salaan².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salaamid
-da: (n) the act of greeting (giriiting)-, salutation (saal-yu-teey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bariidin; hadallo salaamo ah ku dhihid, Dh: nabdaadin, gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isxilqaamid
(Isxilqaamid-da)
Xil isa saarid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isxilqaamid
Perseveranza
Perseverance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabmid
m.dh la-mid: bilaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islayaabid
(Islayaabid-da)
Gefka iyo xumaanta qof falayo, kol danbe, garasho iyo ka xishood isku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadmid
m.dh la-mid: jallaadmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liishaamid
m.f.dh eeg liishaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liishaamid
-da: (magac, dhedig, keli) nishaabid oo yoolka la dhooganayo fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nishaabmid
m.f.dh eeg nishaaban¹. la-mid: niishaabmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nishaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhufays daldaloollo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaamid
(Bidhaamid-da)
Bidhaan muuqata yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaamid
m.f.dh eeg bidhaan². la-mid: bidhaan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bidhaan muuqata yeelad. Dh: iftiimid, bildhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabmid
m.f.dh eeg bilaaban. la-mid: billaabmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax bilawday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabid
m.dh la-mid: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabid
-da: (magac, dhedig, keli) gudagalidda hawl hor leh. Billaabidda hawsha adaa lagaa sugayaa billaabmid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo samayn, curasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cilaaq iyo muran ah oo badan, ku hadlid. Dh: cilaaqtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacid
(Dillaacid-da)
Wixii (maro, kd.) xoog loo kala dhufto ama loo kala jiido cadad u kala jeexmiddooda; kalajeexmid; dhanbalmid; qarrarid; qawrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacid
m.f.dh eeg dillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexmid iyo kala qarradhid. Dh: jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaalid
m.dh la-mid: dallaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dad wax kala iibsanaya ka shaqaysashada wax loo kala iibiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diryaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaamid
m.dh la-mid: dillaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid oo u wiliilsamid. Dh: ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalmid
m.f.dh eeg gulaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtay ku hungoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday noqosho. Dh: dabargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaamid
(Halmaamid-da)
1. Erey halmaan ah, ku tiraabid; kammi'id.
2. Illaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaamid
m.f.dh eeg halmaan². la-mid: halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Halmaamid
Dimenticanza
Forgetfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) illaabid ama xusuusasho la'aan. Dh: hilmaamid, illaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamid
m.f.dh eeg haylaan³. la-mid: haylaan¹ (2).