isla_markaas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isla_markaas
de: at the same time
lx: isla markaas
ps: adv-time
key: isla_markaas
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isla markaas
adv., time: at the same time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isla_marka
de: as soon as, at the same time
lx: isla marka
ps: conj-time
see: isla markii
key: isla_marka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afwebi
m.l (--afwebi, m.l) (juqraafi) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhe
m.l (-dhayaal, m.l/dh) (juqraafi) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.

caanomaallo-isle'eg
m.dh (c.fal.) Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbir-dhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawsley
cawsley¹: m.dh 1. Dad caws qada. 2. Dhul caws keliya ka baxo.
cawsley²: m.dh (juqraafi) gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada.

dhul-duniyeed
m.l (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaad
gaad¹: m.dh 1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.
gaad²: f.g1 (-day, -dday) Nafley si lama filaan ah ugu kedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermidile
m.l (-layaal, m.l/dh) (daawo) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macdan
macdan¹: m.dh (macaadin, m.dh) 1. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam.
macdan²: m.l (macaadin, m.dh) (kiimika) Walax dabiici ah, oo noole aan ahayn ama aan ka imaan, oo leh isku dhis kiimikaad, isla markaasna leh astaamo fisikeed iyo kiimikeed oo cad. Halkaa waxaa ah ilaa 2000 macdanood oo la maranayo, oo leh qaabab wiriqeed oo kala duwan, laakiin macaadinta bah wadaagta ah kala duwanaashahoodu waa yaryahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afwebi
m.l (-af ..., m.l) (juqraafi) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhe
m.l (-dhayaal, m.l/dh) (juqraafi) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanomaallo-isle'eg
m.dh (c.fal.) Erey loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbirdhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawsley
cawsley¹: m.dh 1. Dad caws qada. 2. Dhul caws keliya ka baxo.
cawsley²: m.dh (juqraafi) gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulduniyeed
m.l (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermidile
m.l (-layaal, m.l/dh) (daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macdan
macdan¹: m.dh (macaadin, m.dh) 1. dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam.
macdan²: m.l (macaadin, m.dh) (kiim.) Walax dabiici ah, oo noole aan ahayn ama aan ka imaan, oo leh isku dhis kiimikaad, isla markaasna leh astaamo fisikeed iyo kiimikeed oo cad. Halkaa waxaa ah ilaa 2000 macdanood oo la maranayo, oo leh qaabab wiriqeed oo kala duwan, laakiin macaadinta bah wadaagta ah kala duwanaashahoodu waa yaryahay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
also
/oolso/ (adv) waliba ama sidokale; isla markaasna. e.g. Her name is also Deeqa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amazing
/ameysing/amazingly; (adj) wax kaa yaabiya isla markaasna kaa farxiya ama aad ka heshid. e.g. Cairo is an amazing city.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
antique
/antiik/antiques; (n) alaab qadiim ah isla markaasna qaali ah. e.g. This old vase is an antique.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isla marka
conj., time: as soon as, at the same time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isla_markii
de: as soon as; right away
lx: isla markii
pd: (isla markiiba)
ps: conj / adv-time
key: isla_markii
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isla markii
conj., adv., time: as soon as; right away
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isla markiiba
(adv) immediately (imidiyeetli); instantly (inistantli); at once
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamarkaah
m.dh (fiisikis) T. k.inta birlabdanabeed ee dhexmari karta dululaati aan maatar lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamarnaan
m.f.dh eeg ibamaran. la-mid: ibamarnaansho, ibamayeysnaan, ibamaryeysnaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isla_caawa
de: this evening
lx: isla caawa
ps: np-time
key: isla_caawa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_warran
de: give news of oneself [GREETING]
lx: iska warran
pd: (warramay)
ps: v1=expr
xe: How are you? ... Waan ladnahay. 'I'm fine.
xv: Iska warran?
key: iska_warran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbarbartaag
(fal) qof dhib iyo dhibaato haysato waxtar, garab u noqo oo u hiili. Dh: taageer.
isbarbartaag -ga: (magac, lab, keli) qof dhib iyo dhibaato haysato waxtarid oo u hiilin. Dh: taageer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbarbaryaac
-a: (magac, lab, keli) isgarabyaac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islamarkiiba
(adv) immediately (imid-di-yeeytli); quickly (kuwikli); at once; instantly (in-istant-li) ~ durbadiiba
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isla waqtigaas
(n) meantime (miintaaym) ~ isla-mar ahaantaas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_daldalan
de: talk nonsense, chatter, talk constantly
lx: iska daldalan
pd: (daldalmay)
ps: v1=expr
key: iska_daldalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islasheekaysi
-ga: (magac, lab, keli) labo qof iyo in ka badan, wada hadlid oo sheekaysi.
islasheekaysi -ga: (magac, lab, keli) keli sheekaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-hambarraacis
m.l la-mid: is-hambarraacin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
si_la_ma_filaan
de: unexpectedly
initial: s
lx: si la ma filaan
ps: adv-expr
key: si_la_ma_filaan