iskugudbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskugudbi
v. pass over (in football)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskugudbi
bw: gudub ~ gudbi
de: pass over (in football)
lx: iskugudbi
nt: iskugudbin (ta) [vn-f]
pd: (iskugudbiyey)
ps: v2a=expr
key: iskugudbi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskugudub
-ay -tay / -een / nay: (v) shut out from view or the passage; block (balook); obstruct (obistarakt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskuduubni
-da: (magac, dhedig, keli) dad meel u wada jeeda oo aan tafaraaruq ku jirin. Dh: wadajir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskugod
m.l (kiim.) Atamyo isku curiye ah, oo iskaga mid ah tirada borotoonnada ee ku jira bu'da atamyada; laakiinse ku kala geddisan tirada niyuutaroonnada ee bu'da.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is ku gudub
m. n. obstacle; blocking with one's body
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_ku_gudub
de: obstacle; blocking with one's body
lx: is ku gudub
pd: (-ka)
ps: np-m
key: is_ku_gudub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskududuwid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsan, isku haghagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-aaddi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba walxood ama ka badan isku abbaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isku-aaddi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba walxood ama ka badan isku abbaarid. m.f.dh, isku-aaddin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku dawdabi
v. consume (all at once), use up, finish off
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_dawdabi
de: consume (all at once), use up, finish off
lx: isku dawdabi
pd: (dawdabiyey)
ps: v2a=expr
key: isku_dawdabi
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskudubbarid
iskudubbarid¹: m.l Agaasimidda si wanaagsan loo agaasimo hawl.
iskudubbarid²: f.g1 (-day, -dday) Cid hawl si wanaagsan u agaasimid. m.f.dh, isku-dubbaridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuul
m.l la-mid: iskool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskuul
m.l la-mid: iskool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuul
m. n. school
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuul
-ka: (n) school (iskuul) ~ iskool, dugsi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuul
bw: iskool {N < Eng}
de: school
lx: iskuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dugsi
key: iskuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulubi
(Sulubi-da)
Wax aan kurtummo iyo gowtiyo lahayn; kor sinsiman; sidib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sulubi
f. n. smoothness, polish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulubi
-ga: (magac, lab, keli) waxaan kurtummo iyo gawtimo midna lahayn; korka ka sinsiman; sidib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sulubi
de: smoothness, polish
initial: s
lx: sulubi
pd: (-da)
ps: n-f
key: sulubi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax samayn. 2. Wax hagaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax samayn. 2. Wax hagaajin. m.f.dh, suubbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubbi
v. do ~ add for good measure, improve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suubbi
-yey / say: (v) do (dhuu); make (meeyk) Ex: xaggee lagu suubbiyey? where is it made?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubbi
(fal) samay; waxay; fal.
suubbi: (fal) wax fiican samee, ku kac fal suubban Suubbi wanaag xumana diid. Dh: hagaaji; wanaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubbi
de: do ~ add for good measure, improve
initial: s
lx: suubbi
nt: suubbin (ta) [vn-f], suubbis (ka) [vn-m]
pd: (suubbiyey)
ps: v2a=tr
key: suubbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaabi
(fal) dhererkaaga hoos u dhig oo gaabi. Waan isgaabinnaa markaan geedka hoos marayno.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskudar
-ka: (n) 1. mixture (miksi-jar); blend (baleendh); medley (med-li) isku qas. 2. [Mathematics]: addition (a dhishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudar
-ka: (magac, lab, keli) falkiimikaad ka kooban waxyaabo kala duwan oo la isku daray.
iskudar: (fal) labo shey ama xisaab meel isugu gee. Dh: wadaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuday
-ey iskudayday: (v) try (taraay); give a trial to; give something a try
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskudey
v. try (to do something); test, try out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskudey
de: try (to do s.t.); test, try out
lx: iskudey
pd: (iskudeyay ~ iskudeyey)
ps: v2a=expr
xe: He is trying to study hard.
xv: day
key: iskudey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudir
-ka: (magac, lab, keli) siday colaadi labo dhinac uga dhex dhici lahayd, ka shaqayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskumid
-ah: (adj) same (seeym); identical (aay dhen-tikal) ~ iskumid. Ex: laba buug oo isku mid ah; two identical books [two copies of same book]
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iskuruu
Screw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskutun
(Iskutun-ka)
Jaadad badan oo inta la isku tumay la mideeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskutun
m. n. different substances mixed up together (usually spices)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskutun
(fal) iskuladh alaab kala jaadjaad ah oo meel isugu gee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskutun
de: different substances mixed up together (usually spices)
lx: iskutun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: iskutun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismuuji
(fal) si cad, cid kale isku tus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isnuuxi
v. move oneself around ~ about, fidget, make a movement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isnuuxi
-yey -say: (v) make one's body move
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isnuuxi
de: move oneself around ~ about, fidget, make a movement
lx: isnuuxi
nt: isnuuxin (ta) [vn-f]
pd: (isnuuxiyey)
ps: v2a=expr
key: isnuuxi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u gudbi
v. transmit; pass something to someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_gudbi
de: transmit; pass s.t. to s.o.
initial: u
lx: u gudbi
pd: (gudbiyey)
ps: v2a=expr
key: u_gudbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbi
f.g2 (-iyay, -isay) Webi, war, haro iyo wixi lamida labadooda dhan isaga gudbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is geddi
v. change one's mind; run back, change one's direction
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_geddi
de: change one's mind; run back, change one's direction
lx: is geddi
pd: (geddiyay / geddiday)
ps: v1=expr
key: is_geddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbuturi
f.mg2 (-iyay, -isay) Caro iyo islaweynaan awgeed gaar u bixid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbuturi
-ga: (magac, lab, keli) qof, cadho iyo islaweynaan awgeed gaar u bixid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
isku dar
combination
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isku dar
Confluence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku dar
v. add together, mix up, blend; join; take together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku dar
-ay / tay / een / nay: (v) add (aadh)-, combine (kom baayn)-, join (jooyn), unite
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku dey
v. test, try out; try on (clothing); put oneself into (an action)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku dir
-ay / tay: (v) stir up strife; come between; be a quarrelmonger
isku dir -ay / tay / een I nay: (v) cause dislike; excite hate; set against; antagonize ~ iska-hor keenid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku duw
-ay / day /een / nay: (v) 1. co-ordinate (kooordineeyt). 2. align (alaayn)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isku god
Isotope
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku iib
n. phr., [expression] same (in) price
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-god
m.l (kiimika) Atamyo isku curiye ah, oo iskaga mid ah tirada borotoonnada ee ku jira bu'da atamyada; laakiinse ku kala geddisan tirada niyuutaroonnada ee bu'da.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_dar
de: add together, mix up, blend; join; take together
lx: isku dar
pd: (daray)
ps: v1=expr
key: isku_dar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_day
de: test, try out; try on (clothing); put oneself into (an action)
lx: isku day
pd: (dayay ~ deyey)
ps: v2a=expr
xe: Can I try them on?
xv: Maan isku deyi karaa?
key: isku_day
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_iib
de: same (in) price
lx: isku iib
ps: np-expr
xe: They are the same price.
xv: Waa is ku iib.
key: isku_iib
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskubixi
-yey -say: (v) continue without interruption
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskuddar
(Iskuddar-ka)
Wax kala jaad ah oo la isku daray; cunno la isku dardaro oo si gaar ah loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuddar
m.l 1. Waxyaabo kala jaad ah oo la isku qasay. 2. Isugeynta xisaab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskuddar
m.l 1. Waxyaabo kala jaad ah oo la isku qasay. 2. Isugeynta xisaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuddar
m. n. addition, mixture; integration; confusion
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Iskuddar
Amalgamazione
Amalgamation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuddar
de: addition, mixture; integration; confusion Alt sp: iskudar
lx: iskuddar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: iskuddar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskudhis
m.l (-syo, m.dh) 1. Ku faanidda darajo ama hanti ee qof kale leeyahay. 2. Laba curiye ama ka badan oo si falgal kiimikeed isugu taga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskudhis
m.l (-syo, m.dh) 1. Ku faanidda darajo ama hanti ee qof kale leeyahay. 2. Laba curiye ama ka badan oo si falgal kiimikeed isugu taga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskudhis
m. n. compound {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskudhis
-ka: (n) [Chemistry] compound (kam powndh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudhis
-ka: (magac, lab, keli) maryo soo saaraya bilicdaada, xidhasho.
iskudhis -ka: (magac, lab, keli) isuguurinta lab iyo dhedig is geya. Dh: isudhis.
iskudhis -ka: (magac, lab, keli) marka labo curiye in ka badan ay walax ahaan saamiyo qeexan iskugu darsamaan oo ay wadajir iskugu hayaan xayn'atamyadu qaab dabarro kiimiko ah. Salfar ogseydh = waa iskudhis salfar iyo ogsajiin.
iskudhis -ka: (magac, lab, keli) walaxda ka samaysanta falgal kimikaad dhex mara laba curiye iyo wixii ka badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskudhis
de: compound {chemistry}
lx: iskudhis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: iskudhis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuduwe
-ha: (n) co-ordinator (ko oor di neeytor) ~ isuduwe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskunuug
(Iskunuug-ga)
Ilmihii hore oo weli nuugaya oo ilmo kale dhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskunuug
m.l Neef xoolo ah ama haweenay dhashay iyadoo la nuugayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskunuug
m.l Neef xoolo ah ama haweenay dhashay iyadoo la nuugayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskunuug
-ga: (magac, lab, keli) ilmihii hore oo weli nuuga oo ilma kale dhasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Iskuruug
Labada qal labadooda bog ee isa saarma ama isku xirma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskushub
(Iskushub-ka)
1. Dermo si gaar ah loo falkiyo oo qurux badan.
2. Jaadad badan oo shubma oo isku darsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskushub
m.l 1. I. ah: derin ama harar la xiddeeyey. 2. Laba lammaanood oo goroyo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskushub
m.l 1. I. ah: derin ama harar la xiddeeyey. 2. Laba lammaanood oo qoryo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskushub
vl. n. pouring liquids together; confluence, convergence
iskushub: m. n. mat that is particularly well-made and beautiful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskushub
-ay/tay/een/nay: (v) pour oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskushub
-ka: (magac, lab, keli) darmo si gaar ah loo falkiyay oo qurux badan. Iskushub fiican ayaan soo iibsaday.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuxidh
-ay/tay/een/nay: (v) join or fasten together: join (jooyn); connect (ko nekt) ~ isku-xir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismutuxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof meel aan looga baahneyn isa soo taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ismutuxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof meel aan looga baahneyn isa soo taagid. m.f.dh, ismutuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istuudyo
-ha: (magac, lab, keli) qolka lagu diyaariyo lagana baahiyo barnaamijyada idaacadaha iyo telefishinnada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeysi
m.l la-mid: isugeysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isuqaybi
-yey / say: (v) [Mathematics] divide (dhivaaydh),
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku bixi
v. continue, not interrupt, allow something to go on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku dhis
-ka: (n) [Chemistry] compound (kampowndh)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku gedo
m. n., [abstract] state of being the same age ~ a peer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku qabo
v. catch a man and a woman in bed together; hold several things together