isku-dubbaridid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-dubbaridid
m.f.dh eeg isku-dubbarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudubbaridid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama waxyaabo isku hagaajin oo habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-dubbarid
isku-dubbarid¹: m.l Agaasimidda si wanaag-san loo agaasimo hawl.
isku-dubbarid²: f.g1 (-day, -dday) Cid hawl si wanaagsan u agaasimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskudubbarid
iskudubbarid¹: m.l Agaasimidda si wanaagsan loo agaasimo hawl.
iskudubbarid²: f.g1 (-day, -dday) Cid hawl si wanaagsan u agaasimid. m.f.dh, isku-dubbaridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku dubbarrid
v. organize ~ arrange something (so it goes smoothly); settle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_dubbarrid
de: organize ~ arrange s.t. (so it goes smoothly); settle
lx: isku dubbarrid
pd: (dubbarriday)
ps: v1=expr
key: isku_dubbarrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaasin
agaasin¹: m.l 1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iyo wixi lamida. 2. la-mid: agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.
agaasin²: f.g1 (-imay, -intay; -imi) Habeyn iyo isku dubbaridid (hawl).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ol'ole
m.l (-layaal, m.l/dh) Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iyo wixi lamida. la-mid: olole.

qabanqaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la fulin lahaa isku dubbaridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqaalo
m.dh 1. la-mid: qalqaalin. Isku dubbarididda hawl arrin iyo wixi lamida qabashadooda. 2. Hanti aan badnayn oo qof la siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agaasin
agaasin¹: m.l 1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iyo wixi lamida. 2. la-mid: agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.
agaasin²: f.g1 (-imay, -intay; -imi) Habeyn iyo isku dubbaridid (hawl). m.f.dh,agaasimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhismo
dhismo¹: m.l/dh 1. Farsamada iyo habka wax loo dhiso. 2. (-ooyin, m.l) Wax dhisan sida guri, xafiis iyo wixi lamida. 3. Qoryaha, sarabka iyo wixi lamida ee guryaha qaarkood lagu dhiso. 4. Isku-dubbarididda iyo habeynta gabay in muddo ah.
dhismo²: m.l/dh (naxwe) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida 'foniimyada', 'ereyada', 'oraahyada'), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ol'ole
m.l (-layaal, m.l/dh) Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iyo wixi lamida. la-mid: olole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabanqaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la fulin lahaa isku dubbaridid. m.f.dh, qabanqaabin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
co-ordinate
/ko-ordhineyt/ (v) isku-duwid (isku-dubbaridid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
edit
/edhit/ (v) 1. soo-diyaarin iyo isku-dubbaridid buug, joornaal, filin iwm. 2. sixitaan qoraal lugu sameeyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtir
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar, sacab iyo wixii la mid ah, dhabaqda ka bi'in oo isku dubbaridid. Dh: badhaqtir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtirid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dubbaridid oo wax dhabaq ama badhaq ah u diidid. Dh: badhaqtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaargarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl soo socota waxay ku hirgeli lahayd oo dhan isku dubbaridid. Dh: diyaargaraw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qodobyo ku qabqabasho. Dh: tolid, qodobays.
qodobayn-ta: (magac, dhedig, keli) hadal habayn oo isku dubbaridid. Dh: qodobays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ratibid
-da: (magac, dhedig, keli) «u» u ratibis; u joogteyn; u rukumid.
ratibid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan habaysnayn habayn oo isku dubbaridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuddubbadhicid
m.f.dh eeg iskuddubbadhac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskadulqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) boqol iyo buullo, midkii ay noqoto ba, qofkaad wax yeeshay magtiisa bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku dubbadhac
v. be settled, organized, off to a good start; assume a regular rhythm ~ pattern
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku-agaasimid
vl. n. coordination
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_dubbadhac
de: be settled, organized, off to a good start; assume a regular rhythm ~ pattern
lx: isku dubbadhac
pd: (dubbadhacay)
ps: v1=expr
key: isku_dubbadhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuddubbadhac
iskuddubbadhac¹: m.l 1. I. ah: wax si nidaam leh oo aan kala go' layahan u socda.
iskuddubbadhac²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax si nidaam leh u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskuddubbadhac
iskuddubbadhac¹: m.l 1. I. ah: wax si nidaam leh oo aan kala go' layahan u socda.
iskuddubbadhac²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax si nidaam leh u socosho. m.f.dh, iskuddubbadhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuddubbadhac
m. n. good beginning (of a program ~ work); organization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuddubbadhac
de: good beginning (of a program ~ work); [ext.] organization
lx: iskuddubbadhac
pd: (-a)
ps: n-m
key: iskuddubbadhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuddubbadhacmo
m.dh la-mid: iskuddubbadhac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudarsamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo wax ama in ka badan, isku biirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isku dubadhac
Resonance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-cadaadis
m.l (fiisikis) Xariiq ku muujisan khariidad ama kaarto iskuna xidha baraha ama meelaha cadaadiskooda gibileed uu isku mid yahay.