isku-aadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-aadid
m.f.dh eeg isku-aad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-aaddin
m.f.dh eeg isku-aaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-aad
isku-aad¹: m.l Isku abbaaridda ay laba shay ama kooxood isku abbaarmaan. la-mid: aad¹.
isku-aad²: f.mg1 (-day, -dday) Laba walxood iyo wixi lamida isku abbaarmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isku-aad
isku-aad¹: m.l Isku abbaaridda ay laba shay ama kooxood isku abbaarmaan. la-mid: aad.
isku-aad²: f.mg1 (-day, -dday) Laba walxood iyo wixi lamida isku abbaarmid. m.f.dh, isku-aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-aaddi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba walxood ama ka badan isku abbaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isku-aaddi
f.g2 (-iyay, -isay) Laba walxood ama ka badan isku abbaarid. m.f.dh, isku-aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-aaddan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la isku aaddiyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isku-aaddan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la isku aaddiyay ahaansho. m.f.dh, isku-aaddanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isku'aad
-ka: (magac, lab, keli) labo walxood iyo wixii la mid ah, isku abbaarmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskujaad
m.l (-dad, m.l) Waxyaabaha isku midka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-jaad
m.l (-dad, m.l) Waxyaabaha isku midka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudarid
-da: (magac, dhedig, keli) labo wax ama in ka badan isku biirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan natiijadiisa la hubin, isku dayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuxidid
m.l.kh I. ah: laba wax oo isku fir ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuxidid
m. n., [collective] affines, kinsmen related by marriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuxidid
de: affines, kinsmen related by marriage
lx: iskuxidid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: iskuxidid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-go'id
m.f.dh eeg isku-go'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskudarmid
m.f.dh eeg iskudaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudhafid
-da: (magac, dhedig, keli) labo shey ama in ka badan oo la is dhexgeliyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskadulqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) boqol iyo buullo, midkii ay noqoto ba, qofkaad wax yeeshay magtiisa bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-cadaadis
m.l (fiisikis) Xariiq ku muujisan khariidad ama kaarto iskuna xidha baraha ama meelaha cadaadiskooda gibileed uu isku mid yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskucadaadis
m.l (fiisikis) Xariiq ku muujisan khariidad ama kaarto iskuna xidha baraha ama meelaha cadaadiskooda gibileed uu isku mid yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudarsamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo wax ama in ka badan, isku biirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is ku darid
vl. n. mixing, blending
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_ku_darid
de: mixing, blending
lx: is ku darid
pd: (-da)
ps: vn1-f-expr
key: is_ku_darid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskhilaafid
m.dh la-mid: ikhtilaafid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isku cadaadis
Isobars
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-dubbarid
isku-dubbarid¹: m.l Agaasimidda si wanaag-san loo agaasimo hawl.
isku-dubbarid²: f.g1 (-day, -dday) Cid hawl si wanaagsan u agaasimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaadid
m.f.dh eeg idaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudir
-ka: (magac, lab, keli) siday colaadi labo dhinac uga dhex dhici lahayd, ka shaqayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskumid
-ah: (adj) same (seeym); identical (aay dhen-tikal) ~ iskumid. Ex: laba buug oo isku mid ah; two identical books [two copies of same book]
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuwąa
m.l Laba waxyaabood oo isku waqti noolaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuwaa
m. n., [compound] contemporary (persons ~ things)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuwaa
(n) same era; same time
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuwaa
de: contemporary (persons ~ things)
lx: iskuwaa
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
syn: islamar
key: iskuwaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
umaadid
m.f.dh eeg umaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashada ama geerida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dillaaca waaga berigiisa; kaahidda waaberiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaadid
m.f.dh eeg gumaad². la-mid: gumaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaadid
-da: (magac, dhedig, keli) si kala sooc la'aan ah u layn. Dh: gumaad, baabi'in, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaarid
(Inkaarid-da)
Habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaarid
m.f.dh eeg inkaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karaahi ku ridid, habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku dir
-ay / tay: (v) stir up strife; come between; be a quarrelmonger
isku dir -ay / tay / een I nay: (v) cause dislike; excite hate; set against; antagonize ~ iska-hor keenid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku lad
v. disregard, neglect; obstruct, block, prevent; oppose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku lad
-ay / day: (v) fail to care for; neglect (niglakt) ~ dayac, laayac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku mid
n. phr., [expression] equal, the same; make no difference
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku mid
-ah: (adj) same (seeym); identical, selfsame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-god
m.l (kiimika) Atamyo isku curiye ah, oo iskaga mid ah tirada borotoonnada ee ku jira bu'da atamyada; laakiinse ku kala geddisan tirada niyuutaroonnada ee bu'da.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_lad
de: disregard, neglect; obstruct, block, prevent; oppose
lx: isku lad
pd: (laday)
ps: v1=expr
key: isku_lad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_mid
de: equal, the same; make no difference
lx: isku mid
ps: np-expr
xe: It makes no difference. Its all the same.' Alt sp: iskummid
xv: Waa is ku mid.
key: isku_mid
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
iskujaal
team-mate
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskukaan
m.l (-nno, m.dh) (baay.) Marka la sharaxayo noole leh laba aliil oo isku mid ah oo ukumaya muuqal gaar ah shiiqiye iyo shiiqsane midkuu doono ha ahaadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskummid
(Iskummid-ka)
Isku mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskummid
m.l I. ah: wax aan kala duwanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskummid
m. n., [abstract] (adj.): sameness, equality; equal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Iskummid
Uguale
Equal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskummid
de: sameness, equality; [atr.] equal
lx: iskummid
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
see: mid
key: iskummid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskuyaal
-ka: (magac, lab, keli) isku dhejisnaanta labo walxood iyo in ka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaaxid
(Islaaxid-da)
Islaax ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxid
m.f.dh eeg islaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
israacid
-da: (magac, dhedig, keli) wada socosho oo jid wada marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaagid
(Istaagid-da)
Fadhi ka kicid; joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaagid
m.f.dh eeg istaag². la-mid: istaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaagid
-da: (magac, dhedig, keli) joogitaan aanan la dhaqdhaqaaqayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
istaagid
قيام، نهض
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaqaadid
vl. n. confiscation, taking away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaqaadid
de: confiscation, taking away
lx: kaqaadid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: qaad
key: kaqaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudaalid
(Kudaalid-da)
1. Faras aan la lahayn fuulid oo la cararid oo dhul fog la aadid.
2. Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudaalid
m.f.dh eeg kudaal³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuhaamid
(Kuhaamid-da)
Waxyaalo aan weli dhicin waxkasheegid, ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuhaamid
m.f.dh eeg kuhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo aan wali dhicin sii sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulaalid
(Kulaalid-da)
Dab ama wax la mid ah oo kulul ag fariisasho, dhaxanta isaga bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaalid
m.f.dh eeg kulaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dab ama wax la mid ah oo kulul ag fariisasho oo dhaxanta isaga bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadid
(Muraadid-da)
Muraad (u) yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadid
m.f.dh eeg muraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax u qasdiyid oo dan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadid
m.f.dh eeg rakaad². la-mid: rakaad¹, rakaadin, rakaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) marin oo xoolo cabbay dib darka ugu celin. Rakaadiddu lo'da way u fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadid
(Siyaadid-da)
Siyaado ku darmid; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadid
m.f.dh eeg siyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadid
-da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darmid; soo kordhid; soo badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Su'aalid
(Su'aalid-da)
Hadal la doonayo in wax lagu ogaado ama lagu helo, cid u jeedin, kula hadlid; wax weyddiin; waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
su'aalid
m.f.dh eeg su'aal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
su'aalid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la doonayo in wax lagu ogaado ama lagu helo, weyddiin; ka waraysi; ka waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inshaadid
(Inshaadid-da)
Qasiido ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inshaadid
m.f.dh eeg inshaad².