iskaylheerkul
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskaylheerkul
m.l (-llo ..., m.dh) (fiisikis) Susunka qiimayaasha ee u taagan heerkul. Susunka noocani ah waxa la helaa, sida badan, in la doorto labo barood oo maguuraan ah; taas oo inta u dhexeyso loo qaybiyo qayb-hoosaadyo ku salaysan hab laysku raacay. Tusaale ahaan iskaylka Selsiyas waxa uu leeyahay 9 qaybood oo u dhexeeya (0° C) barta dhalaashanka ee biyaha iyo (100° C) oo ah barta karka ee biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskayl heerkul

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iskaylka Heerkul
Temperature Scale
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskuheerkul
m.l 1. (fiisikis) Xariiq ku muujisan khariidad; ama kaarto, iskuna xirta baraha ama meelaha heerkulkoodu isle'egyahay. 2. (fiisikis) Xood ku muujisan garaaf oo u taagan qiyaaso laga cabbir qaatay heerkul madoorsoome ah (sida, xiriirka ka dhexeeya cadaadiska iyo mugga neef, marka heerkulku yahay madoorsoome).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isku heerkul
Isotherm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isku-heerkul
m.l 1. (fiisikis) Xariiq ku muujisan khariidad; ama kaarto, iskuna xirta baraha ama meelaha heerkulkoodu isle'egyahay. 2. (fiisikis) Xood ku muujisan garaaf oo u taagan qiyaaso laga cabbir qaatay heerkul madoorsoome ah (sida, xiriirka ka dhexeeya cadaadiska iyo mugga neef, marka heerkulku yahay madoorsoome).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wadar heerkul
Accumulated temperature
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskayeelyeel
iskayeelyeel¹: m.l la-mid: isyeelyeel¹.
iskayeelyeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) la-mid: isyeelyeel².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskayeelyeel
m. n. pretense, sham
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskayeelyeel
de: pretense, sham (when s.o. pretends to be s.t. else)
lx: iskayeelyeel
pd: (-ka)
ps: n-m
key: iskayeelyeel