iskagal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskagal
-ka: (magac, lab, keli) meelaha labo xubnood isaga yimaaddaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaggal
(Iskaggal-ka)
Meesha labo xubnood iska gasho; kalaggoys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaggal
m. n. joint (of the body)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaggal
de: joint (of the body)
lx: iskaggal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: iskaggal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaga
pron. and preposition: oneself ... from / using (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaga
de: oneself ... from / using (X)
lx: iskaga
ps: pro + prep
xe: They defended themselves from the soldiers with clubs.
xv: Askarta bur bey iskaga celiyeen.
key: iskaga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska qal
v. have an operation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_qal
de: have an operation
lx: iska qal
pd: (qalay)
ps: v1=expr
xe: You must have an operation at once.
xv: Waa inaad hadda iska qasho.
key: iska_qal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskadhal
m.l.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskadhal
m.l.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskadhal
m. n. person born of parents of a different race
iskadhal m. n. person born of parents of the same clan ~ sub-clan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskadhal
-ka: (n) person who's parents are from same clan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskadhal
-ka: (magac, lab, keli) noole ka dhasha labo noole oo kala sinji ah, ama mid ka dhasha labo noole oo ka soo jeeda labo raas oo isku sinji ah. Raaska madaw iyo raaska cad ee dadku waxay keenaan iskadhal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isaga
1. (isaga) Uyaalka qofka aan lala hadlayn oo lab oo keli ah.
2. (isaga) Iskaga; ka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isaga
mu.eb Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee kalida lab ah (kan laga hadlayo ama wax laga qoraya). la-mid: isa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isaga
mu.eb (naxwe) Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee kalida lab ah (kan laga hadlayo ama wax laga qoraya). la-mid: isa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isaga
pron., 3m: he, him
isaga pron. and preposition:
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isaga
(pronoun) he (hii); him (him) ~ asaga. Ex: isaga baa leh; it belongs to him. Asaga baa yiri; he said
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isaga
(magac'uyaal) qofka sadexaad ee laga hadlaayo oo keli ah. Isaga ayaa carruurta wax u dhiga.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
isaga
هُوَ
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgal
Joint
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaa
(iskay, iskiis, iskeed, kd.) qofka laftiisa; nafta tiis ah, kd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaa
pron. and preposition: on one's own; for oneself; oneself ... to you
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaa
(pronoun) yourself, —iskiis; himself, —iskeen; ourselves, —is-kood; themselves, —iskay; myself. Ex: iskiis u shaqaysta; self employed man
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaa
de: on one's own; for oneself; oneself ... to you = is + ka + u
lx: iskaa
ps: pro + prep
xe: Let me introduce myself to you.
xv: Bal an iskaa baro.
key: iskaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagal
(Sagal-ka)
Daliigo balballaaran oo moodda galabeed u eg oo xilliga roobka cirka ku dhilma aroortii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagal
m.l Daliigo cas-cas oo moodda galbeed u eg oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagal
m.l Daliigo cas-cas oo moodda galbeed u eg oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagal
m. n. rays of light at dawn (which indicate distant rain)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sagal
name-f rays of light at dawn (which indicates a distant rain). Lit: one born with beauty; sunshine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagal
-ka: (n) 1. morning rays of the sun during the rainy season, 2. Somali name used for females
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sagal
magac loo baxsho gabadh muuqeeda iyo quruxdeeda lagu metaalay iftiinka fadka ku hadha gabbalka dhiciisa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagal
-ka: (magac, lab, keli) falaad leh daliigo ama liidad buluug u eg oo dhanka bari ka soo baxa marka cadceedbaxu soo dhowyahay oo loo arko in ay tahay ifafaalo roob. Dh: waqal.
sagal -ka: (magac, lab, keli) boodh yar oo dabay! ama wax kale kiciyo. Dh: siigo, habaas, siiso, fidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagal
cf: sagli
de: rays of light at dawn (which indicate distant rain)
initial: s
lx: sagal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sagal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isagaa
pron., 3m,: It is he who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isagaa
(pronoun) he is the one who. ~ asagaa. Ex: isagaa dilay; he killed it
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isagaa
de: It is he who ... = isaga + baa
lx: isagaa
ps: pro-3m + focus
key: isagaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskaaf
-ka: (magac, lab, keli) maro yar oo raggu qoorta ku xidho oo xarrago loo qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskala
pron. and preposition:
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskala
de: = is + ka + la
lx: iskala
ps: pro + prep
key: iskala
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isirgal
Factorable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskaalo
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah ciyaaraha turubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ismaqal
(Ismaqal-ka)
Habka wadajirka iyo wada dhaqanku ku dhisan yihiin; wax-iskayeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismaqal
v. listen to each other; hear each other
ismaqal: vl. n. listening to each other; mutual understanding, cooperation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ismaqal
-ay/een / nay: (v) 1. pay attention to each other; co-operate (ko wapareeyt); collaborate; Ex: haddii iidan ismaqal waad khasaaraysaan; if you don't co-operate, you will lose. 2. listen or hear each other. Ex: ma ismaqasheen? did you hear each other?
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ismaqal
Armonial
Harmony
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaqal
-ka: (magac, lab, keli) wax iska yeelid oo is ixtiramid; is dhegaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaw
(fal) uskag yeelo oo wisikhow; mid uskag leh ahaw. Dh: wasakhaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagay
(fal) uskag u yeel; uskag gaadhsii. Dh: wisikhay, wasakhay. Li: nadiifi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskafaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qalab leh qaanado furan oo saf ahaan isu dul saaran oo alaab, buugag iyo wixi lamida la saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskafaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qalab leh qaanado furan oo saf ahaan isu dul saaran oo alaab, buugag iyo wixi lamida la saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskafaale
m. n. shelf, rack; bookcase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskafaale
-iskafaalaha: (n) shelf (shalf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskafaale
-ha: (magac, lab, keli) qalab leh qaanado furan oo saf ahaan isu dul saaran oo alaab, buugaag iyo wixii la mid ah, la saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskafaale
de: shelf, rack; bookcase Alt sp: iskafaalle {C & S < It}
lx: iskafaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: iskafaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskahadle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxba u fiirsan oo hadalka iska tuura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskumagac
m.l Laba wax oo hal magac wadaaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskumagac
m.l Laba wax oo hal magac wadaaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskumagac
m. n., [compound] homonym {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskumagac
de: homonym {grammar}
lx: iskumagac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: iskumagac
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbataal
-ka: (n) hospital (hoos-pi-tal) ~ isbitaal
isbataal dhig -ga / tay: (v). hospitalize (hospitalaayz). Ex: isbataal baa bil la dhigay; he was hospitalizedfor a month
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska daa
v. never mind!, forget it!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska raw
v. beware, be careful, look out (for oneself)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska tag
v. go off; just go away, 'Get lost!'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_daa
de: never mind!, forget it!
lx: iska daa
pd: (daayey)
ps: v2a=expr
key: iska_daa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_raw
de: beware, be careful, look out (for oneself) Alt sp: row
lx: iska raw
pd: (raway)
ps: v1=expr
key: iska_raw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_tag
de: go off; just go away, 'Get lost!'
lx: iska tag
pd: (tagay ~ tegey)
ps: v1=expr
key: iska_tag
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaalso
f. n./m: stocking, pair of socks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaalso
-iskaalshada: (n) [Pl. iskaalshooyin-ka] sock (sook)-, socks (sookis), sox
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaalso
de: stocking, pair of socks
lx: iskaalso
pd: (/da ~ /ha)
ps: n6-f/m
syn: sharabaad, sigis {It}
key: iskaalso
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
iskujaal
team-mate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskuyaal
-ka: (magac, lab, keli) isku dhejisnaanta labo walxood iyo in ka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax ligan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax ligan ahaansho. m.f.dh, istaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimagal
(tilmaame) mid qiimo fiican lagu libin karo. Dibigii wuu naaxay oo maanta waa qiimagal.
qiimagal -ka: (magac, lab, keli) tayo wanaagsan oo uu shay leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uskagayn
(Uskagayn-ta)
Uskag u yeelid, uskag gaarsiin; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uskagayn
m.f.dh eeg uskagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) uskag u yeelid; wasakh gaadhsiin. Dh: wasakhayn, wisikhayn. Li: nadiifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagays
-ka: (magac, lab, keli) uskag u yeelis; wasakh marmarin. Dh: uskagayn, wasakhays. Li: nadiifis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
I ska dhal
Mestizo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is ka garo
v. sense, guess, feel something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_ka_garo
de: sense, guess, feel s.t.
lx: is ka garo
pd: (gartay)
ps: v3b=expr
xe: Guess what I will do.
xv: Is ka garo waxaan samaynayo.
key: is_ka_garo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabaggal
isdabaggal¹: m.l Socod nafley badan ay socoto oo midka mid ka dambeeyo.
isdabaggal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Nafley badan oo socota midba mid ka dambeysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskadhal_1
de: person born of parents of a different race
hm: 1
lx: iskadhal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: muwallad {N}
key: iskadhal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskadhal_2
de: person born of parents of the same clan ~ sub-clan
hm: 2
lx: iskadhal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dhalad {C & S}
key: iskadhal_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agal
-sha: (magac, dhedig, keli) astaamaha iyo lebbiska geerida ee ay dumarku muujiyaan kolka uu saygoodu dhinto. Dh: asay, hengel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iska
1. Laftiisa, kd.; dantiisa; iddiisa.
2. Aniga ka; adiga ka; isaga ka, kd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska
[adverb] or [adverbial] [expression] just, only
iska pron., refl: oneself; from / of oneself
iska pron., recip: each other, one another
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iska
-isku: (pronoun) 1. you; me. Ex: iskawaran? how are you?. Iskakay daa, haddii kale... leave me alone, or else.... 2. one another. Ex: hablihii musqushay isku raaceen; the girls followed one another into the washroom
iska: (adj) simply; certainly; just (jast). Ex: way iska qurxoon tahay; it's just beautiful, or she is just beautiful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaal
1. (Kaal-ka) ° Waran weyn.
2. (Kaa-sha) a) Kaalo; deeq. b) Qayb. c) Qaaddo weyn; qarsin; qudde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaal
kaal¹: m.l (-lal, m.l) Warmaha waaweyn nooc ka mid ah.
kaal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.
kaal³: f.g1 (-aalay, -aashay) Nin guursadey xoolo siin. la-mid: kaali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaal
m.dh (-lo, m.l) 1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaal
m. n. large spear, javelin
kaal [feminine] n. ladle, large wooden spoon
kaal [feminine] n. aid, help; contribution, share; gift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaal
-ka: (magac, lab, keli) nooc warmaha ka mid ah. Dh: gamas.
kaal -ka: (magac, lab, keli) qaaddo weyn. Dh: qarsin, qudde.
kaal -ka: (magac, lab, keli) wax wadajir loo urursho oo cid ama arrin, gargaar ahaan loo siiyo ama wax loogu qabto. Dh: diiqo, xoolaggooyo.
kaal -ka: (magac, lab, keli) meel dabool lagu xidhayay uu ka weynaaday, jillaafta yar oo lagu le'ekaysiiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaga
prep and preposition: of ... from; from ... at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaga
(preposition) from (faroom); at ~ uga. Ex: Cali iskuulkaa kaga imid; I left Ali at the school
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaga
de: of ... from; from ... at
lx: kaga
ps: prep + prep
xe: Where have you left your book? [lit: come from ... at] = ka + ka, ku + ka, ku + ku
xv: Buuggaaga xaggee baad kaga timid?
key: kaga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saal
(falkaabe) armaa; billaa; sow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaga
pron., 3m: he, him
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaga
(pronoun) he (An); him (him) ~ isaga. Ex: asaga baa arakay baabuurkii; he saw the car