ereyga

iskaashato; danwadaag

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

ISKAASHATO; DANWADAAG

DHAN
1

Co-operativa

2

Co-operative

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daawo

DHAABAN
1

(Daawa-da)

2

1. Dad ururay oo xoolo isku darsaday; iskaashato; danwadaag; wadajir; hantiwadaag; daawaley; wadaagto; shirko.

3

2. Dawada cudurrada iyo nabarrada iyo meeshii bugta la marsho ama lagu dhayo ama siyaalo kale loo qaato.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daawaley

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) dad urursan oo hanti isku darsaday. Dh: shirkad, iskaashato, danwadaag, wadajir, shirko, daawoley.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daawo

DHAABAN
1

(fal) indhaha ku fiiri oo waxa dhacaya arag. Daawo ciyaartaan ka dheelo caawa carooska. Dh: fiiri, daymoo, dhawr, dhugo.

2

daawo -da: (magac, dhedig, keli) wax cudurrada, nabarrada iyo meeshii bugta la mariyo ama lagu dhayo ama siyaabo kale oo kala duwan loo qaato oo loogu daaweeyo. Dh: dawo.

3

daawo -da: (magac, dhedig, keli) dad ururay oo xoolo isku darsaday. Daawada ku soo biir oo keen xoolo waxaad hayso. Dh: iskaashato, danwadaag. wadajjir, daawaley, shirko, shirkad.

waa la naqliyay ✓