iskaashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaashad
(Iskaashad-ka)
Wax wada qabsad; is teegaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaashad
vl. n. cooperation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaashad
-ka: (n) collaboration; cooperation; teamwork; joint effort ~ iskaashi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Iskaashad
Co-operazione
Co-operation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaashad
a: iskaashi
de: cooperation rw: is + kaal
lx: iskaashad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: iskaashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaashato
(Iskaashata-da)
Urur danwadaag ah; shirkad; daawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskaashato
m.dh (-ooyin, m.l) Dad ururay oo xoog iyo hantiba wadaaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskaashato
m.dh (-ooyin, m.l) Dad ururay oo xoog iyo hantiba wadaaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaashato
f. n. cooperative (organization)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaashato
-iskaashatada: (n) cooperative (kowaparative)-, co-op (kow-ap) ~ danwadaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskaashato
-da: (magacwadareed) dad badan oo isku garabsaday danahooda; dad wada shaqayni ka dhaxayso. Dh: danwadaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaashato
cf: daawo, hantiwadaag
de: cooperative (organization)
lx: iskaashato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: iskaashato
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
coopérer
coopérer, v. - Iskaashad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxwadaqabsi
de: cooperation, collaboration
initial: w
lx: waxwadaqabsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
syn: iskaashad, iskuxidhnaan
key: waxwadaqabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaashad
m.f.l eeg kaasho. la-mid: kaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaashad
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, taageersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaashi
(Iskaashi-ga)
Wax wada qabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaashi
m. n. cooperation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaashi
-ga: (n) collaboration; cooperation; teamwork; joint effort ~ iskaashad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskaashi
-ga: (magac, lab, keli) istaageersiga labo dhinac iyo in ka badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaashi
de: cooperation
lx: iskaashi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: iskaashi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaashad
-da:(n) monitor (monitor); screen (iskiriin) ~ Ex: shaashadda kumbiyuutarka; the computer screen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isutashad
-ka: (magac, lab, keli) iskaa u malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashad
m.f.l eeg kashkaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashaashad
m.dh (-do, m.l) B. ah: qof haween ah, bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaashad
-da: (magac, dhedig, keli) wejifurnaan, dabeecad samaan dadka dhoollocaddayn lagu qaabilo. Wejigaaga bashaashad ha laga arko. Dh: wejifurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiilaashad
(Jiilaashad-ka)
Xilli kulul oo aan roob lahayn gelid; abaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaashad
m.f.dh eeg jiilaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaashad
-ka: (magac, lab, keli) dabaysha jiilaalka, soo dhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushaashad
-da: (magac, dhedig, keli) tuubbo ay afkeeda biyo xoog leh oo kala firidhsani ka soo baxaan oo beeraha lagu waraabiyo dhulkana lagu rusho. Rushaashad beerta ku waraabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashad
m.f.l eeg baasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashad
-da: (magac, dhedig, keli) waraaq labadeeda dhan. Dh: bayaad, waraaq.
baashad -ka: (magac, lab, keli) dilka cadawga darajo ku doonid; baal ku gashad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faashad
faashad¹: m.dh (-do, m.l) Gabal dhar oo cad oo lagu duubo meelaha dhaawacan ee jirka.
faashad²: m.f.dh eeg faasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faashad
m.dh (-do, m.l) Gabal dhar oo cad oo lagu duubo meelaha dhaawacan ee jirka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faashad
-da: (n) bandage (baan-dheeyj); gauze (gooz); pad (paadh) ~ gaarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faashad
-da: (magac, dhedig, keli) maro meesha jidhka dhaawacanta lagu duubo oo daawada u haysa. Faashad cusub ha lagu xidho boogta.
faashad -da: (magac, dhedig, keli) khad sara jooga oo kolka dhisme la talbiisayo lagu calaamadsado si talbiistu iskugu sinnaato. Wa: faashado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawshad
-ka: (magac, lab, kali,) min ka mid ah minanka faalka magiiganaha. Waa minka ugu ba'as oo waa geesi, haseyeeshe qaylaa ku seegin, oo waxa la yidhaa 'Koore-liibaanlow Kawshad baa hadhay'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaashad
(Dhaashad-ka)
Dhaashi ismarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaashad
m.f.l eeg dhaasho. la-mid: dhaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashad
-ka: (magac, lab, keli) sudag si fiican u marsasho oo barwaaqo in la joogo ka markhaati kicid. Dh: subkad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gisaasad
-da: (magac, dhedig, keli) muraayadda faynuuska ee dibaaradda dabaysha ka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilkaysad
(Ilkaysad-ka)
Ilkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkaysad
m.l la-mid: ilkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskadhal
m.l.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskadhal
m.l.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskadhal
m. n. person born of parents of a different race
iskadhal m. n. person born of parents of the same clan ~ sub-clan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskadhal
-ka: (n) person who's parents are from same clan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskadhal
-ka: (magac, lab, keli) noole ka dhasha labo noole oo kala sinji ah, ama mid ka dhasha labo noole oo ka soo jeeda labo raas oo isku sinji ah. Raaska madaw iyo raaska cad ee dadku waxay keenaan iskadhal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashaw
(fal) 'ilma yar' dadka urtooda ku bukoo.
shaashaw -ga: (magac, lab, kali) timaha jidhka oo badan. Dh: dhogor, idiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashay
(fal) 'ilmo dhashay' shaasho ku rid.
shaashay: (fal) wax godlan, cari: gaaggixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraashad
* (Buraashad-da)
Ubbo biyaha lagu shubto oo badanaa macdan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraashad
m.dh (-do, m.l) Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buraashad
m.dh (-do, m.l) Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraashad
f. n. canteen, flask
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buraashad
-da: (n) a flask for carrying drinking water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraashad
-da: (magac, dhedig, keli) weel yar oo ubbada u eg, biyaha lagu shubto. Buraashadda biyo iigu shuba waan bixiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraashad
de: canteen, flask
lx: buraashad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: buraashad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is kaasho
v. collaborate ~ cooperate with one another
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_kaasho
de: collaborate ~ cooperate with one another
lx: is kaasho
pd: (kaashaday)
ps: v3a=expr
key: is_kaasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) kicinta mooteer iyo wixii la mid ah. Dh: daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la kashkaashay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashkaashan
der. [adjective] covered, prepared with grass ~ soft material
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaashan
(tilmaame) wax la kashkaashay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kashkaashan
de: covered, prepared with grass ~ soft material
lx: kashkaashan
pd: (kashkaashnaa)
ps: adj-der
key: kashkaashan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashid
m.f.dh eeg kashkhaash². la-mid: kashkaashis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaashid
-da: (magac, dhedig, keli) meel burgoglid oo kashkaash u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashnaashad
m.f.dh la-mid: nashnaashasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagagashad
-ka: (magac, lab, keli) wax cagaha la gashado sida kabaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaashad
m.f.l eeg dallaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damaashaad
(Damaashaad-ka)
Dabbaaldeg ama cayaaro wax lagu xusayo, lagu weyneynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damaashaad
damaashaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh.
damaashaad²: f.mg1 (-day, -dday) Maalin taariikh weyn leh ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh ku muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
damaashaad
damaashaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh.
damaashaad²: f.mg1 (-day, -dday) Maalin taariikh weyn leh ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh ku muujin. m.f.dh, damaashaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damaashaad
m. n. festival, ceremony
damaashaad v. hold a festival
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damaashaad
-ka: (n) festival (fes-ti-val); ceremony (ser-moni); celebration (sela-bareey-shin); party (paar-ti); social gathering ~ dabbaaldeg, xaflad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damaashaad
(fal) farxad iyo ciyaar samee. Yar iyo weyn habeenkii xornimada la qaatay waa la wada daamaashaday.
damaashaad-ka: (magac, lab, keli) wax ama dhacdo mihiim ah u dabbaaldegid; ciyaaro wax lagu xusayo samayn. Dh: dabbaaldeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
I ska dhal
Mestizo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imkaaniyad
f. n. facility, economic possibility; financial means ~ opportunity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imkaaniyad
-da: (magac, dhedig, keli) fursad iyo qalab wax suurageliya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imkaaniyad
bw: Arabic
de: facility, economic possibility; financial means ~ opportunity Alt sp: imkaniyad
lx: imkaaniyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: imkaaniyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysad
m.l la-mid: isbahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafsad
m.l la-mid: isdaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaafalad
(Ishaafalad-ka)
Waxa la fala hayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaafalad
m.l Waxa la falayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishaafalad
m.l Waxa la falayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaafalad
vl. n. ability to observe a situation patiently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaafalad
-ka: (magac, lab, keli) kolba waxa la hayo ama la falayo, waayaha la joogo ku xidhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaafalad
cf: ishaafalo
de: ability to observe a situation patiently (in order to choose the best solution)
lx: ishaafalad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: ishaafalad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska dhawr
v. look out!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_dhawr
de: look out!
lx: iska dhawr
pd: (dhawray)
ps: v1=expr
key: iska_dhawr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isqaadqaad
-ka: (magac, lab, keli) islaweyni aawadeed, kolba dhinac iska qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaskaasbax
(Kaskaasbax-a)
1. Ka soo rayn; soo fiicnaansho; isku-dalabtirasho; intii hore dhaamid.
2. Baxnaanis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaskaasbax
kaskaasbax¹: m.l Xaalad liidatey oo horey loogu jirey oo laga soo fiicnaado.
kaskaasbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Xaalad hore oo liidatey oo lagu jirey ka soo fiicnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaskaasbax
m. n. improvement, progress
kaskaasbax v. improve, get better, progress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaskaasbax
-a: (magac, lab, keli) sidii hore ka soo rayn; sidii hore dhaamid; soo fiicnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaashaq
-a: (magac, lab, keli) falal xishood la'aan ah oo dhaqan iyo diinba ka baxsan oo indhaha iyo dhegaha midna u wanaagsananyn. Waxaad ka sheekaynaysaa waa mashaashage iska aammus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushaashid
m.f.dh eeg qushaash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaysad
-ka: (magac, lab, keli) uskag iyo wasakh yeelasho.
uskagaysad -ka: (magac, lab, keli) wax nadiif ahaa, uskag marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashaashid
(Xashaashid-da)
Xarragood; mardaaddiyid; shoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashaashid
m.f.dh xashaash². la-mid: xarshaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashaashid
-da: (magac, dhedig, keli) xarrago samayn. Dh: xarragood.