isim
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isim
(Isim-ka)
Magac (ama Isin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isim
m.l Magac. la-mid: isin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isim
m. n. name
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isim
-ka: (n) name (neeym) ~ isin. Ex: isimka Illaahay; in the name of my God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isim
-ka: (magac, lab, keli) martabada madaxdhaqameed qabiil ama beel Soomaaliyeed. Dh: boqor, islaam, wabar, duub, malaaq, caaqil, ugaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isim
a: isin
de: name
lx: isim
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: magac
xv: Arabic
key: isim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaakh
-a: (magac, lab, keli) boqor dhaqameed reer gaar ah u taliya. Malaakh cusub ayaa beesha loo caleema saaray. Dh: garaad, wabar, ugaas, bogor, isim, malaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isin
(Isin-ka)
Isiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isin
m.l la-mid: isim.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isin
m. n. name
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isin
-ka: (n) 1. tribe chief [clan]. 2. name (neeym)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isin
de: name
lx: isin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: isin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isir
(Isir-ka)
Awoowihii hore oo laga soo jeedey; walcan; absaxan; wasiir; dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isir
m.l (-ro, m.dh) 1. Asalkii hore ee nafleydu ka soo farcantay. 2. Taranta laba tibxood iyo wixii ka badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isir
Factor
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isir
m. n., [collective] ancestry, genealogy, forebears; genetics; factor {mathematics}
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Isir
name-f ancestry, genealogy, forebears; genetics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isir
-ka: (n) 1. parentage (paa-ranteeyj); ancestry (aanses-ter); forebear (foorbiir); lineage (liniyeeyj) ~ ab, walcan. 2. [Mathematics]: factor (fak tor)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isir
Origine
Origin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Isir
magac loo baxsho gabadh hiddoraac leh oo waalidadii iyo dadkii ay ka soo jeedday u eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isir
-ka: (magac, lab, keli) halka dadku ka soo jeedaan. Dh: walcan.
isir -ka: (magac, lab, keli) farcanka ay wadari leedahay
isir -ka: (magac, lab, keli) tiro lagu dhufto tiro kale. Tusaalo ahaan, 4x5: labada lambar ee 4 iyo 5 waa isirro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isir
cf: kadhexeeye
de: ancestry, genealogy, forebears; genetics; factor {mathematics}
lx: isir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: isir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigsim
-ka: (magac, lab, keli) guurka nin xaaskii ka dhintay walaasheed loogu xigsiimo oo loo dhiso.
xigsim-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh loo dhiso nin ay walaasheed ka dhimatay oo seedigeed ahaa. Dh: xigsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisil
1. (cunno) La karshey ama la shiilay; aan ceeriin ahayn.
2. (miro) dhuguc noqday; aan cargo iyo yacyacood ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisil
f.mg4 (-slaa, -slayd) 1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iyo wixi lamida wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisil
f.mg4 (-slaa, -slayd) 1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iyo wixi lamida wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho. m.f.dh, bislaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisil
[adjective] cooked, ripe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisil
-bislaa / bislayd: (adj) 1. ripe (raayp) 2. cooked (kuu kidh)-, ready to eat; well-done
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisil
(tilmaame) wax in la cuno diyaar u ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisil
de: cooked, ripe Opp: ceedhiin ~ ceeriin
lx: bisil
pd: (bislaa)
ps: adj
key: bisil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisin
(Bisin-ka)
Aayadda suuradaha Quraanku (mid maahee) ka wada bilawdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisin
m.l (dii.) Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisin
m.l (dii.) Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisin
m. n. Bismillahi (the opening verse of every chapter of the Koran except one)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisin
-ka: (n) in the name of God [Allah]; Bismillaahi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisin
-ka: (magac, lab, keli) aayad Suuradda Faatixada ka tirsan oo Quraanka intiisa kale iyo hawlahana lagu bilaabo. Waxaan ku bilaabayaa bisinkii Ilaahay ee barakada badnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisin
de: Bismillahi (the opening verse of every chapter of the Koran except one)
lx: bisin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bisin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisiq
(Bisiq-a)
Geed geedaha waaweyn ka mid ah: qodax ma leh, kooraha fardaha, fandhaallada, koorta geela, kd., baana laga qoraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisiq
m.l la-mid: dhisiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisiq
m. n. large tree species ((Terminalia orbicularis))
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BISIQ
(Bisikh) S, C, NFD, May Terminalia orbicularis Engl. & Diels. Combretaceae.
N Caesalpinia erianthera Chiov. Caesalpinaceae.
N,C Caesalpinia oligophylla Harms. Caesalpinaceae.
C Bauhinia buscalionii Mattei Caesalpinaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisiq
-a: (n) [Pl. bisiqyo-da] bushy tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisiq
-a: (magac, lab, keli) geed jirridweynta ka mid ah oo caleen balballaadhan leh, kana baxa dhulka ciidguduudda ah iyo dibirka. Waxaa laga qora weelasha sida fandhaallada iyo waxii la mid ah. Bisiq hamasha buuniga dharjada udug budaa-cowga. Dh: bisik.
bisiq -da: (magac, dhedig, keli) eeg bisqan. biskoo: (fal) xanuun ka fayoobow. Dh: bogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisiq
bw: \de
de: large tree sp.,
lx: bisiq
pd: (-a)
ps: n2-m
sc: Terminalia orbicularis
key: bisiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) C./ka c.: naflayda qaarkood ci' ka dhawaajin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CISIL
(Isil) C Cyperus sp. Cyperaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filim
(Filim-ka)
1. Daliig ama dhuub xalleefsan oo galoolan oo dusha laga marshey wax iftiinka aad u dareemi og oo wax lagu masawiro.
2. Masawirro is dabo xiimaya, oo dheeraynta darteed la mooda hayo, wax dhaqdhaqaaqa haya ama nool; shineemo (ama filin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filim
m.l la-mid: filin
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filim
m.l (-mmo/aflaam, m.dh) 1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. la-mid: filin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filim
m. n. film; movie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filim
-ka: (n) [pl. filamda] film (filim), movie (muu vi), motion picture filin, shaneemo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filim
a: filin {Arb < Eng}
de: film; movie
lx: filim
pd: (-ka Pl: aflaam (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: filim
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisiq
m.l la-mid: fisqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fisiq
-a: (magacwadareed) wax kaste oo aan diinta ku bannaanayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
idiom
/idhiyam/ (n) sarbeeb (hadal maldahan ama macna kale laga wado).
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ilium
Iliyam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irsiq
m.l la-mid: irsaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irsiq
-a: (magac, lab, keli) eeg irsaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isbig
(Isbig-ga)
Afarta jaad oo turubku u kala baxo midkood; saddexda kale waa: Dheemman; Hadhiin iyo Karaawil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbig
m.l Afarta jaad ee uu haadaadka turubku u kala baxo middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbig
m.l Afarta jaad ee uu haadaadka turubku u kala baxo middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbig
m. n. spade ~ spades (playing card suit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbig
-ga: (n) [playing cards] spade (speeydh) ~ turub-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbig
-ga: (magac, lab, keli) afarta nooc ee turubka nooc ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbig
cf: dheemman, hadhiin, karaawil, turub {Eng}
de: spade ~ spades (suit in playing cards)
lx: isbig
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: isbig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isdil
(Isdil-ka)
Isdilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isdil
v. commit suicide
isdil vl. n. suicide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdil
-ay/isdishay/isdileen/isdilnay: (v) 1. have a fight or beat each other. 2. commit suicide. 3. kill each other
isdil -ka: (n) suicide (suu saaydh) ~ isdilis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
isdil
انتحار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishin
(Ishin-ka)
Ishkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishin
m.l 1. la-mid: ishkin. 2. Ugaarta waaweyn, gaanni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishin
m. n., [collective] adult livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishin
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha iyo ugaadha intooda waaweyn, sida lo'da, geela iyo biciidka. Dh: isjin, gaanni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishin
de: adult livestock
lx: ishin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
see: ishkin
key: ishin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isjin
m.dh (-nno, m.dh) la-mid: ishkin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isjir
vl. n. parade, standing at attention
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isjir
-ay / tay /een / nay: (v) be careful; take care ~ iska-jir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isjir
de: parade, standing at attention
lx: isjir
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: isjir
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
islam
islam, n.m. - Islaamka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Islam
Islamism, n., nin Islaameed, diinti Islaameed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islis
islis¹: m.l Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca.
islis²: m.l (fiisikis) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan.
islis³: f.g1 (-say, -stay) Is xoqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
islis
m.l (fiisikis) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Islis
Friction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islis
m. n. friction, dissension
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islis
-ka: (n) friction (firik shin) ~ isxoq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islis
(fal) jidh, si isxoqid ah, isu taataabo.
islis -ka: (magac, lab, keli) xoog dabiici ah oo ka dhasha dhaqaaqa isxoqidda walxaha oo diida ka dul silbashada fudud ee walaxi wax ku dulmarto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islis
de: friction, dissension
lx: islis
pd: (-ka)
ps: n-m
key: islis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isuma
pron. and preposition, neg. not ... each other
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isuma
(pronoun plus negative) not. each other. Ex: isuma arag; I don't see each other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isuma
de: not ... each other = is + u + -ma
lx: isuma
ps: pro + prep + neg
key: isuma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisid
(Lisid-da)
1. Neef xoolo ah oo irmaan, iyadoo naasaha laga tuujina hayo, caanaha candhada ku jira ka keenid; maalid.
2. Mindi ama wax la mid ah, lisin ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisid
m.f.dh eeg lis². la-mid: lis¹ (3), lismo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisid
-da: (n) milking (milking) ~ caano maalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano ka maalid. Dh: maalid. Li: gaagixin.
lisid -da: (magac, dhedig, keli) afaynta wax saawir ah. Middidu lisid ayey u baahan tahay. Dh: afayn, soofayn. Li: saawirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisin
(Lisin-ka)
Dhagax gaar ah oo mindiyaha iyo wixii la mid ah lagu afeeyo; lool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisin
m.l la-mid: lise.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisin
m. n. whetstone, hone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisin
-ka: (n) knife sharpener; whetstone (wat istoon); snakestone (isneekistoon); grindstone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax gaar ah ama bir la farsameeyey oo mindiyaha iyo wixii la mid ah, lagu afeeyo. Lisin wanaagsan ayuu aabbo soo iibiyay. Dh: soofe, lool.