ishiiqaate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishiiqaate
-ha: (magac, lab, keli) qof marka la waabiyana joogsada haddii kalena wuxuu doono sameeya oo aan kaa joogsan.
ishiiqaate -ha: (magac, lab, keli) qofka ishaafalataynta ku dhaqma marba xaalka uu ku jiro u dhaqma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishiqaate
(Ishiqaata-ha)
Ishaafalato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishiqaate
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof arrimaha uu la kulmo wixii u dan ah ka yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishiqaate
m. n., [compound] person who takes what he sees ~ can get; opportunist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ishiqaate
-ishiqaataha: (n) cautious person; attentive person; man who feels his way
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishiqaate
de: person who takes what he sees ~ can get; opportunist
lx: ishiqaate
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: ishiqaate
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (baayoloji) Aliil aan awood badan lahayn, marka laba aliil oo kala duwan laga helo unugyada noole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiiqsane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (baay.) Aliil aan awood badan lahayn, marka laba aliil oo kala duwan laga helo unugyada noole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsane
-ha: (magac, lab, keli) aliil aan awood badan lahayn, marka laba aliil oo kala duwan laga helo unugyada noole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biidhiqaate
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ka xishoon inuu sedquursi qaato; marka qofku ciddi uu wax u qabtaba ku xidho inuu lacag ka qaato. Biidhiqaate balaayaa dirsata. Dh: laaluushqaate, gubbaqaate.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiiraale
nickname-m bald. Syn: Bidaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiiraale
magac loo baxsho wiil salxo leh oo wejigiisa ay timuhu ka durugsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof bidaar leh. Dh: bidaarre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaale
(Shaqaala-ha)
Qof shaqo haya; shaaqi; xoogsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaale
m.l.u 1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqaale
m.l.u 1. Qof cid ama hay'ad u shaqeeya oo mushaar ka qaata. 2. Qof muruqmaal ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqaale
m. n. worker, employee, laborer, workman; personnel, staff
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqaale
-shaqaalaha: (n) worker (woorkar); employee (im-polooyii); staff (istaaf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaale
-ha: (magacwadareed) qof ama dad shaqo cid u haya, qof shaqo haya. Beerta waxaa ka shaqeeya nin shaqaale ah. Dh: ciidan, shaaqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqaale
bw: Arabic
de: worker, employee, laborer, workman; personnel, staff
initial: s
lx: shaqaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: shaqaale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaqaale
مُوَظَّفَعَامِل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiidaad
(Shiidaad-da)
Hawlo wax ka qabashadooda lala walbahaaro; dhib; shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaad
m.dh la-mid: shiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidaad
f. n. hard task, tedious work, nuisance, bother
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shiidaad
nickname-m hard task, tideous work, nuisance, bother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiidaad
-da: (n) the state of being busy; busy activity ~ hawlbadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiidaad
magac loo baxsho wiil dhib ku dhashay ama fooshiisu adkaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidaad
-ka: (magac, lab, keli) hawlo wax ka qabashadooda lala walbahaaro; dhib; shiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidaad
de: hard task, tedious work, nuisance, bother
initial: s
lx: shiidaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
xe: I dont have time to bother with that.
xv: hawshood, shiddo
key: shiidaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiidaal
-ka: (magac, lab, keli) baasiinka lagu shubo gawaadhida. Dh: batrool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baayoloji) Hiddo barasho ahaan, sharaxaadda aliil, kaas oo awood badan leh marka laba aliil oo kala duwan oo hiddoside laga helo unugyo noole. Tusaale ahaan: dhererka geed salbuka ah waxa xukuma laba aliil, dheer (T) iyo cillinnimo (t). Marka labadooduba ay jiraan (Tt), taas macnaheedu waxa weeye, haddii ay unugyadu kala kaa-nyihiin, geedku wuu dheeryahay, maadaa-me “T” ay tahay shiiqiye “t”na ay tahay shiiqsane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiiqiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baay.) Hiddo barasho ahaan, sharaxaadda aliil, kaas oo awood badan leh marka laba aliil oo kala duwan oo hiddoside laga helo unugyo noole. Tusaale ahaan: dhererka geed salbuka ah waxa xukuma laba aliil, dheer (T) iyo cillinnimo (t). Marka labadooduba ay jiraan (Tt), taas macnaheedu waxa weeye, haddii ay unugyadu kala kaanyihiin, geedku wuu dheeryahay, maadaame 'T' ay tahay shiiqiye 't'-na ay tahay shiiqsane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqiye
-ha: (magac, lab, keli) hiddo barasho ahaan, sharaxaadda aliil, kaas oo awood badan leh marka laba aliil oo kala duwan oo hiddoside laga helo unugyo noole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsad
m.l la-mid: shiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) shiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsan
(tilmaame) shiiqay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiraar
f.mg1 (-ray, -rtay) Awr raran aad u daalid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shiiraar
name-m preventor; rejecter; strapper. Syn: Celi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shitaawe
-ha: (magac, lab, keli) bas; koryeeri.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siigaale
nickname-m dust-maker. Lit: dust colored
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Siigaale
magac loo baxsho wiil meel boodh ah ama siigo leh ku dhashay ama midabkiisu boodh xigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istiqaalo
(Istiqaala-da)
Xil ama mas'uuliyad qof saarrayd oo qofkii weyddiisto in laga qabto, in laga wareejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istiqaalo
m.dh (-ooyin, m.l) Qoraal lagu codsanayo xil ka degid. la-mid: istiqaalad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istiqaalo
m.dh (-ooyin, m.l) Qoraal lagu codsanayo xil ka degid. la-mid: istiqaalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istiqaalo
f. n. resignation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istiqaalo
-istiqaalada: (n) resignation (razig neey shan); demission (di mishin); relinquishment (ri lin-guwishment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istiqaalo
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo iska casilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istiqaalo
bw: Arabic
de: resignation
lx: istiqaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: istiqaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isxilqaan
(Isxilqaan-ka)
Xilka oo la isa saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isxilqaan
v. take responsibility, be responsible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isxilqaan
-isxilqaamay / isxilqaantay: (v) assume responsibility; be responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isxilqaan
(fal) xil isa saar oo iskaa isu dir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isxilqaan
de: take responsibility, be responsible
lx: isxilqaan
nt: isxilqaan (ka) [vn-m]
pd: (isxilqaamay)
ps: v1=
key: isxilqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhibaatayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiidaadi
v. disturb, impose upon, give tedious work
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiidaadi
de: disturb, impose upon, give tedious work
initial: s
lx: shiidaadi
pd: (shiidaadiyey)
ps: v2a=tr
key: shiidaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaado
m.dh (-ooyin, m.l) Kulan la isugu yimaad xus, aroos iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiriqaate
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof si xishood darro ah u qaata laaluush.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiriqaate
-ha: (magac, lab, keli) eeg biidhiqaate.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishtiraaki
(Ishtiraaki-ga)
Qof ishtiraakiyada rumaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishtiraaki
m.l.kh Qof ishtiraakiyadda rumaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishtiraaki
m. n. socialist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishtiraaki
bw: Arabic
de: socialist
lx: ishtiraaki
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: ishtiraaki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismiidaami
(fal) naftaada halis geli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isticmaale
m. n. user
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isticmaale
-isticmaalaha: (n) [Pl. isticmaalyaasha] user (yuusar)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isticmaale
de: user
lx: isticmaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: isticmaale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishii dambe
n. phr., time: last month
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishii_dambe
de: last month rw: bil (ta)
lx: bishii dambe
pd: (bishii hore)
ps: np-time
key: bishii_dambe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaafalatee
f.g/mg2 (-teeyay, -taysay) Wax dan laga leeyahay iska hubin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishaafalatee
f.g/mg2 (-teeyay, -taysay) Wax dan laga leeyahay iska hubin. m.f.dh, ishaafalatayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaafalatee
v. observe ~ look over a situation carefully; seize opportunity; do something at the right time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ishaafalatee
-yey / ishaafalateysay: (v) profit by; seize the chance, grab the chance, take the opportunity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaafalatee
(fal) hadba sida uu xaalku yahay u dhaqan oo runta u kuurgal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaafalatee
de: observe ~ look over a situation carefully; seize an opportunity; do s.t. at the right time
lx: ishaafalatee
pd: (ishaafalateeyey)
ps: v2b=
key: ishaafalatee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mushaarqaate
-ha: (magac, lab, keli) qof meel bil walba mishaar ka qaata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isciilkaabi
isciilkaabi¹: m.l Is-hiifidda ama ka shallaynta khalad la sameeyey.
isciilkaabi²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Khalad la sameeyey dartii is-hiifid. 2. Caro darteed faruuryo-qaniinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaafalato
(Ishaafalata-da)
Dadka wixii la fala hayo, ama la qabo, hadba saha jooga kolkaas sida uu yahay, ku xira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaafalato
m.dh Hubinta la hubiyo wax dan laga leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishaafalato
m.dh Hubinta la hubiyo wax dan laga leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishaafalato
f. n., [collective] opportunists
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ishaafalato
-ishaafalatada: (n) the act of grabbing the chance or taking the opportunity; wait and see
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaafalato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ishaafalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishaafalato
de: opportunists
lx: ishaafalato
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: ishaafalato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismiidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) halis ama meel laga maagay isku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ismiidaamis
(Ismiidaamis-ka)
Iskiis meel aan la rabin ama xun isu dira; naftiisa miidaamiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismiidaamis
m. n. recklessness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ismiidaamis
de: recklessness
lx: ismiidaamis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: miidaami
key: ismiidaamis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isxilqaamid
(Isxilqaamid-da)
Xil isa saarid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isxilqaamid
Perseveranza
Perseverance
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Isxilqaan-a
honnêteté.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiiqay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka sawirada qaada; sawirqaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishiicsanaan
m.dh la-mid: bashiicsanan.