isgoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgoyn
m.f.dh eeg isgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sakiin ama wax la mid ah, isku jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isgoys
(Isgoys-ka)
Kobta labo waddo oo is goynayaa iska taabtaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgoys
Junction
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgoys
Intersect
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgoys
m. n. intersection, cross-street; fork in a road
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgoys
-ka: (n) intersection (inter-sakshen), crossing (karoosing) ~ isgooys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgoys
-ka: (magac, lab, keli) barta ay isku gooyaan laba xarriiq.
isgoys -ka: (magac, lab, keli) meelaha ay labo waddo iyo in ka badan ku kulmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgoys
de: intersection, cross-street; fork in a road
lx: isgoys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: isgoys
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entercoupé
entercoupé, adj. - isgoyn; isjarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isagoon
pron., [conjunction], neg. while he ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isagoon
[pronoun, conjunction plus negative] while he not.. ~ asagoon. Ex: isagoon ogeeyn buu sameeyey; he did it, while he was not aware
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isagoon
de: while he ... not = isaga + oo + aan
lx: isagoon
ps: pro + conj + neg
xe: While he was not there, the car was taken from him.
xv: Isagoon joogin baa baabuurkii laga so qaadey.
key: isagoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgooys
-ka: (n) intersection (inter-sakshen), crossing (karoo-sing) ~ isgoys
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isugayn
vl. n. bringing a bride and groom together to their new home; addition {mathematics}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isugayn
de: bringing a bride and groom together to their new home; [ext.] addition {mathematics}
lx: isugayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: isugayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugeyn
isugeyn¹: m.f.dh eeg isugee.
isugeyn²: m.l (xisaab) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu maga-caabo wadar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isugeyn
m.l (xisaab) Astaanta +. Xisaabfalka la isugu keeno laba ama dhowr xaddi si ay u sammeeyaan xaddi kale oo lagu magacaabo wadar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isugeyn
Addition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isugeyn
-ta: (n) addition (adhishin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isugeyn
Totale
Total
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isugeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku biirinta labo tiro si ay wadar mid ah u sameeyaan. Isugeynta 5 iyo 6 waa 11.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoyn
m.f.dh eeg qasgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goyn
(Goyn-ta)
1. Wax is haystey, wax kala go'an ka dhigid; jarid.
2. (beer) miraha ka jarid; shafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goyn
m.f.dh eeg goo. la-mid: goys, goysmo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Goyn
Tagliare; detrarre
To cut; to deduct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goyn
-ka: (magac, lab, keli) adhi la siiyo ninka caydhooba ama guursada.
goyn-ta: (magac, dhedig, keli) jaridda wax la jaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof si gaar ah shey loogu keli yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgod
v.refl: bend, bow down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgod
-ay / een I nay: (v) bend or curve downward oneself; bow (baaw)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgod
de: bend, bow down
lx: isgod
pd: (isgoday)
ps: v1=refl
key: isgod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgoo
f.g/mg2 (-ooyay, -ooysay) 1. (f.g) Qof jirkiisa meel ka mid ah wax af leh isaga jarid. 2. (f.mg) Qof cayilan isliska cajarradiisa uu isku liso awgeed la dhaawacmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isgoo
f.g/mg2 (-ooyay, -ooysay) 1. (f.g) Qof jirkiisa meel ka mid ah wax af leh isaga jarid. 2. (f.mg) Qof cayilan isliska cajarradiisa uu isku liso awgeed la dhaawacmid. m.f.dh, isgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilgoon
(Ilgoon-ka)
Lafaha koodadka oo indhaha ku wareegsan, (ama goon).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgoon
m.l (-nno, m.dh) Lafaha koodadka oo indhaha ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgoon
m.l (-nno, m.dh) Lafaha koodadka oo indhaha ku wareegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgoon
m. n., [compound] eye-socket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgoon
-ka: (magac, lab, keli) lafaha yaryar ee ku wareegsan koodadka indhaha. Dh: goon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgoon
de: eye-socket
lx: ilgoon
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: ilgoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac oo is khilaafsan ama is haya, fara iska qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isdeyn
(Isdeyn-ta)
Qofba qofka kale deyn, faraha ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgowl
v. not recognize one another
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgowl
de: not recognize one another
lx: isgowl
nt: isgowlid (da) [vn-f]
pd: (isgowlay)
ps: v1=expr
key: isgowl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bislayn
(Bislayn-ta)
Wax bisil ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislayn
m.f.dh eeg bislee. la-mid: bislays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bissil ka dhigid. Bislayn intaa ka badan looma baahnee dheriga ka soo rog. Dh: bislays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bistoon
m. n. piston
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bistoon
de: piston {Eng}
lx: bistoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bistoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgoyn
m.f.dh eeg cadgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jug ama nabar gaarsiin; hilibgoyn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
disjoin
v.tr., fuji, kala fuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargoyn
m.f.dh eeg gargoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) garnaqid oo dad kala dhexdhexaadin. Dh: xeerin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgoyn
screening
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibgeyn
m.f.dh eeg iibgee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab ama xoolo suuqgeyn oo lacag ku beddelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iyagoon
pron., [conjunction], neg. while they ... not; before they ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iyagoon
de: while they ... not; before they ... = iyaga + oo + aan
lx: iyagoon
ps: pro + conj + neg
key: iyagoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidgoys
-ka: (magac, lab, keli) qofka jidgooyada sameeya ee budcadda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale surka ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggoyn
(Luggoyn-ta)
Luggooyo badid; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggoyn
m.f.dh eeg luggoo. la-mid: luggooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) luggooyo cid ku samayn oo dhibaatayn. Dh: hantaaqid, dhibid, badid, luggoys.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midgeyn
Taning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciqaab figo ah u xidhid. Dh: figayn.
miigayn-ta: (magac, dhedig, keli) miigo u beerid. Miigayntu way fiican tahay haddaan xayawaanku faqan. Dh: miigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigeyn
m.f.dh eeg miigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milgayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ulajeeddo iyo murti wanaagsan hadalka u yeelid. Dh: muunayn, murtiyeyn.
milgayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid xurmo iyo muunadayn ku soo dhawayn. Milgaynta martidu waa deeqsinimo. Dh: xurmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milgeyn
(Milgeyn-ta)
1. Milgo ama ulajeeddo wanaagsan hadalka u yeelid; muunayn; xurmayn; murtiyeyn.
2. Shabaag milgo ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milgeyn
m.f.dh eeg milgee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
misleyn
m.f.dh eeg mislee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nisbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku qiyaasid; barbardhigid.
nisbayn -ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama war kale loo tiiriyo cid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nisbeyn
m.f.dh eeg nisbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nisbeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama wax kale loo tiiriyo cid. Dh: nisbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoyn
m.f.dh eeg qurgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dil oo qudha ka goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoyn
m.f.dh eeg sargoo. la-mid: sargoys.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sargoyn
Calibration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) «kuku jaangoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin, boodh iyo omos kicin oo siigo abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siigeyn
(Siigeyn-ta)
Siigo kicin, ku bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigeyn
m.f.dh eeg siigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin; siigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgoyn
m.f.dh eeg surgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilgayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wilgo qaadid oo ku heesid; wilgo ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wilgeyn
(Wilgeyn-ta)
Wilgo qaadid, ka luuqin, ku heesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wilgeyn
m.dh la-mid: wigleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wilgayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggoyn
m.f.dh eeg bariggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribgoyn
m.f.dh eeg ciribgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cissagoys
-ka: (magac, lab, keli) dhiigga caadada joojin oo da' ahaan u goyn. Cissagoyska dumarku waxuu tilmaan u yahay dhalmajoojin.
cissagoys-ta: (magac, lab, keli) haweeney xaydkii ama sunnihii ka joogsaday.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgooysyo
-isgooysyada: (n) crossroads (karoos-rowdis), intersections
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isnoolayn
(Isnoolayn-ta)
Nolol ama naf isku soo celin; wax nool iska dhigid; wax is tarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isnooleyn
m.f.dh eeg isnoolee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mirogooyn
-ta: (n) crop gathering; harvest (haar 'vast) ~ miragoosasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
misgovern
/misgavern/misgovernment; (v) si xun u xukumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sicirgoyn
vl. n. tariff
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sicirgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sicirkii lagu gadi lahaa oo la cayimo, loo jaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sicirgoyn
de: tariff
initial: s
lx: sicirgoyn
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: sicirgoyn