isdiyaarin
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
isdiyaarin
preparation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarin
(Diyaarin-ta)
Diyaar ka dhigid; darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarin
m.f.dh eeg diyaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaargarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaargarow
diyaargarow¹: m.l 1. Isdiyaarinta qof isu diyaariyo wax uu rabo inuu qabto ama ku soo fool leh. 2. la-mid: diyaargaroobid.
diyaargarow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) U d.: wax diyaar u ah inuu wax qabto noqosho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaargarow
diyaargarow¹: m.l Isdiyaarinta qof isu diyaariyo wax uu rabo inuu qabto ama ku soo fool leh.
diyaargarow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) U d.: wax diyaar u ah inuu wax qabto noqosho (qof). m.f.dh, diyaargaroobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
preparation
isdiyaarin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
prepararsi
v.rifl. - isdiyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabamarin
m.f.dh eeg isdabamari. la-mid: isdabamaris, isdabammarin, isdabammaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iswaydaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is dabamarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isweydaarin
vl. n. conversion {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isweydaarin
-ta: (n) transposition (taraanispozishen); conversion (conveershen) ~ isdhaafin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isweydaarin
de: conversion {mathematics}
lx: isweydaarin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: isweydaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diyaar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diyaar ka dhigid. m.f.dh, diyaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaari
v. prepare, make ready
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaari
-yey / say: (v) prepare (piri-peer); make ready, make preparations (meyk pare-pareey-shinis); pave the way ~ diyaargaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaari
(fal) hawl sidii loo qaban lahaa, qorshee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaari
de: prepare, make ready
lx: diyaari
pd: (diyaariyey)
ps: v2a=
key: diyaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarin
m.dh la-mid: cayaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciyaarsiin. Dh: dheelsiin, madaddaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadin
(Siyaadin-ta)
Siyaado u yeelid; wax dheeri ah ku darid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadin
m.f.dh eeg siyaadi. la-mid: siyaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dheeraad ku darid; badin; wax dheeri ah ku biirin; kordhin badin; siyaadis. Dh: kordhin. Li: dhimid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iqtiyaari
Arbitrary
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafin
m.f.dh eeg isdhaafi. la-mid: isdhaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdifaacid
m.dh la-mid: isdaafacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgamaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hurda iska dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isxisaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) iskaa, wax isku weydiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabammarin
m.dh la-mid: isdabamarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdabammarin
-ta: (magac, dhedig, keli) sidii qummanayd, ama la isku ogaa, si aan ahayn wax u samayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isballaarin
-ta: (n) expansion (ikispaashin); expansibility ~ isballaadhin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabamarid
m.f.dh eeg isdabamar². la-mid: isdabammarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdabamarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isku ogaa, weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabamaris
m.l la-mid: isdabamarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isfoohaarin
m.f.dh eeg isfoohaari. la-mid: isfoohaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfoohaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarrago islaweyni ku jirto muujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismiidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) halis ama meel laga maagay isku tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindiraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) min la galo seeskiisa diraacin oo asaasid; jeexidda sees cusub oo aqal la dhisayo loo jeexo. Dh: asaas, sees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhegammarin
m.f.dh eeg isdhegammari. la-mid: isdhegammaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhegammarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la diiddanyahay maqalkiisa ismoogeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaari
ciyaari¹: m.l.u la-mid: cayaari¹.
ciyaari²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: cayaari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaari
(fal) cid kale, dheelsii. Dh: cayaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarin
(Dhaarin-ta)
Dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarin
m.dh eeg dhaari³. la-mid: dhaaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la hubinayo inuu run sheegayo, inuu Ilaahay ku dhaarto ku amrid; dhaar ka codsasho. Dhaarinta markhaati ayaa ka horreeya. Dh: dhaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhaan
-ka: (magac, lab, keli) labo shey oo kala roon.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isjirin
(verbplus negative)-, not being careful or taking care
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isqarin
Camouflage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaddigooda kordhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaddigooda kordhin. m.f.dh, siyaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaadi
v. add to, augment, increase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaadi
-yey / say: (v) make greater or larger; increase (in-kiriis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadi
(fal) dheeraad ku dhar; kordhi; badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaadi
de: add to, augment, increase
initial: s
lx: siyaadi
pd: (siyaadiyey)
ps: v2a=tr
key: siyaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaara
m.dh (juqraafi) (Isbaanish) silsilad dheer oo buuro ah oo leh oogo aan sinnayn, Isbeyn iyo Isbaanishka Maraykanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaara
m.dh (juqraafi) (Isbaanish) silsilad dheer oo buuro ah oo leh oogo aan sinnayn, Isbeyn iyo Isbaanishka Maraykanka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siyaara
Sierra
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaaro
(Siyaara-da)
1. Booqasho cid loogu tago.
2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaaro
siyaaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
siyaaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Cid booqasho ugu tegid. 2. Qof dhintay xusid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaaro
siyaaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
siyaaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Cid booqasho ugu tegid. 2. Qof dhintay xusid. m.f.dh, siyaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaaro
f. n. visit, pilgrimage; memorial ceremony for a dead person
siyaaro v. visit; commemorate, hold a memorial ceremony for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaaro
-siyaarada: (n) 1. commemoration (ko-mema-reey-shin) usually for a dead person; visitation at the burial of the dead 2. visit (vi-zit); visitation (vi-zi-teey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaaro
(fal) xus u samay.
siyaaro: (fal) booqo.
siyaaro -da: (magac, dhedig, keli) xoolo, iyo wixii la mid ah, oo deeq iyo hadyad ah, culimada iyo ardayda la siiyo. Dh: jil.
siyaaro -da: (magac, dhedig, keli) 'nebiga, awliyada, waalidka, iyo wixii la mid ah xus sanadeed loo sameeyo; xus; duco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaasi
(Siyaasi-ga)
Ku siyaasada aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaasi
m. n. politician
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaasi
-ga: (n) politician (polatis-han); diplomat (diplomaat)
xisbi siyaasi ah: (n) political party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasi
-ga: (magac, lab, keli) qofka maammulka bulshada yaqaanna; qofka siyaasada ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaasi
bw: Arabic
de: politician
initial: s
lx: siyaasi
pd: (-ga Pl: siyaasiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: siyaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarin
(Cayaarin-ta)
Cayaarsiin; dheelsiin; madaddaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarin
m.f.dh eeg cayaari. la-mid: ciyaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaarin
vl. n. act of having someone play, dance ~ drill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dheelsiin. Dh: dheelsiin, madadaalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaarin
de: act of having s.o. play, dance ~ drill
lx: cayaarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: cayaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarid
m.dh la-mid: cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxin
m.f.dh la-mid: dubaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaamid
m.dh la-mid: dayaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaq weyn oo ka daba shanqadha bixin. Diyaamidda hubka meel dheer baa laga maqlaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarad
(Diyaarad-da)
Dayuurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarad
m.dh la-mid: dayuurad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaarad
f. n. airplane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaarad
-da: (n) airplane (eer-paleeynn); aeroplane (eero-paleeyn); aircraft (eer-karaaft); airliner (eer-laayner); plane (paleeyn) ~ dayuurad, dayaarad. Ex: waa markii u horaysay uu diyaarad raaco; that was his first flight in an airplane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dayaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaarad
a: dayuurad
de: airplane
lx: diyaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: diyaarad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diyaarad
طَيَّارَة، طَائِرَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax diyaar ka dhigasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax diyaar ka dhigasho (qof). m.f.dh, diyaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaarso
v. prepare something for oneself, make something ready for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarso
(fal) eeg diyaargarayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaarso
de: prepare s.t. for oneself, make s.t. ready for oneself
lx: diyaarso
pd: (diyaarsaday)
ps: v3a=tr
key: diyaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildigaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fallaadh qaanso laga gano; leeb gabraareed; hooto dagaal. Dh: leeb, fallaadh, hootodhegaley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Laba wax oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarin. 2. Wax khaldid. 3. Cid waalid. 4. Jirro qof haysay mid kale ku wareejin iyada oo sixir la adeegsanaayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isdhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Laba wax oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarin. 2. Wax khaldid. 3. Cid waalid. 4. Jirro qof haysay mid kale ku wareejin iyada oo sixir la adeegsanaayo. m.f.dh, isdhaafin.