isbeddelduleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbeddelduleed
-ka: (magac, lab, keli) isku darka walxaha ee aan keenin walax cusub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaal
(fal) iftiin yar oo aan isha wax yeelin bixi. Dh: if.
dhalaal: (fal) walax adag, milan oo dareere isku beddel. Dh: milan, shiilan.
dhalaal -ka: (magac, lab, keli) in yar oo caano ah oo weel guntii ama bilaale ku jira. Ilmaha yar ayaa dhalaalkii ka heemiyay.
dhalaal -ka: (magac, lab, keli) midab iftiin leh oo walacleeya. Habeen gurcud ah ayaan dhalaal toosh meel ka arkay. Dh: iftiin.
dhalaal -ka: (magac, lab, keli) isbeddelduleedka uu adke iskugu geddiyo hoor.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isbeddel muggeed
Dilation
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
isbeddel goobeed
interchanging of positions
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isbeddel kul-xidh
Adiabatic change
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbeddelaad
-da: (n) transformation (taraanis-foor meeyshen); change (jeenji)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbedbeddal
-ka: (n) fluctuation (flak-ju-weey-shan); inconsistency (in-kan-sis-tansi) irregularity changefulness, changeability ~ isbeddel-ka
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbedbeddel
-ay / isbedbeddeshay: (v) fluctuate (flak-ju-weeyt); instability.
isbedbeddeleysaa: (adj) fluctuating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbedbeddel
-ka: (magac, lab, keli) isbeddelid oo haddana isbeddelid; kolba sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Isbeddel-ka
transformation, changement.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Saddexdulle
Nooc ka tirsan scofeyaasha birta ee leh saddex dhaban iyo saddex duud oo is le'eg.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbeddeli kara
(adj) changeable (janjibal)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskudhegbu'eed
m.l (kiim.) Falgal bu'eed oo ka dhex dhaca bu' atameedyada fudud, ayna samaysanto bu' atameed culus oo la jirto tamar baxda oo laxaad weyn leh. Tamartaasi waxa sababa cufka lumay. la-mid: isu dheg bu'eed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbeddelcadaadis
m.l (c.cimi.) Isbeddelka ku dhaca cadaadiska gibilka kaas oo ka dhaca bar gaar ah iyo waqti gaar ah, badanaa saddex saacadood, oo ka horraysa, indha indhayn lagu sameeyo gibilka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskudheg-bu'eed
m.l (kiimika) Falgal bu'eed oo ka dhex dhaca bu' atameedyada fudud, ayna samaysanto bu' atameed culus oo la jirto tamar baxda oo laxaad weyn leh. Tamartaasi waxa sababa cufka lumay. la-mid: isu dheg bu'eed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isbeddel dhaqaale
Economic change
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbeddel-cadaadis
m.l (c.cimi.) Isbeddelka ku dhaca cadaadiska gibilka kaas oo ka dhaca bar gaar ah iyo waqti gaar ah, badanaa saddex saacadood, oo ka horraysa, indha indhayn lagu sameeyo gibilka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbeddelkiimikaad
m.l (kiim.) Isbeddelka ku dhaca walax; kaas oo la xiriira dhinaca dhismaha kiimikaad; kuna yimaada atammada molikuyuulka oo kordha, yaraada ama dib-u- habayn sameeya.