isbeddel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbeddel
isbeddel¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Gaddoonka muuqaal iyo wixi lamida oo ku dhaca walxaha. 2. Wax cusub oon hore u jirin oo soo kordha.
isbeddel²: f.mg1 (-elay, -eshay) Wax muuqaalkoodii iyo siday ahaayeen ka gaddoomid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbeddel
isbeddel¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Gaddoonka muuqaal iyo wixi lamida oo ku dhaca walxaha. 2. Wax cusub oon hore u jirin oo soo kordha.
isbeddel²: f.mg1 (-elay, -eshay) Wax muuqaalkoodii iyo siday ahaayeen ka gaddoomid. m.f.dh, isbeddelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbeddel
v. change one's mind; change places; change oneself
isbeddel: vl. n. change, fluctuation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbeddel
-ay / isbeddeshay / isbeddeleen I isbeddelnay: (v) change (jeenji); transform (taraanis-foorm); convert (kenveert); fluctuate (flak-ju-weyt), —isbeddelaya: (adj) fluctuating
isbeddel -ka: (n) change (jeenji)-, transformation (taraanis-foor-meeyshen)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isbeddel
Trasformazione
Transformation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbeddel
-ka: (magac, lab, keli) wax wixii hore ka duwan noqosho. Dh: isrog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbeddel_1
de: change one's mind; change places; change oneself
hm: 1
lx: isbeddel
pd: (isbeddelay)
ps: v1=expr
key: isbeddel_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbeddel_2
de: change, fluctuation
hm: 2
lx: isbeddel
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: isbeddel_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbeddelid
m.f.dh eeg isbeddel².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacaan
(Kacaan-ka)
1. Sarajoogsi; kicitaan.
2. Isbeddelka hawada gala kolka xilliga roobku bilaabana hayo; kicin.
3. Isbeddel saamays weyn leh oo qaran gudihii ka dhaca: maamulkii iyo taliskii hore oo la tuuro oo mid hor leh oo cusub la abuuro.
4. Xoog gaar ah oo la saaro, xubnaha ereyga mid kamid ah; astaanta xooggaas loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kicin
1. (Kicin-ka) Isbeddelka daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabana hayo; kacaan.
2. (Kicin-ta) a) Kor u qaadid; joojin; istaajin. b) Hurdo ka toosin. c) Dad badan baraarujin, si ay kacaan u sameeyaan. d) Erey qoran akhriyid, ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajo
m.dh Biyo meel ku raagay oo midabkoodii, dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkijireddoon
m.l Qof dano gaar ah oo uu hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub oggolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asalmadoorshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (xisaab) Kutirsane urur oo marka lagu xiro ku tirsane kale ee kasta ee ku jira ururka aan isbeddelin. Asalmadoorshaha waxa uu ku xiranyahay kutirsaneyaasha ururka iyo xisaabfalka la adeegsado. Tusaale ahaan, eber waa asalmadoorshaha isugeynta: 0+3=3+0. Hal waa asalmadoorshaha iskudhufashada: 1x3=3x1.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaan
astaan¹: m.dh (-aamo, m.l) Summad. la-mid: asto.
astaan²: m.dh (-aamo, m.l) (naxwe) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tusaale: “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.
astaan³: m.dh (-aamo, m.l) (daawo) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. la-mid: asto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaranooya
m.dh (daawo) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhi
badhi¹: m.l la-mid: bari¹.
badhi²: m.dh (-iyaal, m.l/dh) (botani) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tusaale: “Basal”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaasmoodiyam
m.l (-yo, m.l/dh) (baayoloji) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barashada gabowga
m.l (daawo) Barashada aqoonta ku saabsan isbeddellada ka dhaca jirka iyo maskaxda oo la socda gabowga iyo dhibaatooyinka la xiriira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barnoqod
m.l (xisaab) Barta ugu sarreysa ama ugu hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar halka uu kulanka iska beddelo min kordhid ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid, iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa barta ugu sarreysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhi
buudhi¹: m.l Qaalin geel ah isbeddel abaahidoon ah oo xubinteeda taranka ka muuqata.
buudhi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulley
buulley¹: m.dh Qayb ka mid ah heerka koritaanka cayayaanka qaarkood.
buulley²: m.dh (cilmiga naflayda) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buur-sameyn
m.dh (jooloji) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-adayg
calool-adayg¹: m.l la-mid: calool-adkaan.
calool-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku c.: adkeysi iyo isbeddel la'aan muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-badhaale
m.dh (juqraafi) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-gooreed-daqas
m.dh (juqraafi) Xaaladda gibilka ee waqti gaar ah ama xilli yar oo gaar ah, sida ay ku qeexaan cilmi gibillo kala duwani, oo ay ka mid yihiin cadaadiska gibilka, heerkulka, huurka hawada, roobka, daruuraha, iyo xawaaraha dabaysha iyo jihada. Dhulbadhaha agtiisa cimilo gooreedu waxay samaysaa isbeddel yar taasoo inta badan la mid ah cimilada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyo
m.dh Isbeddel xun oo cid ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareen
dareen¹: m.l 1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.
dareen²: f.mg1 (-eemay, -eentay; -eemi) 1. Qof, isbeddel nafsaani ah oo ku abuurmay garasho. 2. Wax tuhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dementiya
m.l (daawo) Xaalad cudur oo joogto ah ama muddo dheer socota oo ay maskaxda gabto hawsheeda. Astaamo: xasuus xumo, isbeddel shakhsiyaded, fakar xumo iyo habow, istix geli la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beddel
(Beddel-ka)
Wax wax kale meeshi la geliyo ama loo qaato ama lagu dooriyo; qof qof kale meeshi la joojiyo; lacag lacag kale lagu doorsho; (ama baddal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddel
beddel¹: m.l 1. la-mid: beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. la-mid: beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.
beddel²: f.g1 (-elay, -eshay) Wax la beddelay ka dhigid; wax wax kale ku doorin. la-mid: baddal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beddel
beddel¹: m.l 1. la-mid: beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. la-mid: beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.
beddel²: f.g1 (-elay, -eshay) Wax la beddelay ka dhigid; wax wax kale ku doorin. m.f.dh, beddelid. la-mid: baddal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beddel
v. change, alter, exchange; convert; do instead of
beddel vl. n. exchange, substitution, substitute, alternative, replacement; on behalf of; instead of
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Beddel
nickname-m exchange, substitution, substitute, alternative, replacement; on behalf of; instead of. Cf: Cawil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beddel
-ay shay: (v) replace (ripaleeys); substitute (sabistatuut); change (janji); convert (kon veert); transfer
beddel: -ka: (n) one who is transferred from one place to another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddel
(fal) qof, lacag, shey iyo wixii la mid ah, wax kale oo u dhigma ku doori. Faranka Doollar iigu beddel. Dh: geddi.
beddel: magaca wiil dhashay isaga oo uu wiilkii ka horreeyay dhintay ama shafeecay.
beddel -ka: (magac, lab, keli) shey meeshiisii wax kale la geliyo. Beddelka luungaha macawis xidho.
beddel -ka: (magac, lab, keli) lacag, lacag kale ku doorin oo ku sarrifid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbedbeddel
-ay / isbedbeddeshay: (v) fluctuate (flak-ju-weeyt); instability.
isbedbeddeleysaa: (adj) fluctuating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbedbeddel
-ka: (magac, lab, keli) isbeddelid oo haddana isbeddelid; kolba sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Isbeddel-ka
transformation, changement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbeddelaad
-da: (n) transformation (taraanis-foor meeyshen); change (jeenji)
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
isku beddel
to substitute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbedbeddal
-ka: (n) fluctuation (flak-ju-weey-shan); inconsistency (in-kan-sis-tansi) irregularity changefulness, changeability ~ isbeddel-ka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isfeel
m.l Ciyaar lagu tartamo oo la tunto habeennada bisha Ramadaan, waxaana ku tartami jiray xaafadihii hore ee magaalada Xamar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isfeel
m.l Ciyaar lagu tartamo oo la tunto habeennada bisha Ramadaan, waxaana ku tartami jiray xaafadihii hore ee magaalada Xamar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfeel
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar lagu tartamo oo la tunto habeennada bisha Ramadaan, waxaana ku tartami jiray xaafadihii hore ee magaalada Xamar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iskeel
Scale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isyeel
(Isyeel-ka)
Wax isgaarsiis; wax isudhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isyeel
v. hurt oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isyeel
-ay / isyeeshay: (v) inflict (infilikt). Ex: maxay isyeeleen? what did they inflict on each other?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isyeel
(fal) adigu wax isgaadhsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isyeel
de: hurt oneself
lx: isyeel
nt: isyeel (ka) [vn2-m]
pd: (isyeelay)
ps: v1=
key: isyeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abedder
-ka: (magac, lab, keli) geesi dagaalyahan ah, laakiin aan garaad badan ku darin. Abedder isku hallayn ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelo
f.g/mg. 3 (-eshay, -elatay) 1. (f.g) Wax, wax kale dhaafsasho. 2. (f.mg) Ka b.: qof meel hawl ka hayey meel kale oo uu hawshiisii ka si wato aadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beddelo
f.g/mg. 3 (-eshay, -elatay) 1. (f.g) Wax, wax kale dhaafsasho. 2. (f.mg) Ka b.: qof meel hawl ka hayey meel kale oo uu hawshiisii ka si wato aadid. m.f.dh, beddelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beddelo
v. exchange; change money ~ places (etc.); dress up, change clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelo
(fal) «ku ~» wax, wax kale dhaafsasho. Baraandhida labagallaydan ku beddalo. Dh: doorso, geddiso.
beddelo: (fal) dhar aad xidhnayd iska saar oo mid kale gasho. Beddelo dharka oo dugsiga u bax. Dh: lebbiso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beddelo
de: exchange; change money ~ places (etc.); dress up, change clothes
lx: beddelo
pd: (beddeshay)
ps: v3b=
xe: Lets change places.
xv: An kala beddelanno meelaha.
key: beddelo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isjecel
(v) love each other
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disbelief
/dhisbiliif/ (n) rumayn-la'aan, aaminid-darro.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
misbelief
n., aamin xun.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
misleader
n., maqawi, -gi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disobedient
/dhisobidhiyant/ (adj) dhaga-adag.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
disobedient
d. dhega adag, caasi ah.