isbarid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbarid
vl. n. introduction, introducing ~ getting to know
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbarid
-da: (n) introduction (intra-dhak-shen); especially of someone by name to another in order to establish an acquaintance ~ isbaritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbarid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof ama dad aan is aqoon, isu sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbarid
de: introduction, introducing ~ getting to know
lx: isbarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: isbarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismarid
m.f.dh eeg ismar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istarid
vl. n. mutual usefulness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istarid
de: mutual usefulness
lx: istarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: istarid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbaritaan
-ka: (n) introduction (intra-dhakshan) ~ isbarid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
étudier
étudier, v. - barad; barasho; is baris; waxbarasho; wax isbarid.
faire des recherches sur... - baadhid (dembi iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijbaarid
m.f.dh eeg ijbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ijbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barid
(Barid-da)
1. Qof, wax uusan horay ugu aqoon, tustusid, u sheegsheegid, ugu celcelin, taniyo intuu ka garto oo ka aqoodo; hawsha baraha.
2. Bar ka dhigid; buuxin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barid
m.f.dh eeg bar³. la-mid: baris, baritan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barid
vl. n. instruction, teaching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cashar u dhigidda.
barid -da: (magac, dhedig, keli) «is ~» dad aan is aqoon isbarid. Isbarid buu agaasimuhu shirka ku bilaabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barid
de: instruction, teaching
lx: barid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: barid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbar
-ay / tay: (v) 1. teach yourself. 2. introduce someone to another in order to establish an acquaintance: introduce (intaradhuus). Ex: wuxuu isbaray Cali iyo Caasha; he introduced Ali to Asha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarid
(Sarid-da)
Sarmo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarid
m.f.dh eeg sar². la-mid: sarniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexid ama dilaacin; sarmo ku samayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isburi
-ay / -say / -yeen / -nay: (v) be inconsistent with; contradict (kon-tara-dhikt) ~ iska horimaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismari
v. spread ~ wipe something on oneself; use externally
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ismari
de: spread ~ wipe s.t. on oneself; use externally
lx: ismari
pd: (ismariyey ~ ismarshey)
ps: v2a=expr
xe: This medicine is for external use, and is not to be taken orally.
xv: Daawadan waa la ismarshaa ee afka lagama qaato.
key: ismari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarid
(Saarid-da)
1. Wax meel hoose yaal meel kore dhigid.
2. (wax) wax sarreeya dushiisa dhigid.
3. (gaadiid, kd.) ku rarid.
4. Dibad u bixin.
5. (soo saarid) soo bixin, keenid; dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarid
m.f.dh eeg saar².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saarid
disqualifies tion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarid
vl. n. placing, putting (on top)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sarreeya dushiisa dhigid, wax meel hoose yaallay meel sare dhigid. Dh: saaris, fuushiin. Li: dejin, dhaadhicin.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) gaadiid ku rarid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin cid ku nabid. Dh: masabbidid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) cillaan, gacmaha ama cagaha ku samaysad. Li: saaris.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo bixin; soo saaris; dibad u soo bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarid
de: placing, putting (on top)
initial: s
lx: saarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: saarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharid
(Sharid-da)
Qof iin yeeshay, mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iin yeeshay. mas'uuliyad ka qaadid, ka wareejin, ka casilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarid
m.f.dh eeg afbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibarmid
m.dh la-mid: ibamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaarid
(Ijaarid-da)
Aqal, kd. ijaaro ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaarid
m.f.dh eeg ijaar².
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isburin
Contradiction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfurid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo isqabtay, kala tegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isgurid
(Isgurid-da)
(tiro, ...) midba midka kale dib u riixid, meeshii ka qaadid, wax u dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgurid
vl. n. reduction, depreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgurid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro muddo soo yaraata oo soo dhammaata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgurid
de: reduction, depreciation
lx: isgurid
pd: (-da)
ps: vn2a-m
key: isgurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaris
m.l Rooti subag iyo macmacaan dhexda looga tiray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ismaris
m.l Rooti subag iyo macmacaan dhexda looga tiray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismaris
m. n., [collective] bread on which butter and jam is spread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ismaris
-ka: (n) sandwich (saan-duwij); especially one filled with butter and jam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaris
-ka: (magac, lab, keli) cunto roodhi ah oo dhexda laga mariyay suugo ama burcad. Ismaris baan ku casheeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ismaris
de: bread on which butter and jam is spread
lx: ismaris
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: ismaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isnabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isku dhejin.
isnabid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, iska qarin cabsi ama wax kale aawadii.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isqarin
Camouflage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isqorid
-da: (n) enrollment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isdhawrid
(Isdhawrid-da)
Qofba qofka kale dhawrid, ilaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) is ilaalin; is banbaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskudarid
-da: (magac, dhedig, keli) labo wax ama in ka badan isku biirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaarid
m.dh la-mid: musmaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) musbaar ku nabid. Dh: musmaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibbaarid
m.f.dh eeg sibbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wishaarid
(Wishaarid-da)
Weshaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wishaarid
m.f.dh eeg wishaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weshaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid hawl ama arrin maaraynteeda u dhiibid oo kaga eedbeelid, Dh: xilsaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaarid
(Abbaarid-da)
Leexleexad la'aan iyo toos u aadid; (ku abbaarid): ku toosin; ku duwid; ku aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarid
m.f.dh eeg abbaar³. la-mid: abbaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) toos u beegsashada wax ama meel la wada og yahay. Doonnida la waayay waxay seegtay abbaaridda jihadii ay u socotay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) rasaas ama wax la mid ah, meel aad ugu dhaw kaga liishaamid.
afsaarid -da: (magac, dhedig, keli) irrid ka oodid; afka wax ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarid
m.dh la-mid: dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birbirid
(Birbirid-da)
Dhaldhalaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birbirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaldhalaalid ama iftiimid isdaba socda. Birbiridda kurdadda na shawaqisay. Dh: bidhbidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisaarad
-da: (magac, dhedig, keli) baahi badan oo dhan waliba taabsanaysa. Dh: silic, basaas, jacdad, busaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarid
m.dh la-mid: cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusburid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» cusbur u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbirid
(Dibbirid-da)
Calool fuurid, dabayl gudaheeda ka samaysantay darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirid
m.f.dh eeg dibbir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibbirid
-da: (v) 1. excessive fullness of stomach with food or gas, 2. (adj) extremely angry, Ex: caruu la dibbiray; he got extremely angry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto aad u cunis oo aad u dhergid. Dh: dhergid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarid
-da: (magac, dhedig, keli) sida wax loo qoro ama loo akhriyo qof kale barid. Dh: farbaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid ama qalid. Gasaaridda adhiga waan ka soo daalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamarid
m.f.dh eeg ibamar². la-mid: ibamar-yeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsamid
m.f.dh eeg iibsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama badeecad suuq la keenay, iibgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaarid
(Inkaarid-da)
Habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaarid
m.f.dh eeg inkaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karaahi ku ridid, habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irsaaqid
(Irsaaqid-da)
Irsaaq siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irsaaqid
m.f.dh eeg irsaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irsaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay u gaar ah', cid kale, risiq siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isasurid
(Isasurid-da)
Midba midka kale surid; isku rakibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhalid
-da: (magac, dhedig, keli) kala tafiirmidda labo noole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isfaxlid
m.dh Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxal sidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda isla geedkaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isfaxlid
m.dh Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxal sidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda isla geedkaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfaxlid
-da: (magac, dhedig, keli) habka uu faxalku uga duulo antarka ubaxa ee uu ku dhaco ubixii istigmahiisa, waana isbacriminta ubaxleyda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgawlid
-da: (magac, dhedig, keli) isu garaabid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.