isbahaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca. la-mid: isbahaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbahaysi
m. n., [compound] treaty of alliance; kinship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbahaysi
-ga: (n) alliance (allaayansiy, coalition (koelishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbahaysi
-ga: (magac, lab, keli) urur ama xulafo ku salaysan dhalasho ama fikir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbahaysi
de: treaty of alliance; kinship
lx: isbahaysi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: isbahaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaan-buuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaanbuuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid. m.f.dh, isbahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysad
m.l la-mid: isbahaysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isla-haysi
Coherence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaanbuur
(Gaashaanbuur-ta)
Dad dhawr qolo ah oo ciidammadoodu isu geystey oo meel ka soo wada jeeda; dad xooggooda isu geeyey oo jaalloobey; isbahaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqasooran
m.l Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.

xulato
m.dh Laba qof, laba dawladood, laba cidood ama ka badan oo gacan saar yeesha ama isbahaysi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barwaaqasooran
m.l Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xulato
m.dh Laba qof, laba dawladood, laba cidood ama ka badan oo gacan saar yeesha ama isbahaysi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alliance
/allaayanis/alliances; (n) isbahaysi; gaashaanbuur. e.g. a military alliance.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bond
/boondh/ (n) 1. wada-dhaqan iyo xiriir fiican oo ka dhexeeya laba gof ama in ka badan. e.g. Many people consider marriage as a permanent bond. (n) 2. warqad caddaynaysa in maalgelintaada iyo dulsaarba luguu celin doono (dawlad ama shirkad weyni gortay) (n) 3. isbahaysi (isku-xirnaansho) (v) 4.isku-dhejin (laba shay).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alleanza
s.f. - isbahaysi, gaashaanbuursi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
coalizióne
s.f. - isbahaysi (waddamo, axsaab iwm).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fratellanza
s.f. - walaalnimo, isbahaysi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fraternita'
s.f. - isbahaysi, walaalnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahwadaag
-ga: (magac, lab, keli) xidhiidh ku salaysan nasabka hooyo; walaalo hooyo wada dhashay. Bahwadaag baynu nahay.
bahwadaag -ga: (magac, lab, keli) dad, ummad iyo wixii la mid ah oo isgaashaabuuraysi ka dhexeeyo. Labadan urur waa bahwadaag. Dh: isbahaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysi
-ga: (magac, lab, keli) beelbeel isu raacis, isbahaysi samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanbuur
-ta: (magacwadareed) isbahaysi danwadaag ah; isutag xoog iyo xoolaba la wada samaysto iyadoo cid kalena la iska urursado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansaar
-ka: (magac, lab, keli) iib qiimaha la bixinayo marka wax la kala gato.
gacansaar -ka: (magac, lab, keli) xiriir saaxiibnimo oo dhex mara labo qof ama in ka badan.
gacansaar -ka: (magac, lab, keli) lacag caddaan ah oo wax lagu kala iibsado.
gacansaar -ka: (magac, lab, keli) labo dhinac oo isku dhacay, gacan kala gaadhid. Dh: farasaarid.
gacansaar -ka: (magac, lab, keli) wax wada qabsi iyo istaageersi. Dh: isbahaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulafo
-da: (magac, dhedig, keli) cid isku bahaysatay hawl ay ka midaysan yihiin. Carabtu waxay sameeyeen xulafo cusub. Dh: isbahaysi, xilfi, gaashaanbuur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
alliance
alliance, n.f. - Isbahaysi; Gaashaanbuur
alliance atlantique - Isbahaysiga Milatari ee Reer Galbeedka (OTAN | NATO)
alliance militaire des pays de l'Est - Isbahaysiga Milatari ee reer bariga (Warso | Warsaw)
les Alliances de mariage - Farantiga ama Fargashiga Guurka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
allier
allier, v. - Isku laaqid; Isku dar; Isku qas
s'allier - Isbahaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysi
m.l la-mid: bahaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahaysi
-ga: (n) 1. a connection based on motherly kinship. 2. alliance (a leey ansi)~ isbahaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbaas
-ka: (magac, lab, keli) dululaatida sare ee hoyga u ah walxocireedka iyo wixii kale ee soo raaca dhulkuna isbaaskaa buu ku dhex jiraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bahayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho. m.f.dh, bahaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahayso
v. consider someone as a relative from mother's side; be united ~ allied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahayso
(fal) dad, urur, dawlado iyo wax la mid ah iskaashi la yeelo; cid kale isgaashaanbuuraysi la yeelo si aad awood u yeelataan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahayso
de: consider s.o. as a relative from mother's side; be united ~ allied
lx: bahayso
pd: (bahaystay)
ps: v3b=
xe: the allied nations
xv: dawladaha is bahaystay
key: bahayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ibadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysi
m.l la-mid: jahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysi
-ga: (magac, lab, keli) safaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahansi
-ga: (magac, lab, keli) meel sahan u tegid sahansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto sahay ka dhigasho. la-mid: sahayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahayso
v./a: get provisions for a trip for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahayso
(fal) sahay qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahayso
de: get provisions for a trip for oneself
initial: s
lx: sahayso
pd: (sahaystay ~ sahaysaday)
ps: v3b/a=tr
key: sahayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel kasta yaalla oo uu iibkiisu aad u riqiisay ama xoog u jabay. Badhaysiga jaadka, miyaan mijin boobay! Dh: badhayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibatays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geedquwaaxa oo sun ah. Dh: geedxun, geedqaaqle, geedawaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbaadsi
(Ilbaadsi-ga)
Qof ama wax kale oo dusha laga ilaaliyo, si isagoo dagan loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaadsi
m.l la-mid: ilbaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbaadsi
vl. n. stalking, act of spying upon someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbaadsi
-ga: (n) surveillance (sar-veeylansi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbaadsi
a: ilbaadsasho (/da) [vn6-f]
de: stalking, act of spying upon s.o.
lx: ilbaadsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: ilbaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadays
m.l la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadays
-ka: (magac, lab, keli) qof buka, irbad ku mudis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is hayso
v. be unified ~ united
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_hayso
de: be unified ~ united
lx: is hayso
pd: (haystay)
ps: v3b=expr
key: is_hayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaaqsi
-da: (magac, dhedig, keli) aad hoos ugu dhigid, itaal ama caqli ku dalleensi. Awood lagama roonee ba'ood waa ishaaqsiga e'. Dh: baqsi, butaysi, sahansi, huleel.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isqabasi
-ga: (n) disagreement; confrontation; quarrel; argument ~ isqabsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysi
-ga: (magac, lab, keli) shanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysi
(Shaqaysi-ga)
Shaqaysasho; xoogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysi
m.l la-mid: shaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysi
-ga: (magac, lab, keli) shaqaysasho: xoogsasho; shaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysi
(Sharaysi-ga)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysi
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysi
-ga: (magac, lab, keli) sharaysasho: sharaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxaysi
m.l la-mid: ubaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ubaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabataysi
-ga: (magac, lab, keli) marka qofku ugaadhsi tago, dabashada duurjoogta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgarabsi
m. n. solidarity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgarabsi
-ga: (n) co-operation (ko-opareeyshen)-, solidarity (solidaa-riti) ~ isgaashaansi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgarabsi
de: solidarity
lx: isgarabsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: isgarabsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg tabaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaysi
-ga: (magac, lab, keli) uskag yeelasho: wasakh yeelasho. Dh: uskagaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysasho
m.f.dh eeg isbahayso. la-mid: isbahasad, isbahaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbaandhays
m.l 1. Geed dheer oo qodax leh oo dhala miro midab huruud ah leh oo la cuno dhexdana ku leh laf qodaxyo leh. 2. Miraha geedkaas dhala. la-mid: isboondheys.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbaandhays
m.l 1. Geed dheer oo qodax leh oo dhala miro midab huruud ah leh oo la cuno dhexdana ku leh laf qodaxyo leh. 2. Miraha geedkaas dhala. la-mid: isboondheys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbaandhays
-ka: (magac, lab, keli) geed dheer oo qodax leh oo dhala miro midab huruud ah leh oo la cuno dhexdana ku leh laf qodaxyo leh.
isbaandhays -ka: (magc, lab, keli) khudradda nooc ka mid ah oo ah midhaha geedkaas. Dh: isboondheys.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isla-haysta
Coherent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaayaysi
-ga: (magac, lab, keli) beerlaxawsiga gabadh la walaalaysanayo. Dh: aaddaysi, walaalaysi, huunnaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibaadaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) camal wanaagsan samayn oo Alle ku faray yeelid. Dh: cibaadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabataysi
(Dhabataysi-ga)
Dhabataysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabataysi
m.l la-mid: dhabataysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabataysi
vl. n. putting ~ casting the evil eye (on someone)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabataysi
a: dhabataysad (ka) [vn-m], dhabataysasho (/da) [vn-f]
de: putting ~ casting the evil eye (on s.o.)
lx: dhabataysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: dhabataysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkadhacsi
-ga: (magac, lab, keli) ilkacaanoodku marka ay carruurta ka daadanayaan. Dh: ilkaridasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaacaysi
m.l la-mid: illaacaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhegaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg isdhegaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajabsi
m.l la-mid: jilbajabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajabsi
-ka: (magac, lab, keli) marka neefka xoolihii meel xero cusub ah la qabsanayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafaysi
-ga: (n) elopement (ilowpmenf) ~ see also masaafo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) siyaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagaysi
m.l la-mid: xasaagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaahrumaysi
m.l la-mid: ilaahrumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasi
-ga: (magac, lab, keli) wax aan laga taggi karin oo lagamamaarmaan ah.