is_tus
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_tus
de: cause to come to mind, think about, realize
lx: is tus
pd: (tusay)
ps: v1=expr
key: is_tus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istus
(Istus-ka)
Ha lagaa sheego keliya wax u fal; (dad) isu geyn, si ay isu arkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istus
m. n. introduction (of two people to one another); showing-off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istus
-ay / tay: (v) 1. cause two people meet each other or see each other. 2. think about something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istus
-ka: (magac, lab, keli) habeenka u horreeya ee labada is aroostay la isu keeno oo ka horraysa aqalgalkooda. Carooska iyo caroosadda istuskoodu waa caawa.
istus: (tilmaame) mid dadku ha ku arkaan wax u qabta oo daacadnimo iyo lillaahi waxba u qaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istus
de: introduction (of two people to one another); showing-off
lx: istus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: istus
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is tus
v. cause to come to mind, think about, realize
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugle
(Faataadhugla-ha)
Qof is tustus badan oo wuxuusan ahayn iska dhiga; afmiinshaar; jeedaldheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foohaarin
(Foohaarin-ta)
(is foohaarin) Xarrago iyo isweyneyn dhar waaweyn u qaadasho oo dadku is tustusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foohaar
m.l Xarrago dhar waaweyn loo qaato oo is tustus iyo kibir ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foohaari
f.g2 (-iyay, -isay) Is f.: xarrago iyo isweyneyn dhar waaweyn u qaadasho oo dadka is tustusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horkeen
horkeen¹: m.l la-mid: horkeenid.
horkeen²: f.g/lg1 (-nay, -ntay) 1. (f.lg) Qof wax hor dhigid. 2. (f.g.) Ka h.: laba qof is tusid. 3. (f.g) Iska h.: dad isku dirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horkeen
f.g/lg1 (-nay, -ntay) 1. (f.lg) Qof wax hor dhigid. 2. (f.g) Ka h.: laba qof is tusid. 3. (f.g) Iska h.: dad isku dirid. m.f.dh, horkeenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tus
f.lg1 (-say, -stay) 1. Cid wax farta ugu fiiqid. Tusaale: “Cali ayaa guriga tusay Axmed” 2. Is t.: laba qof isu keenid. Tusaale: “Axmed baa is tusay wiilka iyo aabbihiisa”. m.f.dh, tusid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exhibitionism
/igsibishanism/ (n) is-tustus (is-muujis). e.g. Her exhibitionism embarrasses her husband.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
exhibitionist
/igsibishanist/ (n) qof is-tustus badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flaunt
/flont/ (v) is-tustusid, halagaa-sheego iyo faan, dadka is-tustusid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flourish
/floorish/ (v) 1. bulaalid, barwaaqoobid, tarmid, badasho (v) 2. muujin, haadin, dadka u-muujin ama tusid (n) 3. is-tustus, hab is-tustus iyo muujin ah wax u-samayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ostentation
/ostanteyshan/ (n) faan iyo is-tustus (is-tustus, siiba maal ama cilmi ku faanid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parade
/pareydh/ (v) 1. rigeyn (isu-soo bixinta askarta) 2. is-tustusid (ku faanid). 3. isu soo bax dad ama baabuur, badanaa is-daba socda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prance
/praans/ (v) 1. afar-qaadlayn (booddada orodka ah ee fardaha iwm) 2. is-qaadqaad (si is-tustus ah u socosho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pretentious
/pritenshas/ (adj) faan been ah iyo is-tustus.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
show off
/show of/ (n) is-tustus (hallagaa sheego).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unpretentious
/anpritenshas/ unpre- tentiously (adj); is-tustus la'aan (aan is-muujin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tus
-ay / tay: (v) show (shoow); guide (gaay-dh). Ex: i tus; show me.
is tus -ay / tay: (v) 1. bring face to face; bring together. 2. think about something; imagine (i-maajin)
is tustus -ka: (n) show off, flaunt (faloont); ostentation (os ten teey-shin), boastful showiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faan
(fal) sheego in aad tahay ruuxa ugu sarreeya ama ugu fiican; wax wanaagsan sheego. Dh: tookh, dhood.
faan -ka: (magac, lab, keli) wax wanaagsan oo la haysto ama la sameeyo oo dadka hortooda lagu sheegsheegto iyada oo loola jeedo is tus iyo is muujin. Faan waa xoolo aan laguu sheegan karin. Nin is faanshay waa ri' is nuugtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeqaaq
(fal) si fiican u dhugo. Jeeqaaq in ay cidi meesha timi. Dh: eeg, fiiri.
jeeqaaq: (fal) xilli aqooleed ag fadhiiso oo is tus inaad baahi qabto. Allow jeeqaaq, soo jarmaadaa, aanu kugu jilan. Dh: iltuug, jarray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_tus
de: appear, seem
lx: iska tus
pd: (tusay)
ps: v1=expr
key: iska_tus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istutus
m.l Wax loo sameeyo halagaa sheego.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istutus
m.l Wax loo sameeyo halagaa sheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isus
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar dhaqmeed ulo laysla dhaco oo muddo saddex casho ah lagu soo dhaweeyo dabtuurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istun
(Istun-ka)
Xus weyn oo Soomaaliyeed oo sanadiiba kol ka dhaca magaalada Afgooye: Saddex maalmood buu socdaa wuxuuna lee yahay cayaaro ulo laysla dhaco iyo banbaxyo kale; dabshid; dabtuur; neyruus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istun
m.l Xus dhaqameed weyn oo ula la isla dhaco oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Afgooye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istun
m.l Xus dhaqameed weyn oo ula la isla dhaco oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Afgooye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istun
m. n. annual stick-fight held at the town of Afgoi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istun
-ka: (n) traditional festival held at city of Afgoi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istun
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar taariikhi ah oo aad u da' weyn oo koonfurta Soomaaliya laga ciyaaro sannadkii ba hal mar oo ku beegan xilliga dabshidka waxaa na laga ciyaaraa deegaanno gaar ah sida Afgooye. Waa ciyaar dagaal oo dhex marta labo beelood, waxaa na lagu hubsadaa raganimada iyo fulanimada iyada oo la adeegsanayo ulo la isla dhacayo.
istun -ka: (magac, lab, keli) xilliga la ciyaaro istunka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istun
cf: Afgooye, Dabshid, tun
de: annual stick-fight held at the town of Afgoi (as part of the New Year celebrations)
lx: istun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: istun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_fur
de: divorce
lx: is fur
pd: (furay)
ps: v1=expr
xe: Saeedo and Hashi got divorced.
xv: Saciido iyo Xaashi wey isfureen.
key: is_fur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_mutux
de: be reckless ~ rash in s.t.; speak without regard ~ reserve
lx: is mutux
pd: (mutuxay)
ps: v1=expr
key: is_mutux
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska tus
v. appear, seem
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istustus
v. show-off, be ostentatious, display exhibitionism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istustus
-ka: (n) showing off, flaunting (faloonting); ostentation (ostenteeyshin), exhibitionism; boastful showiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istustus
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, waxaad qabanayso u muumuujin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istustus
de: show-off, be ostentatious, display exhibitionism
lx: istustus
nt: istustus (ka) [vn-m], istustusid (da) [vn-f]
pd: (istustusay)
ps: v1=
key: istustus
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dissous
dissous, adj. - Milmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskutun
(Iskutun-ka)
Jaadad badan oo inta la isku tumay la mideeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskutun
m. n. different substances mixed up together (usually spices)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskutun
(fal) iskuladh alaab kala jaadjaad ah oo meel isugu gee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskutun
de: different substances mixed up together (usually spices)
lx: iskutun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: iskutun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismutux
f.mg1 (-xay, -xday) Meel fagaara ah, keli ahaan fikrad aan lagula qabin isla soo taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismutux
(fal) isa soo taag keligaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isthmus
Qoori
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
isthmus
/ismas/ (n) meel yar oo isku xirta laba dhul oo weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istusid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof iyo in ka badan, wax isku sheegid.
istusid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad sax u haysatid, naftaada u sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isu_dun
cf: dunmi
de: organize, bring together; [ext.] convince, convert
lx: isu dun
pd: (dumay)
ps: v1=expr
key: isu_dun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isu_tag
de: have a meeting, gather in a place; have sexual relations
lx: isu tag
pd: (tagey)
ps: v1=expr
key: isu_tag
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_guurso
de: marry each other, get married
lx: is guurso
pd: (guursaday)
ps: v3a=expr
xe: Sarah and Saeed got married.
xv: Sahra iyo Saciid wey isguursadeen.
key: is_guurso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbuturis
m.l la-mid: isbuturin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismutuxis
ismutuxis¹: m.l la-mid: ismutuxin.
ismutuxis²: m.l la-mid: ismutuxid.