is-hirdi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is-hirdi
-ga: (magac, lab, keli) iska hor'imaadka labo walxood oo yaacaya oo si xooggan isugu dhaca.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ishirdi
Collision
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulgudbin
m.dh (fiisikis) Mootinta kulka ee walax gudaheeda, isaga oo kulku ka tegayo meesha heerkulkeedu sarreeyo, una gudbaya meesha heerkulkeedu hooseeyo. Neefaha iyo badanka hoorarka, gudbinta kulka waxa dhaliya is-hirdiga atamyada iyo molikiyuulada tamar socodkoodu kala duwanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulgudbin
m.dh (fiisikis) Mootinta kulka ee walax gudaheeda, isaga oo kulku ka tegayo meesha heerkulkeedu sarreeyo, una gudbaya meesha heerkulkeedu hooseeyo. Neefaha iyo badanka hoorarka, gudbinta kulka waxa dhaliya is- hirdiga atamyada iyo molikiyuulada tamar socodkoodu kala duwanyahay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
collision
collision, n i. - Is-hirdi.
entrer en collision - Isku dhicid; is duqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is dhirfi
v. become angry, work oneself up into anger ~ a rage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_dhirfi
de: become angry, work oneself up into anger ~ a rage
lx: is dhirfi
pd: (dhirfiyey)
ps: v2a=expr
key: is_dhirfi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirdi
v. butt; clash; strike violently
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hirdi
-da: (n) butt with the head or horns: butt (bat) ~ hardi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirdi
(fal) eeg hardi.
hirdi-ga: (magac, lab, keli) madaxa oo xoog wax loogu riixo dagaal awgeed. Dh: hardi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirdi
de: butt; clash; strike violently
lx: hirdi
pd: (hirdiyey)
ps: v2a=
see: hardi ~ herdi
key: hirdi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad badan si ay arrin uga doodaan meel isugu keenid. m.f.dh, shirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiri
v. bring together, call to a meeting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiri
de: bring together, call to a meeting
initial: s
lx: shiri
pd: (shiriyey)
ps: v2a=tr
key: shiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shardi
(Shardi-ga)
Sharad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shardi
shardi¹: m.l la-mid: sharad¹.
shardi²: m.l (shuruud, m.l) (xisaab) Hawraar ama weedh M oo lo baahanyahay in ay run noqoto si hawrar kale N ay u noqoto run. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah, markaa N ma noqon karto run M la'aanteed. Haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa; markasta oo ay M noqoto run Nna waa run. Dhanka kale run ma noqon karto. Tusaale ahaan, haddii afar geesle uu noqon karo laydi waa in uu raaliggeliyaa xaaladaha lagama marmaan-ka ah in laba ka mid ah dhinacyada afar geesluhu ay yihiin barbaro, haseyeeshe, kani ma aha xaalad kaafiya ah, xaaladaha kaafiga ah ee afar geesle in uu yahay qardhaas waa in ay dhammaan dhinacyada afar geesluhu yihiin 5 cm., haseyeeshe kani ama xalaad lagama maarmaan ah. in laydi uu yahay labajibbaarane waa in uu raaliggeliyaa xaalad dhererka dhinacya-diisa in ay isle'egyihiin. Sida kale haddi M ay tahay xaalad lagama maarmaan ee N -> M, haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa M -> N. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah iyo xaalad kaafi ah ee N markaa M N.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shardi
m.l (shuruud, m.l) (xisaab) Hawraar ama weedh M oo lo baahanyahay in ay run noqoto si hawrar kale N ay u noqoto run. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah, markaa N ma noqon karto run M la'aanteed. Haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa; markasta oo ay M noqoto run Nna waa run. Dhanka kale run ma noqon karto. Tusaale ahaan, haddii afar geesle uu noqon karo laydi waa in uu raaliggeliyaa xaaladaha lagama marmaanka ah in laba ka mid ah dhinacyada afar geesluhu ay yihiin barbaro, haseyeeshe, kani ma aha xaalad kaafiya ah, xaaladaha kaafiga ah ee afar geesle in uu yahay qardhaas waa in ay dhammaan dhinacyada afar geesluhu yihiin 5 cm., haseyeeshe kani ama xalaad lagama maarmaan ah. in laydi uu yahay labajibbaarane waa in uu raaliggeliyaa xaalad dhererka dhinacyadiisa in ay isle'egyihiin. Sida kale haddi M ay tahay xaalad lagama maarmaan ee N -> M, haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa M -> N. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah iyo xaalad kaafi ah ee N markaa M <-> N.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shardi
name: Shardi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shardi
m. n. stipulation, agreement, requirement, condition; bet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shardi
-ga: (n) precondition (piri-kondishin); condition (kon-di-shin), requirement (rik-waar-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shardi
-ga: (magac, lab, keli) xadhkaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah.
shardi -ga: (magac, lab, keli) eeg sharad.
shardi-ga: (magac, lab, keli) nidar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirbi
f.g2 (-iyay, -isay) Neef irmaan oo ido ah lisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirbi
(fal) neef irmaan oo ido ah lis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirki
shirki¹: m.l Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.
shirki²: f.mg2 (iyay, -isay) Cibaadada Alle cid kale la wadaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shirki
m.l Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is yiri
vl. [expression] he said to himself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_yiri
de: he said to himself
lx: is yiri
pd: (is ku ~ isku yiri)
ps: v4a-expr
key: is_yiri
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdhimi
-ay isdhin-tay isdhim-een / isdhinay: (adj) decreased (dikrii-sidh); reduced (ri dhuusidh); lessen, dwindled, abated, diminished
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIIN-HINDI
(Tin-indi) N, C Opuntia ficus-indica L. Cactaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-dhimid
m.f.dh eeg isdhin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishiirri
-ga: (magac, lab, keli) eeg washiirri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishirrin
-ta: (magac, dhedig, keli) qosolka iyo sawaxanka waraabuhu sameeyo kolka uu raq ka dhergo. Ma wishirin ayaamahan tixdii waafiga ahaaye. Dh: sawaxan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIMIR-HINDI
(Timir-hindi) S Tamarindus indica L. Caesalpiinaceae.