is-haysta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
is-haysta
(adj) intact (in taakt), unbroken (anbarooken), compact
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isla-haysta
Coherent
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axal
1. (Axal-ka) Xilli u dhexeeya ximirka iyo xayska.
2. (Axa-sha) Xab is-haysta oo adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caad
1. (Caad-da) Dhagax, isagoo shiilmay oo qolqola haya dhulka gudihiisa ka soo baxay, oo isagoo is-haysta dhulka korkiisa ku ballaartay oo ku qaboobey; sallax dhagax ah oo jaadkaas ah oo biyaha celiya.
2. (Caad-ka) Daruur cad oo xalleefsan oo aad u sarraysa; daruurta da'satey waxa ka hara oo wax cirka laftiisa ku dhegsan la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacin
(Dillaacin-ta)
Cad is haysta (maro, xaashi, kd.) labo meelood ama ka badan u kala jeexid; dhanbalid; qarrarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fantax
(Fantax-da)
1. Wax xiriira ama taxan, meel furan ama jaban ama daloosha oo ku taal; wax jiidan oo is haysta meel ay ka kala furan yihiin.
2. Dillaaca yar oo gamuunka salkiisa ku yaal iyo wixii u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fud
(Fud-ka)
Cad yar oo kankoonsan oo is haysta; bur; fudul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabal
(Gabal-ka)
Wax weyn ama is haysta qaarkii; cad; jab; qayb; in; jeex; (ama gobol).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadoon
(Gadoon-ka)
Dhul siman oo dhagax is haysta ah ama caad, god yar ama magay ku yaal ama ka dalooshamay oo biyaha xareeddu galaan oo laga cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarid
(Jarid-da)
Wax is haysta, labo cad ama ka badan u kala goyn; googgoyn; jarjarid; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarjar
(Jarjar-ka)
Wax is haysta oo cadad yaryar laga dhigo; googgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebin
(Jebin-ta)
1. Wax is haysta xoog u kala duulin; labo cad ka dhigid.
2. (ganacsi) qiime hoos u dhigid; raqiisin.
3. (weeso, kd.) gadid; burin.
4. (guddoon, qiil, kd.) burin.
5. (cayaar) dhibcihii ama intii lagu adkaana hayey, intaan la gaarin, laga reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karingaabad
(Karingaabad-ka)
Buuraha is-haysta duudkooda kore oo siman, meel inta kale ka gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kidfid
(Kidfid-da)
Wax is-haysta, jarjar yaryar oo badan ka dhigid; qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leex
(Leex-a)
Cad caano adkaaday ah oo is-haysta oo inta mantagga soo raaca xagga afka ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqoor
(Qarqoor-ka)
Wax is-haysta oo la goynayo ama la soo bixinayo, oo inta uu ku fadhiyo la muujiyo, lala soo af-wareego, la soo qodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shintiris
(Shintiris-ka)
1. Shintirin.
2. (*) Buug yar ama xaashiyo is-haysta oo dabadeed hadba mid la jaro ama la rogo, oo ay ku qoran tahay sanada oo maalmo iyo toddobaadyo iyo bilo u kala qorqoran. ~ Taariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuuqid
(Shuuqid-da)
1. (xoolo) ci ama cod aan qeexnayn, bushimohoo is-haysta soo saarid; guuxid; abur-shuqlayn.
2. Wax dab la saaray ama ku dhacay, dhacaanka ka soo baxa iyo shanqarta ka yeerta intuu gamaarayo.
3. Meel ama weel, qoyaankii ku jirey habyayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walalac
(Walalac-da)
1. Hillaac weyn ama is-haysta muuqashadi, baalqaadki.
2. Iftiin kasta oo sida kan hillaacaas isha mar u mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xab
(Xab-ka)
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jiljilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan.
2. Biyo badan oo xalliiban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda.
3. Ukunta biyeheeda cad.
4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axal
axal¹: m.l Xilliyada dayrta mid ka ah oo u dhexeysa ximirka iyo xayska.
axal²: m.dh (-llo, m.l) Hoore adag oo is-haysta oo sida badan ka yimaadda mindhicirrada marka ay jirradaan ama xubnaha taranka waqtiga dhalmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbur
burbur¹: m.l.u (-rro, m.dh) 1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. la-mid: burur¹ (2).
burbur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax is haystay, cadad yaryar u kala jebid. la-mid: burur² (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is hayso
v. be unified ~ united
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_hayso
de: be unified ~ united
lx: is hayso
pd: (haystay)
ps: v3b=expr
key: is_hayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-haysasho
m.dh (fiisikis) Caabbiga ka horjeeda socodka ka dhasha dareere. Ha ahaato, socodka dareere marka uu qulqulayo ama socodka walax adke ah oo dhexmaraaya dareere. I. waxa uu ka dhashaa xoogga isliska ee ka jira dareeraha gudihiisa, waxana sababa xoogga ah isjiidadka ka dhexeeya molikuyuulada dareeraha. la-mid: isjiidasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
is-haysasho
m.dh (fiisikis) Caabbiga ka horjeeda socodka ka dhasha dareere. Ha ahaato, socodka dareere marka uu qulqulayo ama socodka walax adke ah oo dhexmaraaya dareere. I. waxa uu ka dhashaa xoogga isliska ee ka jira dareeraha gudihiisa, waxana sababa xoogga ah isjiidadka ka dhexeeya molikuyuulada dareeraha. la-mid: isjiidasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_eedaysta
de: accuse ~ blame one another, make complaints about each other
lx: is eedaysta
pd: (eedaysteen)
ps: v3b=pl=recip
key: is_eedaysta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysad
m.l la-mid: isbahaysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isla-haysi
Coherence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aysaa
de: you are / she is doing (X)
lx: -aysaa
ps: v1-2sg/3f-prpg
xe: Is she going to the city?
xv: Magaalada mey tagaysaa?
key: -aysaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-hayga
de: my
lx: -hayga
ps: pro-det-1sg
xe: my key
xv: =-kayga
key: -hayga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayste
m. n. adherent
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayste
de: adherent
lx: hayste
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hayste
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamsa
name-f sun, sunlight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shayna
waxna; waxba; baabbah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-hayaga
de: our [exclusive]
lx: -hayaga
ps: pro-det-1pl
xe: our teacher
xv: =-kayaga
key: -hayaga
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-naysaa
de: you are / she is doing (X)
lx: -naysaa
ps: v2a-2sg/3f-prpg
xe: she is giving
xv: =-neysaa
key: -naysaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-shayda
de: my
lx: -shayda
ps: pro-det-1sg
xe: my stomach
xv: =-tayda
key: -shayda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkasta
xi. Xataa; walow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inkasta
xi. Xataa; walow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdaaya
(v) leave each other alone; refrain from fighting or disturbing each other
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto sahay ka dhigasho. la-mid: sahayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahayso
v./a: get provisions for a trip for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahayso
(fal) sahay qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahayso
de: get provisions for a trip for oneself
initial: s
lx: sahayso
pd: (sahaystay ~ sahaysaday)
ps: v3b/a=tr
key: sahayso
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shan-ta
cinq.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shay-ga
chose.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikasta
fk. la-mid: si.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sikasta
[adverbial] [expression] anyway, somehow, anyhow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sikasta
(conjunction) however (haw evar) ~ si kasta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikasta
eray la nuxur ah: noocay doontaba; sidaad rabto; siday ahaataba; saad rabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sikasta
de: anyway, somehow, anyhow
initial: s
lx: sikasta
pd: (sikastaba)
ps: adv-expr
see: kasta
key: sikasta
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suhayla
name-f constellation (canopus) Sirius, brightest star; easy to deal with, fluent, smooth, soft
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-shayada
de: our [exclusive]
lx: -shayada
ps: pro-det-1pl
xe: our sister
xv: =-tayada
key: -shayada
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
is-astur
-ay / tay: (v) cover your private parts
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahayste
m. n. (adj.): captive; captured
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lahayste
-lahaystaha: (n) [pl. lahaystayaasha] hostage (hoos-teeyj); captive (kaap-tiv)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahayste
de: captive; [atr.] captured
lx: lahayste
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: lahayste
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanaysaa
v., sg., present progressive: you are / she is coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imanaysaa
de: you are / she is coming
lx: imanaysaa
pd: (imaneysaa)
ps: v4b-2sg/3f-prpg
xe: When are you coming?
xv: Adigu goormaad imanaysaa?
key: imanaysaa
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inchiesta
s.f. - baaritaan, ka baaraandegid (da).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhalliilo hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdhaysan
der. [adjective] alarmed, wary; in a state of alarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irdhaysan
-aa: (adj) troubled; feeling uneasy or concerned about something; worried (weeridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhaysan
(tilmaame) mid cabsi iyo shaki qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdhaysan
de: alarmed, wary; in a state of alarm
lx: irdhaysan
pd: (irdhaysnaa)
ps: adj-der
key: irdhaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca. la-mid: isbahaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbahaysi
m. n., [compound] treaty of alliance; kinship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbahaysi
-ga: (n) alliance (allaayansiy, coalition (koelishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbahaysi
-ga: (magac, lab, keli) urur ama xulafo ku salaysan dhalasho ama fikir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbahaysi
de: treaty of alliance; kinship
lx: isbahaysi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: isbahaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaan-buuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaanbuuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid. m.f.dh, isbahaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isdhacsii
v., [compound] convince oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdhacsii
-yey/say/yeen/ nay: (v) convince or persuade oneself ~ iska dhaadacsii
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isdhacsii
de: convince oneself
lx: isdhacsii
pd: (isdhacsiiyey)
ps: v2a=cmp
key: isdhacsii
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Islaan-ta
vieille femme.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaws-haysad
-ka: (magac, lab, keli) sir qarin oo arrin ka jawaabiwaa; arrin wax la iska waydiiyey ka gaabsad. Dh: gaws-haysasho, gaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gows-haysad
m.l la-mid: gows-haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gows-haysad
-ka: (magac, lab, keli) arrin aan la jeclayn, ka hadalkeeda iska ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhaysnaan
m.f.dh eeg irdhaysan. la-mid: irdhaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhegaysad
-ka: (magac, lab, keli) labo qof iyo in ka badan, wax isku sheegid oo ismaqlid.