is-afgaranwaayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-afgaranwaayid
m.f.dh eeg is-afgaranwaa².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is-afgaranwaa
is-afgaranwaa¹: m.l Is fahmid la'aan.
is-afgaranwaa²: f.mg1 (-aayay, -aayday) Laba qof ama ka badan is famhi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maandhaafid
(Maandhaafid-da)
(is maandhaafid) Arrin isku diidid, isku khilaafid; qofba meel iska tusid; is-afgaranwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhaaf
maandhaaf¹: m.l la-mid: maandhaafid.
maandhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Is m.: is- afgaranwaayid, isku khilaafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Is m.: is- afgaranwaayid, isku khilaafid. m.f.dh, maandhaafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
is afgaranwaa
-ga: (n) misunderstanding (mis-an- der-istaandhing); communication problem ~ ismaandhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is'afgaranwaa
-ga: (magac, lab, keli) heshiis la'aan iyo is'fahan la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgarabtaagid
m.f.dh eeg isgarabtaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgarabtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, oo arrin wadata ama baahi hayso, taageero u fidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgarabtaagis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, oo arrin wadata ama baahi hayso, garab iyo taakulo siin.