is le'eg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is le'eg
adj., [expression] on the same level; equal, proportionate
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg
isle'eg¹: m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
isle'eg²: f.mg4 (-ekaa, -ekayd) Isku jin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'eg
isle'eg¹: m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
isle'eg²: f.mg4 (-ekaa, -ekayd) Isku jin ahaansho. m.f.dh, isle'ekaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg
Wave equation
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'eg
Equation, Equal
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
isle'eg
equal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isle'eg
f. n. something that is equal; equation {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isle'eg
(adj) 1. equal (ikwal). Ex: laba shay oo isle 'eg; two equal objects [things] 2. —isle'g -ta: (n) [Mathematics] equation (ikuweeyshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg
(tilmaame) aan kala weynayn.
isle'eg-ta: (magac, dhedig, keli) xidhiidh xisaabeed ka dhexeeya xaddi ku xidhan dahsoonayaal, kaas oo labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=) sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
isle'eg-ta: (magac, dhedig, keli) isku jin ahaansho ama, cilmi ahaan, xidhiidh lahaan sida isle'eg kubbad, isle'eg saabley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isle'eg
de: something that is equal; equation {mathematics}
lx: isle'eg
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: le'eg
key: isle'eg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_le'eg
cf: cuddoon
de: on the same level; equal, proportionate
lx: is le'eg
pd: (le'ekaa)
ps: adj-expr
key: is_le'eg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bar
1. (Bar-ka) Wax labo meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; nus.
2. (Bar-ta) a) Dhibic; gaashi; astaan. b) Xoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddoon
Si wanaagsan loo habeeyey; is le'eg; culayskeedu isu dheellitiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheellitiran
Aan dheelli lahayn; la dheelli tiray; is le'eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhulbar
(Dhulbar-ka, Dhulbar-ta)
Xarriiq male ku dhisan oo dhulka ku wareegsan, oo meesheed walba iyo dhulka labadiisa udub (madax) weligood isku in isu jiraan; labo bar oo is le'eg bay dhulka u kala goysaa; barka woqooyi iyo barka koofure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ekayn
(Ekayn-ta)
1. Wax is le'eg ama wax kale u eg, ka dhigid.
2. Wax socona haya oo badan, meel, si ballaaran ugu duwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isle'ekaan
(Isle'ekaan-ta)
Wax is le'eg ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jajab
(Jajab-ka)
1. Burbur; googgo.
2. (lacag) cadadi.
3. (oogo) muruqyo xanuun.
4. (xisaab) tiro dhan oo qaybo is le'eg loo qaybshey, qayb ama qaybo kamid ah.
5. Cayayaan yar oo duuban oo girgirro yaryar leh oo aan madax iyo manjo midna lahayn: korka waxaa kaga rogan xaad cas oo wixii taabta ku jajabta oo haddaan la soo wada saarin lala bukoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jin
1. (Jin-ka) a) Uun Ilaahay oo aan isha dadku qaban karin (ama Jinni). b) Isku da'; isku fac; is le'eg.
2. (Jin-ta) (weligeed koox: jinaha; ama magac kalay ku kaban tahay sida jinbar, jinqool) xubinta u dhexaysa qarqarka iyo suxulka; cudud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbar
(Kalabbar-ka)
1. Labo wax ama labo meelood ama labo waqti, kd., dhibicda ama xarriiqda bartanka kaga abbaaran oo ay isku in ama qiyaas is le'eg u wada jiraan; bartame; wadaage.
2. Wax mid ah oo labo inood ama qaybood ama cad oo is le'eg laga dhigo.
3. Kalabbar oo bar, la sameeyo ama la buuxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbarid
(Kalabbarid-da)
1. Bar iyo bar ka dhigid; labo qaybood oo is le'eg ka dhigid.
2. Bar keliya qabasho ama buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'ekaan
(Le'ekaan-ta)
Wax is le'eg ahaan; isku fil ama isku culays ama wax si kale isu le'eg ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mase
1. Amase; mise.
2. Isku mid; is le'eg; siman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nus
(Nus-ka)
Wax labo inood oo is le'eg loo qaybshey, middood; kalabbar; bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalbac
(Qalbac-a)
Wax labo inood oo is le'eg oo xalxalleefsan isugu aabburan, labadaas middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siman
Is le'eg; aan kalana horrayn kalana danbayn; isku darajo ah; isku jaan go'an; (ama sinan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bar
bar¹: m.l Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshay, meeshood; nus. Tusaale: “Lacagta bar i sii”.
bar²: m.dh (-ro, m.l) 1. Goobaabin yar oo meesha ku taal midab ka duwan leh. 2. B. xoolaad: xoolo yar.
bar³: m.l (daawo) Bar lagu dhasho oo meel xaddidan ee maqaarka ah ku taal.
bar⁴: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid, cilmi iyo wax uusan aqoon aqoonsi. 2. Wax laba meelood oo isla 'eg u qaybin. 3. Is b.: caadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallar
m.l.t (-rro, m.dh) Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tusaale: “Hasha la shireystay f. iga sii”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nus
m.l Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tusaale: “N. kiilo bariis ah”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rubi
m.l.t Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybshay meeshood; rubuc; waax. Tusaale: “Waa sagaalkii iyo r.”; “R. kiilo bariis ah”. la-mid: rubac, rubuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumun
m.l (-nno, m.dh) Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; fallar. Tusaale: “T. kiilo bariis ah”. la-mid: tummun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismale'eg
m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa “x waa ay ka weyntahay y”, iyo x < y waxa loo akhriyaa “x waa ay ka yartahay y”. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ismale'eg
m.dh (-gyo, m.dh) (xisaab) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka weyntahay y', iyo x < y waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka yartahay y'. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ismale'eg
Inequality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismale'eg
-ta: (magac, dhedig, keli) weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka weyntahay y', iyo x < y waxa loo akhriyaa 'x waa ay ka yartahay y'. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eg.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isma le'eke
Scalence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'eg
La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'eg
f.mg4 (-ekaa, -ekayd) La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
le'eg
f.mg4 (-ekaa, -ekayd) La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn. m.f.dh, le'ekaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Le'eg
égal à.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
le'eg
le'ekaa: (adj) equal (iik-wal); same in quantity, size, age or value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'eg
(tilmaame) la mid ah, la mug ama muuqaal ah. Wixii damal dilay, oo dameer le'eg, sooma daayow, ha igu soo deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
le'eg
de: equal, the same size as; fitting; amounting to
lx: le'eg
pd: (le'ekaa)
ps: adj
xe: eka. These shoes do not fit me
xv: leeg
key: le'eg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isteeg
m.l (-gyo, m.dh) Xirmo ka kooban toban baakad oo sigaar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isteeg
m. n. stick of
isteeg m. n. steak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isteeg
-ga: (n) steak (isteeyk); a slice of meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isteeg
-ga: (magac, lab, keli) hab hilibka loo dubo oo casho looga sameeyo. Waxa loo jeemaa si xalleefsan oo balballaadhan inta aan la dubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isu'eg
m.l (-gyo, m.dh) (xisaab) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isu'eg
m.l (-gyo, m.dh) (xisaab) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is keen
v. come to ~ be present (at an event)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isaseeg
-ga: (magac, lab, keli) xumaanta kala dhex gasha labo qof iyo waxii ka badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isu eeg
v. compare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isu_eeg
de: compare
lx: isu eeg
pd: (eegay)
ps: v1=expr
key: isu_eeg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is la ekee
v. equalize in size
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isle'egaan
Equality
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is u ekee
v. cause to resemble each other
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isle'ekee
-yey / isle'ekeysay: (v) make equal; equalise (iik wulaayz),
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
isolement
isolement, n.m. - dahaadhid; xijaabis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
isolément
isolément, adv. - go'doon.