is
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Is
id-, laf-, naf-, kd. (iskiisa, iddiisa, laftiisa, ...); wadar ahaan, wadajir; midba midka kale, kuwaba kuwa kale; kd.
Is! — Erey xoolaha lagu yiraahdo; kolka la doona hayo inay dib u noqdaan ama leexdaan.
Is- — Erey ereyada kale qaarkood horta lagaga kabo oo falka ku celiya qofka ama waxa wax fala haya (sida isdilid; istaagid; ismayrid).
-is — Dabakar falka magac ka dhigta (qaad-is; keen-is; mar-is).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
is
is¹: m.l Iskayga, iskaaga iyo wixi lamida: qof laftiisa, nafta tiisi ah iyo wixi lamida.
is²: mu.dhm.ly 1. magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin. Tusaale: “Cali ayaa is faanshay”. 2. magacuyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale. Tusaale: “Labadoodu waa is waayeen”.
is³: e.d Erey xoolaha lagu yiraahdo kolka la doonayo inay dib u noqdaan ama leexdaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
is
is¹: m.l I.kayga, i.kaaga iyo wixi lamida: qof laftiisa, nafta tiisi ah iyo wixi lamida.
is²: mu.dhm.ly (naxwe) 1. Magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin. Tusaale: Cali ayaa is faanshay. 2. Magac-uyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale. Tusaale: Labadoodu waa is waayeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is
pron., reflexive: self; oneself
is pron., reciprocal: each other, one another
is pron., red-3m: he, him
is inter. go on!, get up!, giddap!
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Is
se, soi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
is
(pronoun) each other. Ex: xalay baan is aragnay; we saw each other last night. Ex: wiilashu way is jeclyihiin; the boys like each other
is: (prefix) makes some verbs expressing a command or plea: Ex: isbar; teach yourself. Isbaar; get a checkup. Ishabee; organise yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is
(tilmaame) wax u keli ah naftaada; waxaad gaar u leedahay. Aqalka dheer is ayaan u leeyahey. Dh: yad, gaar.
is: (ereydhawaaq) lagu dhaqaajiyo geela dheddig ee aan aaranka ahayn. Is dheh hasha oo kaxee.
is: (xidhiidhiye) erey la adeegsado kolka la sheegayo xidhiidhka ka dhexeeya labo shey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aameel
(Aameel-ka)
1. Harrub.
2. Wixii waxay arkaan iska raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ab
(Ab-ka)
Awooweyaashii hore oo laga soo jeedey; isir; wasiir; walcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaabulid
(Abaabulid-da)
Arrin isku duwid; hagaajin; qabanqaabin; dumid (col).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahi
(Abaahi-ga)
Isutagga awrka iyo hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanwarre
(Abbaanwarra-ha)
Labada isu dhaxa, kan lab; say; nin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abboowe
(Abboowa-ha)
Erey walaal ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama isjeceli, isugu yeeraan (ama boowe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Absaxan
(Absaxan-ka)
Waalid, isir, ab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtiris
(Abtiris-ka)
Aqoonta ku saabsan awooweyaashii hore magacyadooda iyo siday isugu xigeen; abtirsiino; abtirsiinyo; abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsasho
(Abtirsasha-da)
Aabbeyaal iyo awooweyaal badan oo isku xiga magacyadood sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuu-maqas
(Abuu-maqas-ka)
Iskaanbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abyamid
(Abyamid-da)
Yaab iska garasho; yaabid: irkigid; amakaagid; ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addeecid
(Addeecid-da)
Wax la is faray yeelid, u hoggaansamid, okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegasho
(Adeegasha-da)
Hawl qabsasho; isu adeegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Af
(Af-ka)
1. Xubinta nafleydu cunnada ka cunto oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yaalliin.
2. Ereyada iyo ulajeeddooyinkooda; hadal dhan oo tol isku garto oo ku wada hadlo, oo wax ku qabsado.
3. Dhinaca birtu wax ka gooyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afargees
(Afargees-ka, Afargees-ta)
Muug fidsan oo leh afargees oo toosan iyo afar dhinac oo is wada dherer le'eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aftin
(Aftin-ta)
1. Kobta banka iyo dhirtu dhinaca isaga hayaan oo labadaba laga gaari karo; iran.
2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bis
m.dh la-mid: bes.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bis
avv. biis! codsi ku celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bis
-ta: (magac, dhedig, keli) timo dad oo aad u jilicsan. Li: jurro.
bis-ta: (magac, dhedig, keli) waxaraha yaryar, ee aan weli ababin. Bis waxareed banaan loobaxshaa markay ababka doonayso.
bis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bes.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cis
(Cis-ka)
Ciso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cis
m.l la-mid: ciso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cis
m. n., [abstract] respect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cis
(fal) karaamay, ixtiraam; xushmay; cisay; cisee.
cis -ka: (magac, lab, keli) karaamo; ixtiraam; xushmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cis
a: cees
de: respect
lx: cis
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: cis
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dis
prefisso - horkabe muujinaya lid markab iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
his
/his/ (pron) kiisa (wixiisa). e.g. That is his car.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
his
(see Grammar).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanaaniso lagu daro cajiinta daqiiqda si ay u faxdo oo loo dubo. Dh: dhanaaniso, fixiso, khamiiriso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isa
mu.eb la-mid: isaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isa
pron., refl: self; oneself
isa pron., red-3m: he, him
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isa
(reflexive pronoun) oneself (wan-salaf); self (salaf). Ex: isa sheeg; identify yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ish
(tilmaame) wax la necbaysto.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
iso
pref. - hor kabe fasirkiisu yahay la mid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isu
pron., recip and preposition: each other
isu pron., refl and preposition: for oneself, to oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isu
(pronoun plus adverb) together (tu gether); altogether; Ex: isu keen; bring them together ~ isku
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kis
(Kis-ta)
In yar; xoogaa; kistoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kis
m.dh In yar; xoogaa; kistoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kįs
e.d la-mid: kir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kis
m.dh In yar; xoogaa; kistoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kis
f. n. bit, small amount (of something)
kis inter. go away!, move!; get out of here!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kis
-ta: (n) little bit; small quantity.
kis: (interjection) fuck off; an exclamation used as angry dismissal ~ kir, kac, bax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kis
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar; waxoogaa: xoogaa. Kis yar oo biyo ahana ma haysanno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lis
(Lis-ta)
1. Caano kolkaas la lisay.
2. Wax kastoo caano ama dhacaan leh sida xabagta iyo cinjirka iyo dhiinka miraha, oo la soo tuujiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lis
lis¹: m.l/dh 1. Caano markaas la lisay. 2. Wax kastoo caano ama dhacaan leh sida xabagta iyo cinjirka iyo dhiinka miraha, oo la soo tuujiyo. 3. la-mid: lisid.
lis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Caano maalid. 2. Mindi af u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lis
lis¹: m.l/dh 1. Caano markaas la lisay. 2. Wax kastoo caano ama dhacaan leh sida xabagta iyo cinjirka iyo dhiinka miraha, oo la soo tuujiyo.
lis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Caano maalid. 2. Mindi af u yeelid. m.f.dh, lisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lis
f. n., (mass n.): fresh milk; latex, white sap, milk-like plant juice
lis v. milk, squeeze out (sap, juice, liquid, etc.)
lis v. sharpen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lis
-ay / tay: (v) milk (milk)
isku lis -ay / tay: (v) rub against each other
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lis
(fal) neef irmaan, candhadiisa caano ka maal. Dh: maal. Li: gaaggixi.
lis: (fal) mindi iyo wixii la mid ah, soofe mari oo afee. Billaawaha lis intaanad wax ku gawricin. Dh: afee, soofee, soofay, afay
lis-ka: (magac, lab, keli) caano cusub oo imika la lisay. Dh: dhay. Li: baryood, karuur, ciir, gadhoodh.
lis-ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo caano leh sida xabagta, cinjirka iyo dhiinka midhaha oo la soo tuujiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nis
m.l (-sas, m.l) Weel yar oo qori ka samaysan, gacan leh oo biyaha la darsado; kalax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nis
m. n. wooden ladle for drawing water from a vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nis
-ka: (magac, lab, keli) shay badhkii. Liinta laba nis ka dhig oo nis cun. Dh: badh, jeex, nus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nis
de: wooden ladle for drawing water from a vessel
lx: nis
pd: (-ka Pl: nisas (ka))
ps: n4-m
key: nis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pis
pis, n.m. - naasaha (lo'da).
pis, adj. - aad u xanuun badan; ugu xanuun badan.
au pis aller - la maleeyo sida ugu xun.
de mal en pis. - marba marka kale ka daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ris
(Ris-ka, Ris-ta)
Caws adag oo gaaban oo dhulka bannaan daboola; daris; guxud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ris
ris¹: m.l Caws gaaggaaban oo iduhu aad u jecel yihiin oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
ris²: m.dh Geed laamo dhaadheer, dhuudhuuban oo guryaha carshaanta ah lagu dhisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ris
m. n. grass species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RIS
Boerhavia sp 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ris
-ta: (magac, dhedig, keli) meel doog wanaagsan oo iswada haysta leh oo meelaha kale ka qoyaan dambaysa. Dh: guxud.
ris-ta: (magac, dhedig, keli) bur doog ah oo meel biyo mareen ah ka baxa oo dhulka badanaa wada qariya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ris
de: grass sp.
lx: ris
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: ris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tis
(Tis-ka)
Ood la gooyey oo is-haysata; jebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tis
tis¹: m.l.u Ood la gooyey oo is-haysata oo hal mar qof qaadi karo; jebis.
tis²: f.mg1 (-say, -stay) Tis meel isugu keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tis
m. n., [collective] bundle of brushwood; branch of a thorny tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tis
(fal) is dulsaar, aad u gufee. Tis ooda yaan bahalu soo marine.
tis: (fal) ku ka buuxi oo tan dhaafi; aad u diiq. Ku tis shandada dharka.
tis -ka: (magac, lab, keli) ood la gooyey oo is haysata oo hal mar qof qaadi karo. Tiska u qaad reerka. Dh: jebis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tis
de: bundle of brushwood; branch of a thorny tree (used for making livestock enclosures)
initial: t
lx: tis
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: tis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vis
vis, n.f. - musmaarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xis
(Xis-ka)
Garaad; miyir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xis
m.l Dareen; miyir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xis
m.l Dareen; miyir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xis
m. n. consciousness, sense, ability to comprehend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xis
-ka: (n) mind (maayndh), the human consciousness; brain (bareeyriy, intellect (iintalekti) ~ garaad. —xiska dahsoon: (adj) subconscious (sabkoonshas)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xis
Mente
Mind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xis
-ka: (magac, lab, keli) garaad iyo maan wax lagu garto. Dh: miyir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xis
cf: garaad, miyir
de: consciousness, sense, ability to comprehend
initial: x
lx: xis
pd: (-ka Pl: xisas (ka))
ps: n4-m
key: xis