irko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irko
f.mg3 (-kaday, -katay) U i.: wax mar dambe u aayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irko
(fal) cid kale, ku tiirso oo ku baxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firko
-da: (magac, dhedig, keli) goob xoolaha lagu maalo oo dibadda ka ah reerka oo bannaan. Dh: daljiis, duleed, jijiis.
firko -da: (magac, dhedig, keli) debedfadhiisiga xoolaha aan la xerayn. Dh: firsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkasho
m.f.dh eeg irko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirso
(fal) «u ~» dhibaato ku haysa darteed, cid kale irko; kaalmo ka raadso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
irk
/erk/ (v) dhibid (ka xanaajin) e.g. Such behaviour clearly irked Bashiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arko
v. find, see for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arko
de: find, see for oneself rw: arag
lx: arko
pd: (arkaday)
ps: v3a=
key: arko
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilko
m. n., pl. teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilko
-ilkaha: (n) [Plural of ilig-ga] tooth (tuuth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilko
-ha: (magacwadareed) lafaha yaryar ee Ilaahay afka noolaha ku dhex abuuray si wax loogu goosto ama loogu ridqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilko
de: teeth
lx: ilko
pd: (/ha Sg: ilig)
ps: n3-m-pl
key: ilko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irki
(fal) cid kale, taageero sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirko
(Shirka-da)
Shirkad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirko
m.dh la-mid: shirkad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirko
f. n. company
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shirko
shirkada: (n) partnership (paart-narshiip); partners (paati-naris); cooperative society ~ iskaashato ganacsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirko
-da: (magac, dhedig, keli) eeg shirkad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirko
de: company
initial: s
lx: shirko
pd: (/da)
ps: n6-f
see: shirkad
key: shirko
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u irko
v. have recourse to, seek help ~ support from
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_irko
de: have recourse to, seek help ~ support from
initial: u
lx: u irko
nt: u irkasho (/da) [vn6-f]
pd: (irkaday)
ps: v3a=
key: u_irko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid wax ay daneyneyso la kulmid; doorasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arkoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid wax ay daneyneyso la kulmid; doorasho. m.f.l, arkood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkoo
(fal) wax aad rabtay, indhahaaga ku arag oo hel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barko
f.g3 (-kaday, -katay) Wax barkin ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barko
f.g3 (-kaday, -katay) Wax barkin ka dhigasho. m.dh, barkasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barko
v. put a pillow under one's head; use something as a pillow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barko
barkaday / barkatay: (v) rest on [your head], or as if on, a pillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barko
(fal) madaxa ku soo tiiri kiish laga buuxiyey cutub iyo waxii la mid ah, jirka intiisa kale ka sarreysiiya, dhigo barkin, saaro madaxa wax dhulka kaa celiya. Barkinta barbarkaaga taalla barko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barko
de: put a pillow under one's head; use s.t. as a pillow
lx: barko
pd: (barkaday)
ps: v3a=
key: barko
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biiko
Pico
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birmo
f.mg3 (-maday, -matay) Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid. m.f.dh, birmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmo
v. rescue, come to the aid of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmo
(fal) goob shil ka dhacay ama cid dhibaato haysato taageero degdeg ah sii. War adhigii wuu goosmay gabbalkiina dhacaye ha loo birmado qoyska. Dh: gurmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmo
de: rescue, come to the aid of
lx: birmo
pd: (birmaday)
ps: v3a=
key: birmo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
circo
s.m. - sarkas, sirk.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirfo
-da: (magac, dhedig, keli) neefka ciidda carafo la gawraco ee lagu odxaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirro
(Cirra-da)
Timaha madaxa, garka, kd.; oo caddaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirro
m.dh Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirro
f. n., (mass n.): gray hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirro
-cirrada: (n) white hairs; gray hairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirro
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa, gadhka iyo wixii la mid ah oo madawga ka taga oo isu beddela caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirro
de: gray hair
lx: cirro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: cirro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cirro
شيب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirgo
f.mg3 (-gaday, -gatay) Socod jiitaan socosho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirgo
v. move a little, make a motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirgo
(fal) dhan u hinqo ama u dhaqaaq. Dh: ruqaanso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirgo
de: move a little, make a motion
lx: dirgo
pd: (dirgaday)
ps: v3a=
key: dirgo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax adeegsasho. Tusaale: “Telefoon baan dirsaday”. 2. Wax dalbasho. Tusaale: “Cumar baa shaah dalbaday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax adeegsasho. Tusaale: Telefoon baan dirsaday. 2. Wax dalbasho. Tusaale: Cumar baa shaah dalbaday. m.f.dh, dirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirso
v. send something for oneself; send away for; order something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirso
-dirsaday / dirsatay: (v) 1. use (yuus). Ex: Taleefoonka ma dirsan karaa; can I use the telephone; 2. send something for oneself. Ex: waraaq buu dirsaday; he sent a letter by himself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirso
(fal) cid ama shy meel u dirid si aad ugu intifaacdo. Telifoonka dirso adigu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirso
de: send s.t. for oneself; send away for; order s.t. for oneself
lx: dirso
pd: (dirsaday)
ps: v3a=tr
key: dirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgo
f.mg3 (-gaday, -gatay) la-mid: fargo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgo
(fal) neef la gawracay, xanuun daran dartii u rafo. Dh: fergo.
firgo: (fal) wax yar oo adag, sida quruuruxa oo kale, faraha si xooggan ugu finiini.
firgo: (fal) xoog u carar oo baxso.
firgo: (fal) ciyaar, qasiido iyo wixii la mid ah, ku jibbood oo bururid. Dh: qiirood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firki
(fal) meel faalali oo kala bixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firqo
(Firqa-da)
Dad koox ah; horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firqo
m.dh Dad koox ah; horin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firqo
m.dh Dad koox ah; horin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firqo
f. n., [collective] group of people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firqo
-firqada: (n) [Pl. firqooyin-ka] sect (sakt); splinter group, faction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firqo
bw: Arabic
de: group of people
lx: firqo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: firqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxo
f.mg3 (-xaday, -xatay) 1. Si aan nidaamsanayn u cararid. 2. Kala f.: wax wada jirey meelo kala duwan u kala cararid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firxo
f.mg3 (-xaday, -xatay) 1. Si aan nidaamsanayn u cararid. 2. Kala f.: wax wada jirey meelo kala duwan u kala cararid. m.f.dh, firxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firxo
v. escape, run away, disperse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxo
(fal) si aad ah u carar oo baxso. Dh: fako.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firxo
de: escape, run away, disperse
lx: firxo
pd: (firxaday)
ps: v3a=
key: firxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgo
(eraydhawaaq) eray la yiraahdo marka awrka awr kale lagu dirayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) 1. Biyo weel ka buuxsasho. 2. Cunto ama biyo si aad ah uga dhergid. la-mid: harqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hirqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) 1. Biyo weel ka buuxsasho. 2. Cunto ama biyo si aad ah uga dhergid. m.f.dh, hirqasho. la-mid: harqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirqo
v. be full to overflowing, brim over; have plenty of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqo
(fal) (ka ~) biyo iyo wixii la mid ah oo aad u fara badan, xoog uga dhereg oo ka haqabbeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirqo
de: be full to overflowing, brim over; have plenty of
lx: hirqo
pd: (hirqaday)
ps: v3a=intr
xe: I would have wanted lots of sheep and goats so that I would have plenty of milk and meat.
xv: Waxaan rabi lahaa ari badan oon caanihiisa iyo hilibkiisa ka hirqado.
key: hirqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirro
-da: (magac, dhedig, keli) erey la yidhaa marka la kala badiyo ciyaar. Dh: hirroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirwo
m.dh Nooc ka mid ah ciyaaraha jaanta iyo jiibta leh oo dhaantada isku bahyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hirwo
m.dh Nooc ka mid ah ciyaaraha jaanta iyo jiibta leh oo dhaantada isku bahyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirwo
-da: (magac, dhedig. keli) ciyaar loo yaqaanno magacyo kala duwan sida Dhaanto iyo Weglo oo ka mid ah ciyaaraha ugu fac weyn ee Soomaalida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkow
m.l la-mid: ilkaddawaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irdho
(Irdha-da)
Wax la dareemay ka digtoonaan; cabsi; dhawr; is'ilaalis; baydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdho
m.dh Digtoonaan cabsi ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdho
f. n. wariness, state of alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdho
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi ay digtooni ku jirto.
irdho-ha: (magac, lab, keli) fiiro gaar ah iyo digtooni. Dh: feejignaan, foojignaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdho
de: wariness, state of alert
lx: irdho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: irdho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkig
irkig¹: m.l Dhakafaar iyo dhabanna hayn. la-mid: argag², erkeg¹.
irkig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Aad u yaabid. la-mid: erkeg², argag²
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irkig
m.l Dhakafaar iyo dhabanna hayn. la-mid: argag, erkeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkig
-ga: (magc, lab, keli) la yaab aad u weyn. Dh: anfariir, amaajac, argagax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirfo
(fal) daad socdaa suu dhul u mulacyeeyo, wada deel oo dul iyo degba sunsun. Anigoon col ii soo jirafaday jil iga qaadaynin. Dh: seem, dhammay, quiqul, cammim, mar, maaruq, see-seeji, jidhfo. tafwareemo, jidhfo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirmo
(Jirma-da)
Geed laf adag oo udgoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirmo
m.dh la-mid: jirme.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIRMO
(Jirmo) S, May Caesalpinia erianthera Chiov. Caesalpinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jirme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirro
(Jirra-da)
Fayoobi la'aan; cudur; bugto; xanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirro
jirro¹: m.dh (-ooyin, m.l) Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
jirro²: f.mg3 (-raday, -ratay) Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirro
jirro¹: m.dh (-ooyin, m.l) Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
jirro²: f.mg3 (-raday, -ratay) Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho. m.f.dh, jirrasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirro
f. n. illness, disease, malady
jirro [inchoative] v. get sick, become ill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirro
-jirraday / jiratay: (v) become sick or ill; sicken (sikan)
jirro -da: (n) illness (iilnes); sickness (siknes); disease (disiis); disorder (disoordher) ~ cudur, Ex: jirro khatar ah bay qabtaa; She had a serious illness