irki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irki
(fal) cid kale, taageero sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firki
(fal) meel faalali oo kala bixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkig
irkig¹: m.l Dhakafaar iyo dhabanna hayn. la-mid: argag², erkeg¹.
irkig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Aad u yaabid. la-mid: erkeg², argag²
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irkig
m.l Dhakafaar iyo dhabanna hayn. la-mid: argag, erkeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkig
-ga: (magc, lab, keli) la yaab aad u weyn. Dh: anfariir, amaajac, argagax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirki
-ga: (magac, lab, keli) garasho dheraad ah oo Ilaahay bixiyo. Dh: caqli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abyamid
(Abyamid-da)
Yaab iska garasho; yaabid: irkigid; amakaagid; ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abyan
(Abyan-ka)
Garasho ama dareen, wax sillan ama lala yaabo, ay dhaliyeen; yaab; irkig; amakaag; ashqaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amakaag
(Amakaag-ga)
Yaab; irkig; (ama amankaag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amakaagid
(Amakaagid-da)
Yaabid; irkigid; (ama amankaagid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shahmaad
(Shahmaad-ka)
Yaab lala wareero; shaamarreer; irkig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaab
(Yaab-ka)
Abyan; irkig; amakaag; shaamarreer; ashqaraar; dhabannahays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argag
argag¹: m.l la-mid: irkig¹.
argag²: f.mg1 (-gmay, -gantay) la-mid: irkig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argagid
m.dh la-mid: irkigid.

argagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: irkigsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argagsanaan
m.dh la-mid: irkigsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argagsanaansho
m.l/dh la-mid: irkigsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erkeg
erkeg¹: m.l (-nno m.dh) la-mid: irkig¹.
erkeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: irkig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erkegid
m.dh la-mid: irkigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erkegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: irkigsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erkegsanaan
m.dh la-mid: irkigsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erkegsanaansho
m.l/dh la-mid: irkigsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkigid
m.f.dh eeg irkig². la-mid: argagid, erkegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax irkig hayo ahaansho. la-mid: argagsan, erkegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkigsanaan
m.f.dh eeg irkigsan. la-mid: argagsanaan, argagsanaansho, erkegsanaan, erkegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iri
v., sg., simple past tense: I said
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iri
(v) [past tense] I said (seeydh); told (tooldh), —waxaan iri: I said, —waxuu yiri; he said, —waxay tiri; she said. —waxay yiraahdeen; they said, —waxaan niri; we said
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iri
de: I said
lx: iri
pd: (idhi)
ps: v4a-1sg-past
xe: Do you remember what I told you yesterday?
xv: Miyaad xasuusataa waxaan shalay kugu iri?
key: iri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
irk
/erk/ (v) dhibid (ka xanaajin) e.g. Such behaviour clearly irked Bashiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbi
-da: (ma gac, dhedig, keli) laan qoyan oo la gamuumay oo geed nabadeed oo labo dhinac lagu dhexdhexaadinayo hoostiisa lagu qotomiyo oo heshiiska calaamad u ah. Irbida nabaddoonnadaa qotomiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irfi
m.dh (-iyo/-iyaal, m.l/dh) Bir dheer, dhulka jeexda oo harqoodka ku taal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irfi
m. n. plow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irfi
-da: (magac, dhedig, keli) bir ka mid ah qalabka beeraha lagu qodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irfi
de: plow
lx: irfi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: irfi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irko
f.mg3 (-kaday, -katay) U i.: wax mar dambe u aayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irko
(fal) cid kale, ku tiirso oo ku baxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firkin
-ta: (magac, dhedig, keli) durkin ama kordhin xero, beer iyo wixii la mid ah. Xerada adhigu firkin bay doonaysaa. Dh: durkin, weyneyn, firkis, biirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firkis
-ka: (magac, lab, keli) eeg firkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkigi
(fal) cid kale, ka yaabi; wax ka yaabiya ku samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirkir
(Kirkir-ka)
1. Mindi (ama qalab kale oo) aan af lahayn sida ay wax u goyso.
2. Goynta jaadkaas ah, raadka ay reebto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirkir
kirkir¹: m.l (-ro, m.dh) Raadka ay reebto mindi iyo wixi lamida oo aan af lahayn oo wax lagu gooyay. la-mid: kirkirid.
kirkir²: m.l (-ro, m.dh) 1. (daawo) Cudur bulshadeed ragga kaga dhaca guska oo inta hore gooya, lagana qaado galmada. 2. (daawo) Nabar furan oo aan xanuun lahayn oo ka samysma meesha jeermigu jirka ka galay (guska, dibnaha, iyo wixi lamida) waana astaanta ugu horreysa ee xabbadda (siifilis).
kirkir³: f.g1 (-ray, -rtay) Mindi aan af lahayn wax ku goyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kirkir
m.l (-ro, m.dh) 1. (daaw.) Cudur bulshadeed ragga kaga dhaca guska oo inta hore gooya, lagana qaado galmada. 2. (daaw.) Nabar furan oo aan xanuun lahayn oo ka samysma meesha jeermigu jirka ka galay (guska, dibnaha, iyo wixi lamida) waana astaanta ugu horreysa ee xabbadda (siifilis).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kirkir
m. n. blunt edge; cut made with a blunt knife
kirkir v. cut with a blunt knife, slash
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KIRKIR
(Kirkir) S Cassia longecemosa Vatke. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kirkir
-ay / tay: (v) cut with the dull edge of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirkir
(fal) mindi ama qalab aan af lahayn wax ku goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirki
shirki¹: m.l Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.
shirki²: f.mg2 (iyay, -isay) Cibaadada Alle cid kale la wadaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shirki
m.l Kelinnimada Alle iyo cibaadadiisa oo wax kale lala wadaajiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arkid
(Arkid-da)
Indhaha ku duwid oo ku garasho; dhugasho; fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkid
m.f.dh eeg arag².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arkid
vl. n. look, gaze, observation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arkid
-da: (n) seeing (siiying); watching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkid
-da: (magac, dhedig, keli) indha ku qabad: dhugashada wax la arki karo. Dh: dhugad, fiirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arkid
bw: arag
de: look, gaze, observation
lx: arkid
pd: (-da)
ps: vn-f
syn: aragti
key: arkid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barki
f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barki
f.g2 (-iyay, -isay) U b.: cid barkin dhabanka u dhigid. m.f.dh, barkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barki
-ga: (magac, lab, keli) qori la barkado oo sal uu ku istaago iyo laba dhaban oo balballaadhan oo kor u taagan leh. Kolka la seexanayo ayaa madaxa la dhexgeliyaa. Dh: barkin, barji, barshing.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birri
(Birri-ga)
Dhulka intiisa engegan; inta aan baddu ku fadhiyin; dhul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul. la-mid: berri¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birri
m.l 1. Dhulka intiisa aan bad ahayn. 2. Dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birri
m. n., [collective] land (as opposed to sea)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birri
-ga: (n) land (laandh) ~ dhul. Ex: badda iyo birriga; the sea and the land
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birri
a: berri
de: land (as opposed to sea)
lx: birri
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: birri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbi
f.g2 (-iyay, -isay) Faras, rakuub iyo wixi lamida si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbi
v. track, follow footprints
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbi
(fal) cagta cagta u saar; cidhbi.
cirbi: (fal) faraska, bogga cidhibta kala dhac, si uu orodka u badiyo.
cirbi: (fal) (ku ~) si xawli ah uga daba'eri; cagta cagta u saar. Dh: cidhbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbi
de: track, follow footprints rw: cirib
lx: cirbi
pd: (cirbiyey)
ps: v2a=
key: cirbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirqi
(Dirqi-ga)
Xoog tahandhaaf ah oo wax lagu qabto ama lagu yeelsiiyo; xoog; hawaan; sandulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirqi
dirqi¹: m.l 1. Khasab. 2. (fk) Si dhib leh.
dirqi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid khasbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirqi
dirqi¹: m.l 1. Khasab. 2. (fk) Si dhib leh.
dirqi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid khasbid. m.f.dh, dirqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirqi
m. n., [abstract] force, compulsion
dirqi [adverbial] [expression] just, almost, nearly; with great difficulty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirqi
-yey / say: (v) [with preposition ku] 1. compel (kompeel)', necessitate (nasasateeyt)', force (foorsi); obligate (obligeeyt); oblige (obalaaj); constrain (konistareeyn); must (mast) ~ khasab, kalif, xoog
dirqi -ga: (n) compulsion (kom-palshan) ~ khasab. 2. —si dirqi ah: (adv) narrowly (naarowli); scarcely (iskeers-li)', just, nearly ~ si dhib leh: Ex: si dirqi ah buu ku bax saday; he escaped narrowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirqi
(fal) ku qasab qof waxa aanu raalli ka ahayn.
dirqi: (tilmaame) si dhib ah wax lagu qabtay. Dirqi baan ku dhammeeyey hawsha inteedii badnayd.
dirqi-ga: (magac, lab, keli) cid kale, wax aanu raalli ka ahayn ku khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirri
(Dirri-da, Dirri-ga)
Ban aan wax ku yaal la arag; aan cidi joogin; bannaan; digdigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirri
m.l/dh 1. Ban diiran oo aan cidi ku nooleyn. 2. Digdigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirri
f. n. open ground ~ country, stretch of hard barren land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirri
(tilmaame) meel adag. Dh: adayg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirri
cf: bannaan
de: open ground ~ country, stretch of hard barren land
lx: dirri
pd: (-da ~ -ga)
ps: n1-f, n2a-m
key: dirri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirxi
(Dirxi-ga)
Dixiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirxi
m.l la-mid: dixiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirxi
m. n. worm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirxi
-ga: (n) worm (weerm) ~ dixiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirxi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan dur badan oo dulkunoole ah oo raqda qudhintay ku nool. Dirxi dantiisuu qudhunka ugu jiraa. Dh: dixiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirxi
a: dixiri
de: worm
lx: dirxi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dirxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durki
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel yiil sikin. 2. Wax fogeyn. la-mid: durgi, durji, durqi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durki
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel yiil sikin. 2. Wax fogeyn. m.f.dh, durkin. la-mid: durgi, durji, durqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durki
v. shift; move something apart, space out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durki
-yey / say: (v) push aside a bit; change position by moving slightly; shift (shift) ~ siki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durki
(fal) meel durugsan wax gey. Dh: fogee. Li: dhawee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durki
de: shift; move s.t. apart, space out rw: durug
lx: durki
pd: (durkiyey)
ps: v2a=tr
key: durki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filki
(fal) walax furfur oo kala daadi. Dh: dunsaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firko
-da: (magac, dhedig, keli) goob xoolaha lagu maalo oo dibadda ka ah reerka oo bannaan. Dh: daljiis, duleed, jijiis.
firko -da: (magac, dhedig, keli) debedfadhiisiga xoolaha aan la xerayn. Dh: firsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirdi
v. butt; clash; strike violently
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hirdi
-da: (n) butt with the head or horns: butt (bat) ~ hardi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirdi
(fal) eeg hardi.
hirdi-ga: (magac, lab, keli) madaxa oo xoog wax loogu riixo dagaal awgeed. Dh: hardi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirdi
de: butt; clash; strike violently
lx: hirdi
pd: (hirdiyey)
ps: v2a=
see: hardi ~ herdi
key: hirdi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof wax ka dhergin. la-mid: harqi (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirqi
v. make someone full, have someone be satisfied
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirqi
de: make s.o. full, have s.o. be satisfied See also: harqi
lx: hirqi
pd: (hirqiyey)
ps: v2a=tr
key: hirqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkir
(Inkir-ka)
Asaraar; dafir; qirashaddiid; ogaaldiid.