irdhoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhoo
(fal) is ilaali oo digtoonow. Dh: cabsoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdhoob
inch. v. be on guard, become wary, beware
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irdhoob
-ay / irdhoodowday: (v) be troubled; feel uneasy or concerned about something; worriy (weeri)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdhoob
a: irdhow
de: be on guard, become wary, beware
lx: irdhoob
pd: (irdhoobay)
ps: v1=inch
key: irdhoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irdho
(Irdha-da)
Wax la dareemay ka digtoonaan; cabsi; dhawr; is'ilaalis; baydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdho
m.dh Digtoonaan cabsi ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdho
f. n. wariness, state of alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdho
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi ay digtooni ku jirto.
irdho-ha: (magac, lab, keli) fiiro gaar ah iyo digtooni. Dh: feejignaan, foojignaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdho
de: wariness, state of alert
lx: irdho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: irdho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhow
irdhow¹: m.l Cararidda cabsi darteed lala cararo. la-mid: irdhoobid.
irdhow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cabsi darteed la cararid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irdhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cabsi darteed la cararid. m.f.dh, irdhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhow
(fal) mid dembiile ah oo baydadsan ama cabsanaya noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiig
fiig¹: m.l la-mid: fiigid.
fiig²: f.mg1 (-gay, gtay) 1. Neef qalo la cararid. 2. Irdhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiig
f.mg1 (-gay, gtay) 1. Neef qalo la cararid. 2. Irdhoobid. m.f.dh, fiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrar
-ka: (magac, lab, keli) ood awr ama gaadiid kale ku qaadid. Ha irdhoon ha aafoobin, waa oodrarkii abey, waa oodla' hawsheed, waa kaan isla ogayn waa aniyo adigii. Dh: oodradh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhool
-ka: (magac, lab, keli) qof aan waxba arag. Dh: indhoole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idho
-ha: (magacwadareed) labada dareeme ee aragga. Dh: indho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igdho
f.mg3 (-dhaday, -dhatay) Neef igar ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
igdho
(fal) neef xoolo ah, gandaal ku irmaanee; neef irmaan, salaax ku godol oo ku maal. Dh: sabo, sidko, igar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indho
m. n., pl. eyes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indho
-indhaha: (n) [plural of ilsha] eyes (aayis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Indho
naanays loo baxsho qof leh indho waaweyn ama soo baxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoo
(fal) xanaaq; dhirif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdho
f.mg3 (-dhaday, -dhatay) Wax qarxaday ama col jabay, wax ka kala yaacid, ka soo go'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firdho
f.mg3 (-dhaday, -dhatay) Wax qarxaday ama col jabay, wax ka kala yaacid, ka soo go'id. m.f.dh, firdhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdho
v. scatter, break away from a group, disperse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdho
(fal) kala yaac oo kala firidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdho
de: scatter, break away from a group, disperse
lx: firdho
pd: (firdhaday)
ps: v3a=intr
key: firdho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Wax dhiilla gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdhee
v. put someone on his/her guard, make wary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhee
(fal) cabsi iyo foojignaan ku abuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdhee
de: put s.o. on his/her guard, make wary
lx: irdhee
pd: (indheeyey)
ps: v2b=
key: irdhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irdhoobid
(Irdhoobid-da)
Irdho dareemid; fiigid; baydadid; digtoonaansho; feeyig noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhoobid
m.f.dh eeg irdhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhiso
m.dh Xabbad gumuc firdha leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhiso
-da: (magac, dhedig, keli) kala yaacso wax urursanaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
girlhood
/gerlhuudh/ (n) gabarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhoole
(Indhoola-ha)
Indhala'; aan wax arag; indhalaawe; cammole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nafley aragga indhaha beeshay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nafley aragga indhaha beeshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhoole
m. n. blind person
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
INDHOOLE
(Indole) S, C? Tephrosia pentaphylla (Roxb.)G. Don. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhoole
-indhoolaha: (n) blind man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhoole
-ha: (magac, dhedig, keli) qof araggii waayay oo indhihiisu ay nuur beeleen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhoole
de: blind person
lx: indhoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: indhoole
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
indhoole
كَفِيفَ، صَرِيرٍ، أَعْمَى
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardhoof
m.l (-fyo, m.dh) Qof hal mar dhoofay oo faan iyo been badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mardhoof
m.l (-fyo, m.dh) Qof hal mar dhoofay oo faan iyo been badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardhoof
m. n., [compound] first time traveler
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mardhoof
-ka: (n) first time traveler or traveller; inexperienced traveler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardhoof
-ka: (magac, lab, keli) qof mar keliya dibad u dhoofay ion weli safarrada ku ilbixin dadkana ugu faana
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardhoof
de: first time traveler
lx: mardhoof
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: mardhoof
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhooq
erey loo adeegsado ama lagu dhawaaqo marka la rabo in bacawga aqalka laga saaro. Bacawga badhooq badhooq dheh aqalka ha ka soo dareeree.
badhooq -da: (magac, dhedig, keli) xadhkaha sida dhumucda leh loo sooho ee kebedda laga sameeyo; xadhkaha kebedda kor ka soo bilaaban ee hoos u shuban. Badhooq la'aan kebedi ma unkanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhaf
m.l (-fyo, m.dh) (kiimika) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhaf
m.l (-fyo, m.dh) (kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birdhaf
Alloy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhic
m.dh (-cyo, m.dh) 1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. la-mid: birdhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhic
m.dh (-cyo, m.dh) 1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. la-mid: birdhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birdhic
f. n. speckle, small speck, dot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birdhic
a: (n) [Pl. birdhicyo-da] speck (ispeek); a small round spot; dot (doot)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birdhic
de: speckle, small speck, dot
lx: birdhic
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: birdhic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhig
birdhig¹: m.l la-mid: birdhigid.
birdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid. m.f.dh, birdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhig
(fal) «u ~» marka lagu farayo inaad iska caabbin la timaadod. U birdhiga cadawgiinna oo baallaha ka gala oo baqashada dhaafa. Dh: jilibdhig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadhood
inch. v. get angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadhood
-ay/cadhootay: (v) become angry ~ xanaaq, carood. Ex: degdeg bay u cadhootaa; She gets angry too quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhood
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax ka xanaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadhood
a: carood
de: get angry
lx: cadhood
pd: (cadhooday)
ps: v3a=inch
key: cadhood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid. ciishood m.l eeg ciishoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciishoo
(fal) ciil iyo xumaan dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdood
m.l.u Ugaadh. la-mid: ciddood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirdood
m.l.u Ugaar. la-mid: ciddood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdoox
m.dh Roobdoon geed la fuulayo oo suuratul Huud la akhrinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhad
(Firdhad-ka)
Firdhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhad
m.l la-mid: Firdhaad; firdhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhad
vl. n. act of scattering, breaking away from a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firdhad
-ka: (n) dispersion (dis-peer-shen); scatter (iskaater); breakup, debris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhad
-ka: (magac, lab, keli) cid baxsanaysa oo kala carartay oo kala baahsan.
firdhad-ka: (magac, lab, keli) carar baqasho leh. Dh: baxsad, caymad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdhad
a: firdhasho (/da) [vn6-f]
de: act of scattering, breaking away from a group
lx: firdhad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: firdhad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhid
m.f.dh eeg firir². la-mid: firir¹, firirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhid
-da: (magac, dhedig, keli) kala yaacid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhin
(Firdhin-ta)
Kala tuurtuurid; kala yaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhin
m.f.dh eeg firdhi. la-mid: firirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala eryid; midba meel ka ridid. Dh: baahin. Li: ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhis
m.l Barabaro yaryar oo midab ah oo neef cad oo xoolaha ku firirsan jirkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg firdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firidho
-da: (magac, dhedig, keli) rassaasta jaad ka mid ah oo ay finiinnada qaraxeedu dhinac walba u baaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firshow
f.mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) Firsho noqosho (degaan).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indho_1
a: indha-indhee
de: inspection, viewing
hm: 1
lx: indho
pd: (-ka)
ps: vn2a-m-cmp
key: indho_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indho_2
de: eyes Plural of il
hm: 2
lx: indho
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: indho_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahdo
v., sg., neg., present habitual: I do not say
iraahdo v., sg., relative form, present habitual: that I say
iraahdo v., sg., opt. form: may I say; let me say
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iraahdo
(v) [Past] I said ~ idhaahdo. Ex: waxaan iraahdo waa inaad maqashaa; you have to listen to what I said
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irdhayn
(Irdhayn-ta)
Fiigtaal ka dhigid; cabsi lala fiigo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhayn
m.f.dh eeg irdhee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isudhow
adj., [expression] close (to each other), with a narrow margin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isudhow
-aa: (adj) not far from each other; being near to each other; close (kalaws)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isudhow
de: close (to each other), with a narrow margin
lx: isudhow
pd: (isudhowaa)
ps: adj-expr
see: isu + dhow
key: isudhow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirdhid
(Mirdhid-da)
(riyaha) ciyid.