irdhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Wax dhiilla gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdhee
v. put someone on his/her guard, make wary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhee
(fal) cabsi iyo foojignaan ku abuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdhee
de: put s.o. on his/her guard, make wary
lx: irdhee
pd: (indheeyey)
ps: v2b=
key: irdhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhayn
m.f.dh eeg irdhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miridhee
f.mg2 (-dheeyay, -dheysay) la-mid: miridhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ildheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax rafaad ka muuqdo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ildheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax rafaad ka muuqdo ahaansho. m.f.dh, ildheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ildheer
adj., idiom: looking tired ~ miserable, piteous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ildheer
-aa: (adj) see [eeg] ildaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildheer
(tilmaame) mid fiirodheer oo xasuustiisu wanaagsan tahay. Ceebla' waa gabadh ildheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ildheer
de: looking tired ~ miserable, piteous
lx: ildheer
pd: (ildheeraa)
ps: adj-idiom
xe: He looks tired. Lit: long eye
xv: Wuu ildheeryahay.
key: ildheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sardhee
f.mg2 (-dheyay, -dhaysay) Qof wax yar seexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sardhee
v. take a nap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhee
(fal) hurdo yar seexo. Dh: dhakool, biririf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sardhee
de: take a nap
initial: s
lx: sardhee
pd: (sardheeyey)
ps: v2b=intr
key: sardhee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
idée
idée, n.f. - fikrad; ra'yi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardee
(fal) eeg arday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax dhammeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax dhammeyn. m.f.dh, idlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idlee
v. complete, finish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idlee
-yey / idleysay: (v) bring to an end; terminate: finish (fin ish)', complete (kam piliit) ~ dhammee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlee
(fal) eeg idlay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idlee
cf: dhammee, marso
de: complete, finish
lx: idlee
pd: (idleeyey)
ps: v2b=
key: idlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Soor, irbe ku walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irdho
(Irdha-da)
Wax la dareemay ka digtoonaan; cabsi; dhawr; is'ilaalis; baydad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdho
m.dh Digtoonaan cabsi ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdho
f. n. wariness, state of alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdho
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi ay digtooni ku jirto.
irdho-ha: (magac, lab, keli) fiiro gaar ah iyo digtooni. Dh: feejignaan, foojignaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdho
de: wariness, state of alert
lx: irdho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: irdho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhee
(fal) eeg budee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn. m.f.dh, cadhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadhee
v. have a skin disease; contaminate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhee
(fal) ka xanaaji; ka caraysii; caree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadhee
de: have a skin disease; [fig.] contaminate
lx: cadhee
pd: (cadheeyey)
ps: v2b=
key: cadhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhee
(fal) xoog u orod oo siigo kici. Kolkaad imtixaanka dhamayso fidhee oo baabuurka gaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhee
(fal) arrin ama wax kale saamayn ku yeelo. Dh: hadhay.
hadhee: (fal) hadh u samee ama hoos u yeel. U hadhee magasha dhulku waa kulayle. Dh: hadhay, haree, haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidheh
m.dh (-hyo, m.l/dh) Xayeysiis iyo ammaan dheerad ah oo laga sheego wax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iidheh
m.dh (-hyo, m.l/dh) Xayeysiis iyo ammaan dheerad ah oo laga sheego wax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iidheh
f. n. advertisement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iidheh
-da: (n) advertisement (adhvartaayzment)-, commercial advertisement ~ xayeysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidheh
-da: (magac, dhedig, keli) xayaysiiska dadka dareenkooga lagu soo jiido; alaabo ganacsi ama wax kale oo cusub oo iib ama kiro u tagaan dadka tustusid, u sheegsheegid, adiga oo adeegsanaya qoraal ama idaacad. Dh: xayaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iidheh
de: advertisement Lit: say it for me
lx: iidheh
pd: (-da)
ps: n2a-f, n1-f
key: iidheh
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iidheh
إِعْلَانِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhoo
(fal) is ilaali oo digtoonow. Dh: cabsoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhow
irdhow¹: m.l Cararidda cabsi darteed lala cararo. la-mid: irdhoobid.
irdhow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cabsi darteed la cararid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irdhow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cabsi darteed la cararid. m.f.dh, irdhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irdhow
(fal) mid dembiile ah oo baydadsan ama cabsanaya noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhee
(fal) midho bixi, yeelo. Cambayahaw midhee dhaaxaan kaa dhursugee. Dh: midhay.
midhee: (fal) ereyo suugaan ah oo qaafiyad iyo xaraf raacle samee. Xabbad hees ah midhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadhee
f.g2 (-dheeyay, -dheysay) 1. Aafeyn. 2. la-mid: saree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindhee
f.g2 (-dheeyay, -dheysay) Ciyaar turub, haad la degey fas yar saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Sabuul qob ka qaadid. 2. Wax kala shaandhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiindhee
v. separate; ostracize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhee
(fal) wax kala huf. Dh: shaandhee.
fiindhee: (fal) guulguul oo fiiro darteed, wejiga u xumee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiindhee
cf: filfili
de: separate; ostracize
lx: fiindhee
pd: (fiindheeyey)
ps: v2b=
key: fiindhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhiye
-ha: (magac, lab, keli) qof qaswadeen ah oo meeshuu joogaba buuq iyo hadal ka abuura. Dh: qaswadeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il dheer
adj., idiom: look tired
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
il_dheer
de: look tired
lx: il dheer
ps: adj-idiom
see: ildheer
key: il_dheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ildheeri
m.dh 1. Aragti-dheer ahaansho. 2. la-mid: ildheeraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ildheeri
m.dh 1. Aragti-dheer ahaansho. 2. la-mid: ildheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ildheeri
f. n. wretched look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildheeri
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog wax ka arkid, fiiro dheer iyo garasho badan lahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ildheeri
de: wretched look
lx: ildheeri
pd: (-da)
ps: n-f
key: ildheeri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahdee
v., sg., opt. form: suppose I say; what if I say ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iraahdee
de: suppose I say; what if I say ...
lx: iraahdee
pd: (idhaahdee)
ps: v4a-1sg-pot
key: iraahdee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kixdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) cudur carruurta ku dhaca oo qufac aan kala go' lahayn leh. Kixdheer baa kaaga hacday carruurta. Dh: xiiqdheer, qixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qixdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qiixdheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibidhee
(fal) samayso sibidh ama shamiitee. Sibidhee daarada aqalka. Dh: sabadee, sibdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sindheer
m.dh.kh S. ah: gabar ku jirta da'da 15-18 sano oo aan weli hilibeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindheer
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmaha yari marka uu abaydinkana dhaafo balse weli aanu qaangaadh noqon.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tibdheer
Birta fidsan ee dheer oo isu haysa xubnaha qallactibeedka looxqallaca.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wardheer
name-f famous, well-known; celebrated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wardheer
magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo inay caan noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhaf
m.l (-fyo, m.dh) (kiimika) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhaf
m.l (-fyo, m.dh) (kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birdhaf
Alloy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhic
m.dh (-cyo, m.dh) 1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. la-mid: birdhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhic
m.dh (-cyo, m.dh) 1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. la-mid: birdhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birdhic
f. n. speckle, small speck, dot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birdhic
a: (n) [Pl. birdhicyo-da] speck (ispeek); a small round spot; dot (doot)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birdhic
de: speckle, small speck, dot
lx: birdhic
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: birdhic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhig
birdhig¹: m.l la-mid: birdhigid.
birdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid. m.f.dh, birdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhig
(fal) «u ~» marka lagu farayo inaad iska caabbin la timaadod. U birdhiga cadawgiinna oo baallaha ka gala oo baqashada dhaafa. Dh: jilibdhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhee
(fal) wax boodh marmari oo habaas ka dhig. Dh: booree, siigee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhee
f.mg2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhee
v. swell, be filled up with milk (of the udder); show signs of pregnancy (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhee
(fal) candho kuusan yeelo. Qaalin yahay waad dhawaatee candhee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candhee
de: swell, be filled up with milk (of the udder); show signs of pregnancy (of animals)
lx: candhee
pd: (candheeyey)
ps: v2b=intr
key: candhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhee
(fal) eeg caydhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhad
(Firdhad-ka)
Firdhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhad
m.l la-mid: Firdhaad; firdhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhad
vl. n. act of scattering, breaking away from a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firdhad
-ka: (n) dispersion (dis-peer-shen); scatter (iskaater); breakup, debris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhad
-ka: (magac, lab, keli) cid baxsanaysa oo kala carartay oo kala baahsan.
firdhad-ka: (magac, lab, keli) carar baqasho leh. Dh: baxsad, caymad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdhad
a: firdhasho (/da) [vn6-f]
de: act of scattering, breaking away from a group
lx: firdhad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: firdhad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhid
m.f.dh eeg firir². la-mid: firir¹, firirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhid
-da: (magac, dhedig, keli) kala yaacid; kala bixid.