inshaara-da
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Inshaara-da
signal.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Minshaar-ta
scie.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mushaharo-da
salaire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadaraandar
indhadaraandar¹: m.l 1. Wareeridda lagu wareero wax si aad u qurxoon. 2. Wax arki waayidda, iftiin xoog badan oo indhaha ku dhaca dartii wax lala arki waayo. la-mid: indhadaraandarid.
indhadaraandar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax aad u qurxoon ku wareerid. 2. Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhadaraandar
indhadaraandar¹: m.l 1. Wareeridda lagu wareero wax si aad u qurxoon. 2. Wax arki waayidda, iftiin xoog badan oo indhaha ku dhaca dartii wax lala arki waayo.
indhadaraandar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax aad u qurxoon ku wareerid. 2. Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid. m.f.dh, indhadaraandarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadaraandar
v., [compound] roll one's eyes at some great wonder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhadaraandar
-ay / tay: (v) inspire admiration or wonder; dazzle (daazel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhadaraandar
-ka: (magac, lab, keli) si fiican wax u arkiwaayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadaraandar
de: roll one's eyes at some great wonder
lx: indhadaraandar
nt: indhadaraandar (ka) [vn-m], indhadaraandarid (da) [vn-f]
pd: (indhadaraandaray)
ps: v1=cmp
key: indhadaraandar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Insaarax
(Insaarax-da)
Xoolaha dhowaan dhalay oo karreebta ah, kolkay xoolahay la foofeen kasoo cararaan oo ilmaha usoo noqdaan iyagoo caano guba hayaan oo ciya haya; eridhaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaarax
insaarax¹: m.dh U soo hiloobidda lo'da ay u soo hiloowdo dhashoodii; araasi. la-mid: ansaarax¹, araasi¹.
insaarax²: f.mg1 (-xay, -xday) Dhal u soo hiloobid (lo'). la-mid: ansaarax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
insaarax
f. n. bellow, mother animal's call for its young
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
insaarax
-a: (magac, lab, keli) codka ay lo'du samayso kolka ay weylaha aragto oo ay u mohato in uu nuugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
insaarax
a: eridhaban
de: bellow, mother animal's call for its young
lx: insaarax
pd: (-da)
ps: n-f
key: insaarax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaarid
(Ishaarid-da)
Baaqid; far ku fiiqid; astayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishaarid
m.f.dh eeg ishaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaarad
m.dh la-mid: bishaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaarad
-da: (magac, dhedig, keli) war farxad leh. Bishaarad ayaan kuu sidaa. Dh: bishaaro. bishaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) war farxad leh warramis; cid ka farxin oo wax fiican u sheegid. Warka bishaaraynta waa lala degdegaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushaarad
m.dh la-mid: bishaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bushaarad
f. n. good news, congratulations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushaarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bishaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bushaarad
a: bushaaro (/da) [n6-f]
de: good news, congratulations
lx: bushaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: bishaaro
key: bushaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inshaadid
(Inshaadid-da)
Qasiido ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inshaadid
m.f.dh eeg inshaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagarad
m.l 1. Aqoon yar oo cid loo leeyahay. 2. Qof dadka aqoon wax ugu qabta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhagarad
m.l 1. Aqoon yar oo cid loo leeyahay. 2. Qof dadka aqoon wax ugu qabta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagarad
-ka: (magac, lab, keli) dadka inta aad garanaysid oo iyaguna ku garanaya.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Indhala-ha
aveugle (n. et adj.).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Inkaaro-ha
malédiction.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mashaar-ka
leçon, projet.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaayad-da
veste.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wasaarad-da
ministère.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasarcaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid indhasarcaad ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhasarcaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid indhasarcaad ku samayn. m.f.dh, indhasarcaadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inshaa Allaah
(Expression); God willing; if humanly possible; if possible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagarasho
-da: (magac, dheddig, keli) qof, muuqiisa garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasarcaad
(Indhasarcaad-ka)
Arag bata oo aan si wanaagsan looga bogan karin; muuqaal lagu wareero; indhawareer; ilxaax; indhawiriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasarcaad
indhasarcaad¹: m.l 1. Muujin wax sidii ay ahaayeen si ka beddelan loo muujiyo. 2. Si buunbuunsan oo wax quruxdooda loo muujiyo.
indhasarcaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Wax siday ahaayeen si aan ahayn cid ugu muuqasho. 2. Wax quruxdooda si buubuunsan u muuqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhasarcaad
m.l 1. Muujin wax sidii ay ahaayeen si ka beddelan loo muujiyo. 2. Si buunbuunsan oo wax quruxdooda loo muujiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhasarcaad
v. be dazzled; get confounded; be tricked ~ duped
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhasarcaad
-ka: (n) the act of performing magic tricks, especially by sleight of hand: magic (maajik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhasarcaad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan tayo lahayn oo muuqaal wanaagsan. Dh: indhasaab,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhasarcaad
de: be dazzled; get confounded; be tricked ~ duped
lx: indhasarcaad
pd: (indhasarcaaday)
ps: v1=intr
key: indhasarcaad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Makhaayad-da
café, bar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Slyyaarad-da
visite.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashagaraddax
-da: (magac, dhedig, keli) noole yar oo calool kuusan iyo qolof adag leh oo marka ay socodka joojiso, si ay wax ruxayso is lusha. Dh: mocooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqsad
-ka: (magac, lab, keli) noole dhowaan dhashay, indhaha kala furid. Dh: indhadillaacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasarcaadid
(Indhasarcaadid-da)
Indhasarcaad ku dhicid; ilxaaxid; indhawirqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasarcaadid
m.f.dh eeg indhasarcaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasarcaadin
m.f.dh eeg indhasarcaadi. la-mid: indhasarcaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasarcaadis
m.l la-mid: indhasarcaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inshaa' Allaah
inter. God willing!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inshaa'_Allaah
bw: Arabic
de: God willing! (affirmative response to a request or question)
lx: inshaa' Allaah
ps: intj
key: inshaa'_Allaah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-shayada
de: our [exclusive]
lx: -shayada
ps: pro-det-1pl
xe: our sister
xv: =-tayada
key: -shayada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarax
ansaarax¹: m.l la-mid: insaarax¹.
ansaarax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: banaaxi², insaarax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisaarad
-da: (magac, dhedig, keli) baahi badan oo dhan waliba taabsanaysa. Dh: silic, basaas, jacdad, busaarad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bishaara
name-f good news, predictor of good news, good tidings
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Busaarad
(Busaarad-da)
Gaajo iyo arrad iyo nolol xun ku noolaad; dacas; dacdarro; rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
busaarad
m.dh Nolol gaajo, arrad iyo wixi lamida leh. la-mid: busaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
busaarad
m.dh Nolol gaajo, arrad iyo wixi lamida leh. la-mid: busaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
busaarad
f. n., [abstract] misery, poverty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
busaarad
-da: (n) distress (distarees); mental or emotional unhappiness; misery (mizari) ~ busaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaarad
-da: (magac, dhedig, keli) baahi dhan waliba taabanayso. Busaarad ku habsatay danyartii maanta. Dh: dacas, silic, dacdarro, rafaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
busaarad
de: misery, poverty
lx: busaarad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
see: busaaro
key: busaarad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hawwa-da
climat, temps.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Idaad-da
filet.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iddaarad
f. n. administration
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iddaarad
bw: Arabic
de: administration
lx: iddaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: iddaaro
key: iddaarad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ilaaq-da
dispute.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Imaaraad
-da: (n) 1. emirate (imiirat). 2. UAE [United Arab Emirates]
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaaran
Inkaar qaba; habaar qaba; habaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la inkaaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inkaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la inkaaray ahaansho. m.f.dh, inkaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inkaaran
der. [adjective] cursed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inkaaran
-aa: / inkaarnayd (adj) cursed (kersidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaaran
(tilmaame) mid dhiblaw ah oo ay inkaari ku dhacday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inkaaran
de: cursed
lx: inkaaran
pd: (inkaarnaa)
ps: adj-der
key: inkaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaarid
(Inkaarid-da)
Habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaarid
m.f.dh eeg inkaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karaahi ku ridid, habaarid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
insalata
s.f. - ansalaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intaanad
conj., vl. pron. before you ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
intaanad
(conjunction plus pronoun) before you... intaadan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intaanad
de: before you ...
lx: intaanad
ps: conj + vpro
xe: Before you give me the money, tell me where you got it from. = inta + aan + aad
xv: Intaanad lacagta i siin, ii sheeg meesha aad ka keentay.
key: intaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irsaaqad
(Irsaaqad-da)
Irsiq, irsaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irsaaqad
m.dh la-mid: arsaaqad, irsaaq¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irsaaqad
-da: (n) means needed to provide the necessities of life: livelihood (laayvli-huudh); sustenance (sas-tanans); alms (aamiz) living, maintenance, subsistence, support
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irsaaqad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg irsaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minaarad
m.dh la-mid: munnaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis bed kooban qaata oo masaajidda laga garab dhiso oo inta la dheereeyo aadna loo qurxiyo oo makarafoonnada la duldhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaarad
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon looxaan iyo wixii laga sameeyo ku saabsan. Najaarad nin yaqaan ma qado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nijaarad
-da: (magac, dhedig, keli) goobta farsamada alwaaxda lagu sameeyo. li tilmaan nijaarad qalab fiicani yaal. Dh: najaarad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saarayya
ôter, mettre.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanca-da
industrie.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaag-ga
roue.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahida
name-f witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaaraqo
f.g3 (-qaday, -qatay) Neef ishkin ah waqti abaar ah qalasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Shaqo-da
profession.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasaarad
(Wasaarad-da)
Qaybaha waaweyn oo taliska qaranku u qaybsamo oo wasiir u madax yahay, middood; (ama wasaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasaarad
m.dh (-do, m.l) Qaybaha waaweyn ee taliska dawlad u qaybsamo oo wasiir u madax yahay middood; wasaaro.