insaarixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Insaarixin
(Insaarixin-ta)
Insaarax ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaarixin
m.f.dh eeg insaarixi. la-mid: ansaa-rixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaarixi
f.mg2 (-iyay, -isay) Hilow muujis (lo'). la-mid: ansarixi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
insaarixi
v. bellow ~ call for one's young (of mother animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
insaarixi
(fal) xoolo, kolkaad daaqa ka timaad ee aad ilmaha aragto, ci' oo u hollo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
insaarixi
de: bellow ~ call for one's young (of mother animal)
lx: insaarixi
pd: (insaarixiyey)
ps: v2a=
key: insaarixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarixin
m.dh la-mid: banaaxiyid, insaarixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaarixid
m.f.dh eeg insaarax². la-mid: ansaa-rixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarixid
m.f.dh la-mid: banaaxiyid, insaarixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaar
madaar¹: m.l 1. Gadgaddoonka iyo taaha uu qof buka sameeyo xanuun awgiis. 2. Cida ay sameeyaan xoolo ilmohooda u soo insaarixinaya.
madaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Qof buka, xanuun awgiis taah iyo gadgaddoon samayn. 2. Xoolo ilmohooda u soo insaarixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baa
ereycodeed lo'du samayso markay insaarixinayso ama ciyeyso. Baada lo'da ayaan hurdada kaga toosay.
baa: (qurub) falkaab ah oo diiradeeya magacda weedha ku jirta sida ereyada kale ee la midka ah ee 'ayaa' iyo 'waa'. Bulxan baa baabuurka leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwid
-da: (magac, dhedig, keli) balwo barasho.
balwid -da: (magac, dhedig, keli) dibi, insaarixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirdhid
-da: (magac, dhedig, keli) insaarixin; ciyid. Dh: karshad.
mirdhid-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho. Dh: daxalaysad, midhidhid, ruujimoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarixin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka baryood xilligii la iibsan lahaa ama la cuni lahaa dhaafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Insaarax
(Insaarax-da)
Xoolaha dhowaan dhalay oo karreebta ah, kolkay xoolahay la foofeen kasoo cararaan oo ilmaha usoo noqdaan iyagoo caano guba hayaan oo ciya haya; eridhaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaarax
insaarax¹: m.dh U soo hiloobidda lo'da ay u soo hiloowdo dhashoodii; araasi. la-mid: ansaarax¹, araasi¹.
insaarax²: f.mg1 (-xay, -xday) Dhal u soo hiloobid (lo'). la-mid: ansaarax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
insaarax
f. n. bellow, mother animal's call for its young
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
insaarax
-a: (magac, lab, keli) codka ay lo'du samayso kolka ay weylaha aragto oo ay u mohato in uu nuugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
insaarax
a: eridhaban
de: bellow, mother animal's call for its young
lx: insaarax
pd: (-da)
ps: n-f
key: insaarax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixin
m.f.dh eeg naajixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ama wax kale, naajixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dersi jeedin; cashar dhigid. Dh: cashardhigid, casharbixis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MUSHAAR BIXIN
Pagamento dei salari
Salary payment
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ansaari
name-m my helper
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaxin
m.dh (qaanuun) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaxin
m.dh (qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ansaxin
-ta: (n) ratification (raatifikeeyshiri) ~ aqbalaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la qabtay oo camal wanaagsan ah, oggolaanshaheega iyo aqbalaaddeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansixin
(Ansixin-ta)
Ansax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixin
m.f.dh eeg ansixi. la-mid: ansixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixin
-ta: (magac, dhedig, keli) ansax ka dhigid: go'aan yeeliddii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarixi
(fal) ka dhig wax baarixiyoobay ama la iibsan waayay. Baarixi badeecaddaada, berri bay qaaliyoobaysaaye.
baarixi -ga: (magac, lab, keli) wax la iibinayey oo habeen ka dumay; badeecad maalintii loogu talo galay iibsami weyday oo subaxii danbe la lib keeno. Dh: baari, baryood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isasiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isu hibeeyo oo la isu gudbiyo.
isasiin -ta: (magac, dhedig, keli) wiil iyo gabadh isu guurin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isqarin
Camouflage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax naajax ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixi
(fal) arrin ama wax kale, guul ka dhig.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sabriin
name-f patient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taariin
-ka: (magac, lab, keli) laalniin oo meel sare saaritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarax
ansaarax¹: m.l la-mid: insaarax¹.
ansaarax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: banaaxi², insaarax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan; farxad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagixin
m.dh la-mid: gaaggixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagixin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef godladay, wax caanaha ku celiya, samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaaran
Inkaar qaba; habaar qaba; habaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la inkaaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inkaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la inkaaray ahaansho. m.f.dh, inkaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inkaaran
der. [adjective] cursed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inkaaran
-aa: / inkaarnayd (adj) cursed (kersidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaaran
(tilmaame) mid dhiblaw ah oo ay inkaari ku dhacday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inkaaran
de: cursed
lx: inkaaran
pd: (inkaarnaa)
ps: adj-der
key: inkaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaarid
(Inkaarid-da)
Habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaarid
m.f.dh eeg inkaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karaahi ku ridid, habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insuliin
m.l (-no, m.dh) (daawo) Hormoon brotiin ah, oo ay dhiiqaan ilaha langerhan ee ganaca, kaa oo horumariya qaadashada glukows ay qaadanayaan unugyada jidhku, iyo weliba ku-xukumidda ribanaanta dhiigga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
insuliin
m.l (-no, m.dh) (daaw.) Hormoon brotiin ah, oo ay dhiiqaan ilaha langerhan ee ganaca, kaa oo horumariya qaadashada glukows ay qaadanayaan unugyada jidhku, iyo weliba ku-xukumidda ribanaanta dhiigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
insuliin
-ta: (magac, dhedig, keli) hormoon uu bankariyaasku sii daayo oo jidhka u xoojiya camalfalka sonkorta iyo wixii la xidhiidha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxin
m.f.dh eeg islaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrixin
(Kawrixin-ta)
Kawrax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixin
m.f.dh eeg kawrixi. la-mid: kawrixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixin
-ta: (magac, dhedig, keli) kawrax ka dhigid. Dh: kafafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixid
m.f.dh eeg naajax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naajax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqisin
m.dh la-mid: naaqusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqisin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuxay, wax ka naaqusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nalbixin
vl. n., [compound] electrification
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nalbixin
de: electrification
lx: nalbixin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
syn: korontofidin
key: nalbixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaricin
(Raaricin-ta)
Laallaadin; lalmin; lulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaricin
m.f.dh eeg raarici. la-mid: raaricis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raaricin
-ta: (n) the act of dangling or suspending freely downwards ~ laallaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaridin
-ta: (magac, dhedig, keli) barid oo si wanaagsan u fahamsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'idin
-ta: (magac, dhedig, keli) intii la rabay wax ku sii darid, kordhin. Dh: siyaadin, kordhin.
saa'idin -ta: (magac, dhedig, keli) marka shay in dheeraad ah lagu daro. Dh: kordhin. Li: raajicin. saa'iraad-da: (magac, dhedig, keli) ka dhimid ama u fududayn. Dh: jabin. Li: qaaliyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof meel ka safarin, qasab kaga socdaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamixid
(Saamixid-da)
Cafiyid; denbidhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamixid
m.f.dh eeg saamax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamixid
-da: (magac, dhedig, keli) cafiyid; u denbidhaafid; saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saardiin
m.l (-nno, m.dh) Kalluun badeed lullumada u eg oo badanaa la qasacadeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saardiin
m.l (-nno, m.dh) Kalluun badeed lullumada u eg oo badanaa la qasacadeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarniin
vl. n. putting, act of placing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg saarnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarniin
de: putting, act of placing
initial: s
lx: saarniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: saarniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saayidin
(Saayidin-ta)
Saayid ka dhigid; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saayidin
m.f.dh eeg saayidi. la-mid: saa'idin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidin
-ta: (magac, dhedig, keli) saayid ka dhigid. Saayidin saliidda igu dar. Dh: kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharixid
m.dh la-mid: sharxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharixid
-da: (magac, dhedig, keli) sharax u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalixin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaadid ama tuugo aan waxba laga tegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, socdaal u diiyaarin oo sahay uu ku jidmaro siin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
insaanimo
-insaanimada: (n) humanitarian (hiyuuman-teeriyan); humanity (hiyuumaaniti) ~ binii-aadanimo samafal. Ex: insaanimo darteed baan u sameeyey; / did it for humanitarian purposes
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Insaaniyo
(Insaaniya-da)
Dadnimo (ama Insaaniyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
insaaniyo
m.dh la-mid: insaaniyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Istarliin
pr. n., [feminine] Istarlin, 'Sterling'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istarliin
m. n., [collective] sterling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Istarliin
-ka: (n) sterling (isteerling); British money
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaarijin
m.f.dh eeg khaariji. la-mid: khaarijis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaarijin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dilid ama nafta ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaakiin
m.dh.w eeg miskiin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaakiin
f. n., pl. poor people, beggars
masaakiin m. n. harmless unprotected man ~ woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaakiin
-ta: (n) the poor; the have-nots; the disadvantaged people
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaakiin
-ta: (magacwadareed) dad aan waxba haysan ama waxa ay haystaani aanu ku fillayn. Masaakiin u roonoow Muxammadoow. Dh: caydh.