inqilaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inqilaabid
m.f.dh eeg inqilaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inqilaab
(Inqilaab-ka)
Afgenbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inqilaab
inqilaab¹: m.l (-byo, m.dh) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab²: f.g1 (-bay, -btay) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inqilaab
inqilaab¹: m.l (-byo, m.dh) Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab²: f.g1 (-bay, -btay) Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin. m.f.dh, inqilaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inqilaab
m. n. insurrection, coup d'etat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inqilaab
-ay / tay: (n) overthrow (o var-tharow); topple (tapal)
inqilaab -ka: (n) coup d'etat (kuu de taa); coup (kuu). —inqilaab dhicisoobay: abortive coup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inqilaab
-ka: (magac, lab, keli) xukunka iyo maamulka rid oo tuur. Dh: afganbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inqilaab
bw: Arabic
de: insurrection, coup d'etat
lx: inqilaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: inqilaab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
overthrow
/owvar-throw/ overthrown: (v) ridid (inqilaabid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgembiyid
-da: (magac, dhedig, keli) samaynta inqilaab talada lagaga xayuubinayo taliskii hore oo mid cusub loogu wareejinayo, iyada oo xoog millateri la adeegsano. Afgembiyidda waataan arkeen eednay berigiiye, miyaa aayar la iskula hadloo edebta loo joogo. Dh: inqilaabid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
culbuter
culbuter, v. - Ridid; Inqilaabid; Ka badin,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
renverser
renverser, v. - kala rogid; lid; qallibid; fadqalalayn; ridid; inqilaabid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ruiner
ruiner, v. - ridid; inqilaabid; ka badin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vaincre
vaincre, v. - qabsasho; xoog ku qabsi; jebin; la guulaysi; ku ciyaar badin ama ka ciyaar roonaan; ka guleysi; ridid; inqilaabid; ka badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minfilaadid
m.f.dh eeg minfilaad². la-mid: minfilaad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaabid
(Bilaabid-da)
Bilaw u yeelid; ku dhaqaaqid; abuurid; curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabid
m.f.dh eeg bilow². la-mid: billaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax unkamo u yeelid. Bilaabid fiican baad ku bilowday. Dh: dhaqaajin, curin, ambaqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qilaafid
-da: (magac, dhedig, keli) af garan waayid: ka hor jeesasho cid laga horjeesto iyada oo wax lagu diiddan yahay. Is qilaafid kuma maqal labadii shirkadda wada lahayd. Dh: khilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Intifaacid
(Intifaacid-da)
Wax ka dheefid; wax ku qabsasho; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intifaacid
m.f.dh eeg intifaac². la-mid: intifaac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
intixaanid
m.dh la-mid: imtixaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
intixaanid
-da: (magac, dhedig, keli) shirrabid; itixaan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddillaabid
m.f.dh eeg ciddillaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) qayladhaan iyo canaan wada socda oo dad lagu guubaabiyo ama foojignaan fara badan oo qofku la fuloobo. Dh: qaylodhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhtilaafid
(Ikhtilaafid-da)
Isweydaarasho; ismaandhaafid; (arrin) isku diidid; (ama iskhilaafid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhtilaafid
m.f.dh eeg ikhtilaaf². la-mid: iskhilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasaabid
(Indhasaabid-da)
Indhaha sacabbo ama wax kale ku daboolid; indhasaab ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabid
m.f.dh eeg indhasaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskhilaafid
m.dh la-mid: ikhtilaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isxilqaamid
(Isxilqaamid-da)
Xil isa saarid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isxilqaamid
Perseveranza
Perseverance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaabid
(Ijaabid-da)
Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaabid
m.f.dh eeg ijaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqid
(Ilaaqid-da)
1. Murmid; doodid; jiriibbamid (ama cilaaqid).
2. Arkid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqid
m.dh la-mid: cilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, si aan dhab ahayn ula marmid; si kaftan ah ugu dheeldheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildabid
-da: (magac, dhedig, keli) il isku qabasho ujeeddo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilaaqid
(Cilaaqid-da)
Hadal cilaaq ah, kula hadlid; muran ka horkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqid
m.f.dh eeg cilaaq². la-mid: ilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cilaaq ah, kula hadlid; muran ka horkeenid. Dh: ilaaqid, murmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciqaabid
(Ciqaabid-da)
Eedsiin; ka goyn; kajeebid; yakayn; ganaaxid; khasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciqaabid
m.f.dh eeg ciqaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciqaabid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale oo gaboodfal samaysay, ka goyn ama ganaaxid. Dh: ganaaxid, khasiraad, garraaxid, ciqaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaabid
(Dalaabid-da)
Dalqalaad iska aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow¹. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye aadid oo xuduudda ama badaha ka tallaabid. Dh: tallaabid, dhoofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
icraabid
m.f.dh eeg icraab². la-mid: icraabin, icraabis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaamid
(Iidaamid-da)
Cunnada iidaan u yeelid, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaamid
m.f.dh eeg iidaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaawid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkaarid
(Inkaarid-da)
Habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkaarid
m.f.dh eeg inkaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karaahi ku ridid, habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkiraad
m.dh la-mid: inkirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inkiraad
-da: (n) refusal to admit; denial (dinaayel); negation (negeeyshen) ~ dafiraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkiraad
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad wax ka ogtahay ama aad garanayso ama adiguba fashay, diidid. Dh: dafiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaamid
(Islaamid-da)
Diinta Muslimiinta soo gelid; Muslin noqosho; muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaamid
m.f.dh eeg islaan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaaxid
(Islaaxid-da)
Islaax ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxid
m.f.dh eeg islaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isqaamid
(Isqaamid-da)
Is xilqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaabid
m.f.dh eeg jinaab. la-mid: junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaabid
-da: (magac, dhedig, keli) jinaabo yeelad oo cid u galmood ama biyo keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalid
m.f.dh eeg milaal². la-mid: milaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u buuxin oo tirrijin. Dh: miijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxid
(Nikaaxid-da)
Nikaax samayn; guursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxid
m.f.dh eeg nikaax². la-mid: nikaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nikaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meher samayn, guursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabid
m.f.dh eeg qaraab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaasid, beegid, cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qisaasid
(Qisaasid-da)
Qisaas ku qaadid, siiba qof qof diley oo la dilayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qisaasid
m.f.dh eeg qisaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qisaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qof qisaas ku fulin. Qisaasidu waa sharci diini ah. Dh: dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiyaasid
(Qiyaasid-da)
Qiyaasta wax lee yihiin sheegid, cabbirid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiyaasid
m.f.dh eeg qiyaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiyaasid
-da: (magac, dhedig, keli) inta uu noqon karo maanka ka cabbirid oo qaddar aan la hubin u malayn. Dh: malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiraabid
(Tiraabid-da)
Tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiraabid
m.f.dh eeg tiraab³. la-mid: tiraab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiraabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xijaabid
(Xijaabid-da)
1. Xijaab u yeelid, ku gudbid.
2. Qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xijaabid
m.f.dh eeg xiijaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xijaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xirsi xijaab u samayn oo duco iyo qur'aan akhrisasho si shar laga bagayo looga badbaado. Dh: xijaabis.
xijaabid-da: (magac, dhedig, keli) xijaab u xidhid Dh: asturid, xijaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xisaabid
(Xisaabid-da)
Tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaabid
m.f.dh eeg xisaab². la-mid: xisaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisaabid
-da: (magac, dhedig, keli) shay inta uu tira ahaan yahay iyo inta ku biirtay ama ka go'day tirin oo xaddidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabmid
m.f.dh eeg bilaaban. la-mid: billaabmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax bilawday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabid
m.dh la-mid: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabid
-da: (magac, dhedig, keli) gudagalidda hawl hor leh. Billaabidda hawsha adaa lagaa sugayaa billaabmid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo samayn, curasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilqabid
(Ciilqabid-da)
Ciil cid u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilqabid
m.f.dh eeg ciilqab². la-mid: ciilqab¹ (2).