inix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inix
m.l la-mid: iniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinix
-a: (magac, lab, keli) faraska da'da yar.
dinix-a: (magac, lab, keli) noolaha sar yaraanta u dhasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniq
(Iniq-da)
Wax aan badnayn; xoogaa; wax yar; (ama ciniq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iniq
m.dh la-mid: ciniq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iniq
f. n. remnant, small amount of something left over ~ set aside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iniq
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badnayn; Dh: waxoogaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iniq
a: ciniq
de: remnant, small amount of s.t. left over ~ set aside
lx: iniq
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: iniq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidix
(Bidix-da)
Qof woqooyi u jeeda docdiisa galbeed ku abbaaran oo ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan; docda midigta u tusmaysan, oo wadnuhu ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidix
m.dh Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidix
m.dh Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidix
f. n. left (hand ~ side)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidix
-da: (n) 1. left side (leftsaaydh) 2. left-hand ~ gu -ta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidix
-da: (magac, dhedig, keli) labada gacmood ee aadamahu leeyahay, ta dadka badidiisu aanay aad wax ugu qabsan ee marka woqooyi loo jeedsado gacanta dhanka galbeed ku taal. Timo boqonta joogoo, baal gorey la moodoo, baarkana casaankii, bidix midig is gaadhoo. Dh: bida, gur. Li: midig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidix
de: left (hand or side) Opp: midig
lx: bidix
pd: (-da)
ps: n2-f
syn: gur
key: bidix
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bidix
يُسْرَى، يَسْرَة، مَيْسَرَةً، شِمَال
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Binin
name-m small; tiny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
binis
-ka: (magac, lab, keli) siligyada mareegta marka uu dahaadhku ka dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciniq
(Ciniq-da)
In yar; xoogaa soo haray; hanbo; qarroor; (ama iniq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniq
m.dh 1. In yar oo dheeraad ah oo la siiyo qof wax gatay. 2. Hambo. la-mid: iniq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciniq
m.dh 1. In yar oo dheeraad ah oo la siiyo qof wax gatay. 2. Hambo. la-mid: iniq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciniq
f. n. scrap, left-over, remnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniq
-da: (magac, dhedig, keli) in yar; wax yar. Dh: xoogaa, qarroor, iniq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciniq
bw: iniq
de: scrap, left-over, remnant
lx: ciniq
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: hambo ~ hanbo
key: ciniq
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
finir
finir, v. - dhammaansho; dhammayn; idlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firix
-da: (magac, dhedig, keli) rafasho iyo firixfirixlayn. Dh: rafad, firixfirix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ginin
-ka: (magac, lab, keli) wax aan buurnayn oo laxaad yar. Dh: xuus, dhuuban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinif
(tilmaame) wax dhammayn ama weel faaruqin. Halaqyaa na qaniinayoo, waabay baan hinif siinnayoo... Dh: fuuqsi. Li: hanbayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Index
Muujiye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
index
/indhekis/ (n) 1. tusmo alifbeeto ku socota oo buugta ugu dambaysa. 2. hab-xisaabeed lugu miisaamo inta sicirku, ama qiimuhu kor u kacay (ama hoos)~ tusmaynta sicirka. e.g. The cost of living index.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Index
Tiro tax, Index
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
index
index, n.m. (doigt) - farta; murugsato.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
India
n., ardal Hindi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iniif
v. make even, even up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iniif
de: make even, even up With preposition ku
lx: iniif
pd: (iniifay)
ps: v1=expr
key: iniif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniin
(Iniin-ta)
Abuur yar oo adag; lafta miraha; hal ciid ah ama badar ama wixii kaloo sidaas u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iniin
f. n. grain, seed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iniin
-ta: (n) [iniino-ha] seed (siidh); nut (nat); pip (pip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iniin
-ka: (magac, lab, keli) subagga burcadka ah ee mar soo baxa. Dh: burcad.
iniin-ta: (magac, dhedig, keli) laf yar oo ku jirta midhaha dhexdiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iniin
cf: daafi
de: grain, seed
lx: iniin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: iniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iniin
حَبَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Injir
(Injir-ta)
Bahalhoosaad yaryar oo aan baalal lahayn oo dadka aan aad u hufnayn timaha iyo dharka ka gala oo dhiigga dadka ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
injir
m.dh Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
injir
m.dh Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
injir
f. n., [collective] lice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
injir
-ta: (n) louse (laws) ~ qandhicil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
injir
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo ku dulnool noole kale oo dhiigga ka jaqda oo badanaa ku dhalata timaha ama dhogorta iyo dharka wasakhda ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
injir
de: lice
lx: injir
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: injir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
injir
قمْلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkir
(Inkir-ka)
Asaraar; dafir; qirashaddiid; ogaaldiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkir
inkir¹: m.l 1. Dafiraad. 2. la-mid: inkirid.
inkir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
inkir
inkir¹: m.l Dafiraad.
inkir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid. m.f.dh, inkirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inkir
v. disclaim, deny (evidence), lie; negate; ignore
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inkir
-ay / tay: (v) deny (dinaay); reject (ri-jakt); negate (negeeyt); disaffirm (dis-a-feerm), disclaim (dis-kaleeym); declare untrue; deny flatly ~ dafir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkir
(fal) wax aad wax ka ogtahay ama aad garanayso diid. Inuu warka sheegay isagu, odaygu wuu inkiray. Dh: dafir. Li: oggolaw, qir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inkir
bw: dafir {C & S < Arb}
de: disclaim, deny (evidence), lie; negate; ignore
lx: inkir
nt: inkir (ka) [vn-m] 'denial, negation'
pd: (inkiray)
ps: v1=tr
key: inkir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
intii
conj. since, from the time; while, until
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
intii
(conjunction) during the time that: while (waayl). Ex: intii aan ku sugayey; bay timid; she came, while I was waiting for you
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
intii
de: since, from the time; while, until
lx: intii
ps: conj
key: intii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirix
(fal) jarjar oo budo iyo sonkor camal ka yeel. Dh: budli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milix
m.l Cusbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milix
m.l Cusbo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Milix
Salt
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milix
m. n.-mass: salt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milix
-ka: (n) salt (soolt)-, common salt, table salt ~ cusbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milix
-da: (magac, dhedig, keli) cusbo dhanaan oo biyaha badda laga sifeeyo cuntadana lagu darsado. Hadal aan run lahayn waa cunto aan milix lahayn. Dh: cusbo, sooguddo, cadcad.
milix-da: (magac, dhedig, keli) xanuun dadka ku dhaca gaar ahaan dumarka uurka leh oo barbarariya oo milixda ay cunaan ku siyaada. Gabadhu milix hadday leedahay dhakhtarka ha loo sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milix
bw: Arabic
de: salt
lx: milix
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m/f-mass
syn: cusbo
key: milix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minii
xi. Haddii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minit
-ka: (magac, lab, keli) qiyaas wakhtiyeed oo ah hal saac oo lixdan meelood loo gaybshey meel ka mid ah oo u dhiganta lixdan ilbidhiqsi ama seken. Eedaanku wuxu socda shan minit. Dh: miridh, midhidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirix
-a: (magac, lab, keli) ninka ciidan duulaya ugu sarreeya ee hoggaminaya. Dh: abbaanduule.
mirix -a: (magac, lab, keli) ninka geeljiraha ugu sarreeya ee loo yaqaan iineytaha. Dh: iineyte.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ribix
(Ribix-a)
Faa'ido; korsaar; dulsaar; dheef; jil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribix
ribix¹: m.l Faa'iidada wax laga helo.
ribix²: f.mg1 (-bxay, -bixday; -bixi) Wax faa'iido ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ribix
ribix¹: m.l Faa'iidada wax laga helo.
ribix²: f.mg1 (-bxay, -bixday; -bixi) Wax faa'iido ka helid. m.f.dh, ribxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ribix
m. n. profit
ribix: v. take interest, make a profit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ribix
a: (n) profit (porofit); benefit (benafit); gain (geeyn) ~ faa'iido, macaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribix
-a: (magac, lab, keli) faa'iido laga helo xoolo lagu baayacmushtaro. Dh: macaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidix
(Sidix-a)
Ilmo dhashay oo murjuc ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidix
m.l (sidixyo, m.dh) 1. Harag aan dhogor lahayn. 2. S. ah: ilmo yaroo markaas dhashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidix
m. n. newborn child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidix
(tilmaame) ilmo dhawaan dhashay oo muje ah. Waxay gabadhu sidatay ilmo sidix ah. Dh: murjuq, mojo, biyo, mujo. Wa: sidixyo.
sidix-a: (magac, lab, keli) ilmo dhashay oo murjuc ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidix
de: newborn child
initial: s
lx: sidix
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: sidix
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siniq
-da: (magac, dhedig, keli) boodista kolba dhinac loo sannaadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibix
-a: (magac, lab, keli) xubnaha uu ka kooban yahay tibaax aljebre amma isle'eg. Tibaax aljebre (2a+b) wuxu ka kooban yahay labo tibix oo kala ah 2a iyo b.
tibix-da: (magac, dhedig, keli) bar yar, tibix yar oo biyo ah ayaa ku dhacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirix
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa saxarku isha ku dhex sameeyo. Wixii isha iga galay wirix ayuu iga dhex leeyahay oo wuu xanuuninayaa.
wirix-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu cabbiro rafashada qosol lala galgasho, xalay oo dhan ayaan wirixda haynnay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xinif
(Xinif-ta)
Colaad yar oo qarsoon oo labo qof ama ka badan dhex taal; hooskatuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xinif
m.dh Is necbaan yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xinif
m.dh Is necbaan yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xinif
f. n. hidden spite, grudge, rancor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xinif
-ta: (n) long-lasting resentment; ill feeling; hostility (hos-tiliti)-, enmity (en-miti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinif
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u itaal daaran oo caato ah. Dh: xiid, caato..
xinif-ta: (magac, dhedig: keli) xumaan hoose oon soo shaac bixin oo laba qof ama laba kooxood u dhaxaysa. Labo xinif hori u dhaxayso xumaani kama dhammaato. Dh: hooskatuur, xiniftan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xinif
de: hidden spite, grudge, rancor
initial: x
lx: xinif
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: xinif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yilix
(tilmaame) wax qoyan oo biyo badan ah. Xooluhu waxay daaqaan tigaad yilix ah. Li: engeg.
yilix-a: (magac, lab, keli) qoyaan biyo badan. Go' yilix ah ha ku tukan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinnix
m.l la-mid: dhannax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finixsi
(Finixsi-ga)
Finixsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finixsi
m.l la-mid: finixsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finixsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg finixsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finixso
f.mg3 (-saday, -satay) Dood ama hadal hore oo loo qaadan waayey daba socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finixso
v. continue to argue in order to get one's own way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finixso
(fal) hadal iyo wixii la mid ah oo laga samri waayey, ka dabatag ama tixraac.