indhoshareer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
indhoshareer
نقاب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhashareer
(Indhashareer-ka)
Masar ama dhuub kaloo maro ah oo wax laga arki karo, oo dumarku wejiga ku xirtaan, ku shareertaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhashareer
m.l (-rro, m.dh) Masar ama duub kale oo maro ah oo wax laga arki karo oo ay dumarka muslimka ahi wejiga ku detaan. la-mid: indhashareerad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhashareer
m.l (-rro, m.dh) Masar ama duub kale oo maro ah oo wax laga arki karo oo ay dumarka muslimka ahi wejiga ku detaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhashareer
m. n., [compound] veil (worn by Muslim woman)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhashareer
-ta: (n) yashmak also yashmac; chador (jadoor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhashareer
-ka: (magac, lab, keli) daah wejiga la iska saaro oo lagu qariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhashareer
de: veil (worn by Muslim woman)
lx: indhashareer
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: indhashareer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhashareero
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. We-jiga wax qariya saarasho. 2. Indhasharo samaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhashareero
v. veil (oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhashareero
(fal) wejiga daah iska saar oo dabool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhashareero
de: veil (oneself)
lx: indhashareero
pd: (indhashareertay)
ps: v3b=intr
key: indhashareero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhashareerad
m.l 1. la-mid: indhashareero. 2. la-mid: indhashareerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhashareeran
Indhashareer ku xiran yahay; la indhashareeray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhashareeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax indhashareer qaba ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhashareeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax indhashareer qaba ahaansho. m.f.dh, indhashareernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhashareeran
der. [adjective] veiled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhashareeran
de: veiled
lx: indhashareeran
ps: adj-der
key: indhashareeran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhashareerid
-da: (magac, dhedig, keli) daah wejiga saarid oo ku qarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indha'shareeran
(tilmaame) qof maro wejiga ku qariyay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
indossare
v.tr.- labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax meel fog wax ka arka ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-habeeno
-ah: (adj) shortsighted (shoort-saaytidh); nearsighted (niyarseeytidh); myopic (maayoopik) ~ arag gaaban, indhahabeeno
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afshareer
m. n. mask
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afshareer
de: mask
lx: afshareer
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: shereero
key: afshareer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhabeel
-ay / indhabeeshay: (v) become blind. Ex: odagii wuu indhabeelay; the old man became blind
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Indhadeeq
pr. n., [feminine] Indadek
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Indhadeeq
nickname; name-f pleasing to the eyes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Indhadeeq
magac loo baxsho gabadh dhinac kasta indho buuxis leh oo qurux iyo edeb isku darsatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Indhadeeq
de: Indadek Lit: satisfying to the eyes
lx: Indhadeeq
ps: name-f
key: Indhadeeq
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Indhayare
nickname-m small-eyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Indhayare
magac ama naanays loo baxsho wiil indhihiisu yaryaryihiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af shareer
-ta: (n) gas mask (gaas-maask) ~ maasgaro
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indholaawe
m. n. blind person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indholaawe
a: indhalaawe
de: blind person
lx: indholaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: indholaawe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
indiscreet
/indhiskriit/ (adj) aan sir iyo taxadar midna lahayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ingrossare
v.tr. - buurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandhareer
(Mandhareer-ka)
Wax sida xabag la qooyey u layiig ah oo is-hays-haysta oo dhegdheg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandhareer
m.l Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandhareer
m.l Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandhareer
m. n. sticky ~ viscous substance; viscosity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhareer
-ka: (magac, lab, keli) hunqaaco sida xabag la qooyey u layiig ah oo is haysata ah. Dh: balqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandhareer
de: sticky ~ viscous substance; viscosity
lx: mandhareer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mandhareer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodshareer
(Foodshareer-ka)
Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa time ku lahayn, timo ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodshareer
m.l (-rro, m.dh) 1. la-mid: foodsaar 1 (3) 2. Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa timo ku lahayn, timo ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foodshareer
m. n., [compound] hair growing low over the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodshareer
-ka: (magac, lab, keli) timaha intooda foodda soo dhaafta oo salxaha wejiga intiisa bannaan soo kooba.
foodshareer-ka: (magac, lab, keli) cawska aqalka lagu xidho fooddiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foodshareer
de: hair growing low over the face
lx: foodshareer
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: foodshareer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolshareer
m.l Timo wejiga qofka qaybtiisa sare ka soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadheeri
m.dh Arkidda meel fog wax laga arko. la-mid: indhadeeraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhadheeri
m.dh Arkidda meel fog wax laga arko.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhosaaban
-aa: (adj) blindfolded (balaaynfooldidh) ~ indhaduuban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhowgarad
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garasho dheer lahayn. Li: indheergarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhahabeeno
(Indhahabeena-da)
Aragga ishoo xummaada oo wixii fog aan dhab u arki karin oo ciiro isku rogto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhahabeeno
m.dh Cudur indhaha ku dhaca oo aysan habeenkii si wanaagsan wax u arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhahabeeno
m.dh Cudur indhaha ku dhaca oo aysan habeenkii si wanaagsan wax u arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhahabeeno
f. n., [collective] dim ~ weak sight, inability to see in dimly lit areas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhahabeeno
-indhahabeenada: (n) shortsighted (shoort saaytidh); nearsighted (niyarseeytidh); myopic (maayoopik) ~ arag gaaban, indha-habeeno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhahabeeno
-da: (magac, dhedig, keli) si fiican. wax u aragla'aanta habeenka. Guuleed indhahabeeno ayuu leeyahay oo si fiican kuu garan maayo. Dh: habeeno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhahabeeno
de: dim ~ weak sight, inability to see in dimly lit areas
lx: indhahabeeno
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: indhahabeeno
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDDI-SHABEEL
(Idi-shabel) S Capparis sepiaria L. Capparidaceae.
May Meyna tetraphylla (Hiern) Robyns. Rubiaceae.
May Cissus furcifera Chiov. Vitaceae.
S, C Ziziphus mucronata Willd. Rhamnaceae.
S, NFD Combretum aculeatum Vent. Combretaceae.
S Albizia anthelmintica Brongn. Mimosaceae.
S Adenopodia rotundifolia (Harms) Brenan. Mimosaceae.
May Euphorbia tirucalli L. Euphorbiaceae.
May Asparagus africanus Lam. Liliaceae.
May Asparagus somalensis Chiov. Liliaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enthousiasmer
enthousiasmer, v. - la farax galiyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
inhospitalier
inhospitalier, adj. - aan soo dhawayn lahayn; aan martigalin lahayn.