indhagaduudso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. la-mid: indhacasayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. m.f.dh, indhagaduudsasho. la-mid: indhacasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagaduudso
(fal) muddo yar oo gaaban seexo. Dh: indhacasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudsi
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudsad
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudi
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudsasho
m.f.dh eeg indhagaduudso. la-mid: indhacasaysad, indhacasaysasho, indhacasasaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-guduudsi
-ga: (n) a brief sleep, often during the day; nap (naap); doze (dhawz) —indha-guduud-saday / indha-guduusatay: (v) nap (naap); doze (dhawz)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddiyagaduudshe
m.l Geed nagaar yar oo leh xididdo dhuudhuuban oo ciddiyaha lagu guduudsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadduub
(Indhadduub-ka)
Duub maro ah ama wax kale oo indhaha lagu duubo si ayan wax u arag; indhasaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadduub
indhadduub¹: m.l (-byo, m.dh) Maro iyo wixi lamida oo indhaha lagu duubo si aan wax loo arag.
indhadduub²: f.g1 (-bay, -btay) Cid si ayan wax u arkin indhaha wax uga duubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadduub
m. n., [compound] blindfold
indhadduub v. blindfold
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagarad
m.l 1. Aqoon yar oo cid loo leeyahay. 2. Qof dadka aqoon wax ugu qabta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhagarad
m.l 1. Aqoon yar oo cid loo leeyahay. 2. Qof dadka aqoon wax ugu qabta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagarad
-ka: (magac, lab, keli) dadka inta aad garanaysid oo iyaguna ku garanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) indhakuul marsasho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhakuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) Indhakuul marsasho (cid). m.f.dh, indhakuulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhakuulo
(fal) indhakuul indhaha marso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacadiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Dacdiid u seexasho. la-mid: dhacdiidso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacadiidso
v. lie ~ sleep on one's back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacadiidso
(fal) jirjirka u seexo; dhacadiid u jiifso. Hadhka dhacadiidso inta qureeca la keenayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacadiidso
de: lie ~ sleep on one's back
lx: dhacadiidso
pd: (dhacadiidsaday)
ps: v3a=
key: dhacadiidso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaddee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) 1. Sakaraadid. 2. Dood aan wax loo cuksado lahayn ku indha adaygid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhacaddee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) 1. Sakaraadid. 2. Dood aan wax loo cuksado lahayn ku indha adaygid. m.f.dh, indhacaddayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhaduuban
-aa: (adj) blindfolded (baleeynfooldidh) ~ indhasaaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaduuban
(tilmaame) qof indhaha wax lagaga duubay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaduubid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, indhaha ka xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaddays
m.l la-mid: indhacaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacasayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: indhagaduudso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacasayso
(fal) hurdo yar oo gaaban seexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadduub_1
de: blindfold
hm: 1
lx: indhadduub
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: indhadduub_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadduub_2
de: blindfold
hm: 2
lx: indhadduub
pd: (indhadduubay)
ps: v1=
key: indhadduub_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadduuban
Indhaha wax lagaga duubay oo aan wax arka hayn; indhasaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax indhaha loo duubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhadduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax indhaha loo duubay ahaansho. m.f.dh, indhadduubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadduuban
der. [adjective] blindfolded
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadduuban
de: blindfolded
lx: indhadduuban
ps: adj-der
key: indhadduuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadduubid
(Indhadduubid-da)
Maro iyo wax la mid ah, indhaha kaga xirid; indhasaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadduubid
m.f.dh eeg indhadduub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagarasho
-da: (magac, dheddig, keli) qof, muuqiisa garasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqso
(fal) noole dhowaan dhashay, indhaha kala fur; wax arag bilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adkaansho
m.l/dh la-mid: indha-adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaradnimo
m.dh Indhagarad ahaan-sho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhala'aansho
(Indhala'aansha-ha)
Qof indhihii ka dheceen ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhala'aansho
vl. n., stative v. becoming blind
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhala'aansho
de: becoming blind
lx: indhala'aansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: indhala'aansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhacadiidso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagdhaqso
(fal) degdeg oo dhaqso wax u samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegnuugso
f.g3 (-saday, -satay) War si dadban u dhegeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegnuugso
(fal) eeg dhegeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indha'adag
Aan ceebta ka biqin, xishood yar; meeshii la rabey in laga madaxmeersho, iska taga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan ceeb ka baqaynin ama xishood yar ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indha-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan ceeb ka baqaynin ama xishood yar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indha-adag
adj., [expression] shameless, unscrupulous, having no shame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhagashi
-ga: (n) eyeglass (aay-galaas); glasses (galaasis) ~ ookiyaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagashi
-ga: (magac, lab, keli) wax kaste oo indha la gashado si wax loogu arko ama difaac looga dhigo indhaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaqabad
-ka: (magac, lab, keli) qof khaati laga joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Cid indhasaab xirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhasaabo
v. blindfold one's eyes; ignore, not want to see
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhasaabo
de: blindfold one's eyes; [fig.] ignore, not want to see
lx: indhasaabo
pd: (indhasaabtay)
ps: v3b=intr
key: indhasaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddo
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama ruux aan meherad haysanin ama shaqaynin; dad camal iyo shaqo aan lahayn. Baagamuuddada, bannaannada tuban, yaan la baal marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacadiidsi
(Dhacadiidsi-ga)
Dhacadiidsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacadiidsi
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhacadiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheganuugsi
-ga: (magac, lab, keli) war aan rasmi kuu soo gaadhin oo dhegta uun ku soo dhaca. Dh: dhegnuugsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indha'adayg
(Indha'adayg-ga)
Aan ceebtu karin; waxa laga xishoodo ku dhiirrad; xishooddarro; sheexla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indha'adayg
-ga: (magac, lab, keli) cabsi iyo qajilaad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adayg
m.l la-mid: indha-adkaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indha-adayg
m.l Qof aan ceeb ka baqayn ama xishood yar. la-mid: indha-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indha-adayg
m. n., [abstract] shamelessness, unscrupulousness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-adayg
-ga: (n) 1. boldness (booldh-nes); defiance (difaayns); daring. 2. shamelessness (sheeymlesnes); effrontery (ifarantari); temerity (timeerati) ~ indha-adkaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhadaalis
-ka: (magac, lab, keli) daawida shey, ku daalid.
indhadaalis -ka: (magac, lab, keli) xaradh qurux badan oo eegiddiisa indhuhu kugu daalaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadhaabo
(Indhadhaaba-da)
Dhibcaha dufanka oo fuudka korkiisa, kd. ka muuqda, sabbeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadhaabo
m.dh Dhibco yaryar oo dufan ah oo dul sabeeya fuudka, caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadhaabo
f. n., [collective] droplets of oil floating on soup (etc.), scum
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadhaabo
de: droplets of oil floating on soup (etc.), scum
lx: indhadhaabo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: indhadhaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadhuuri
(Indhadhuuri-ga)
Indhaxanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadhuuri
m. n., [compound] pain in the eyes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadhuuri
de: pain in the eyes
lx: indhadhuuri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: indhadhuuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulad
m.l la-mid: indhakuulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax indhakuul marsaday ahaansho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhakuulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax indhakuul marsaday ahaansho (cid). m.f.dh, indhakuulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulid
m.f.dh eeg indhakuul².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabad
m.l la-mid: indhasaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasaabid
(Indhasaabid-da)
Indhaha sacabbo ama wax kale ku daboolid; indhasaab ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabid
m.f.dh eeg indhasaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indha'adkaan
(Indha'adkaan-ta)
Ahaanta la yahay wax indha'adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indha'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan xishood iyo cabsi toona lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adkaan
m.f.dh eeg indha-adayg. la-mid: indha-adayg, indha-adkaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indha-adkaan
f. n., [abstract] state of having no shame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-adkaan
-ta: (n) see [eeg] indha-adayg -ga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaddayn
m.f.dh eeg indhacaddee. la-mid: indhacaddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacasaysi
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacasaysi
-ga: (magac, lab, keli) hurdo yar oo gaaban seexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacurdoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si fican wax u arka ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhacurdoon
der. [adjective] sharp-sighted, with keen vision
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhacurdoon
de: sharp-sighted, with keen vision
lx: indhacurdoon
pd: (indhacurdoonaa)
ps: adj-der
key: indhacurdoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhahabeeno
(Indhahabeena-da)
Aragga ishoo xummaada oo wixii fog aan dhab u arki karin oo ciiro isku rogto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhahabeeno
m.dh Cudur indhaha ku dhaca oo aysan habeenkii si wanaagsan wax u arag.