indhadduuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadduuban
Indhaha wax lagaga duubay oo aan wax arka hayn; indhasaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax indhaha loo duubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhadduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax indhaha loo duubay ahaansho. m.f.dh, indhadduubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadduuban
der. [adjective] blindfolded
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadduuban
de: blindfolded
lx: indhadduuban
ps: adj-der
key: indhadduuban
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhaduuban
-aa: (adj) blindfolded (baleeynfooldidh) ~ indhasaaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaduuban
(tilmaame) qof indhaha wax lagaga duubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadduubnaan
m.f.dh eeg indhadduuban. la-mid: indhadduubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadduub
(Indhadduub-ka)
Duub maro ah ama wax kale oo indhaha lagu duubo si ayan wax u arag; indhasaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadduub
indhadduub¹: m.l (-byo, m.dh) Maro iyo wixi lamida oo indhaha lagu duubo si aan wax loo arag.
indhadduub²: f.g1 (-bay, -btay) Cid si ayan wax u arkin indhaha wax uga duubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadduub
m. n., [compound] blindfold
indhadduub v. blindfold
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadduub_1
de: blindfold
hm: 1
lx: indhadduub
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: indhadduub_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadduub_2
de: blindfold
hm: 2
lx: indhadduub
pd: (indhadduubay)
ps: v1=
key: indhadduub_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadduubid
(Indhadduubid-da)
Maro iyo wax la mid ah, indhaha kaga xirid; indhasaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadduubid
m.f.dh eeg indhadduub².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhaduub
-ay / tay: (v) blindfold (baleeynfooldh) ~ indhasaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaduub
-ka: (magac, lab, keli) indhaha maro ama wax kale ku qarin, xeelad dagaal ama diineed aawadeed.
indhaduub -ka: (magac, lab, keli) qof inta indhaha laga xidho, xoog ku kaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaduubid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, indhaha ka xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax indhakuul marsaday ahaansho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhakuulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax indhakuul marsaday ahaansho (cid). m.f.dh, indhakuulnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudduuban
(tilmaame) wax la laallaabay ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadduusan
conj., vl. pron., neg. if he ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadduusan
if he not..., also see [eeg] haddaadan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadduusan
de: if he ... not = haddii + uu + aan
lx: hadduusan
ps: conj + vpro + neg
key: hadduusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudduuban
Aan kala baxbaxsanayn ee isku laallaaban; (ama duubduub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduuban
duudduuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax duudduub yeeshay noqosho. la-mid: duubduuban¹.
duudduuban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax duudduub yeeshay ahaansho. la-mid: duubduuban².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudduuban
duudduuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax duudduub yeeshay noqosho. m.f.dh, duudduubmid. la-mid: duubduuban.
duudduuban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax duudduub yeeshay ahaansho. m.f.dh, duudduubnaan. la-mid: duubduuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudduuban
der. [adjective] wrapped, rolled up, coiled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudduuban
-aa: (adj) wrapped (raapidh)-, rolled (roolidh)-, folded (fooldidh) ~ laalaaban, galoolan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duudduuban
de: wrapped, rolled up, coiled
lx: duudduuban
pd: (duudduubnaa)
ps: adj-der
key: duudduuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax feejigan ahaansho. 2. Wax meel shaqo iyo wixi lamida aad u kala yaqaan ahaansho. 3. Wax aan loo jeedin wax arka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhafuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax feejigan ahaansho. 2. Wax meel shaqo iyo wixi lamida aad u kala yaqaan ahaansho. 3. Wax aan loo jeedin wax arka ahaansho. m.f.dh, indhafurnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhafuran
der. [adjective] attentive, alert; educated; civilized; endowed with magical powers to foresee the future
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhafuran
de: attentive, alert; educated; civilized; [ext.] endowed with magical powers to foresee the future Lit: opened eyes
lx: indhafuran
pd: (indhafurnaa)
ps: adj-der
key: indhafuran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadhuuri
(Indhadhuuri-ga)
Indhaxanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadhuuri
m. n., [compound] pain in the eyes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadhuuri
de: pain in the eyes
lx: indhadhuuri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: indhadhuuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulad
m.l la-mid: indhakuulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasaaban
La indhasaabay; indhasaab lagu xiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la indhaasabay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhasaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la indhaasabay ahaansho. m.f.dh, indhasaabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhasaaban
der. [adjective] with eyes covered ~ bandaged; blindfolded
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhasaaban
de: with eyes covered ~ bandaged; blindfolded
lx: indhasaaban
pd: (indhasaabnaa)
ps: adj-der
key: indhasaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Cid gacmaheeda gadaal qabasho ahaansho. la-mid: gardadduuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garbadduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Cid gacmaheeda gadaal qabasho ahaansho. m.dh, garbadduubnaan. la-mid: gardadduuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardadduuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: garbadduuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudsad
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadheeraan
m.f.dh eeg indhadheer. la-mid: indhadheeraansho, indhadeeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudsi
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. la-mid: indhacasayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. m.f.dh, indhagaduudsasho. la-mid: indhacasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagaduudso
(fal) muddo yar oo gaaban seexo. Dh: indhacasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulnaan
m.f.dh eeg indhakuulan. la-mid: indhakuulnaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duuduuban
see [eeg] duudduuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhakuul
(Indhakuu-sha)
Budo beycad ah oo dhawr jaad oo isku dardarsan ah oo la moodo dhalo la tumay oo birbirta; waxyaalo badan bay tartaa: wax ku daweyn; wax ku aslid; alaabo kale ku darid oo ku adkayn; dumarkoo indhaha ku kuusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuul
indhakuul¹: m.dh Budo madow, dhowr jaad u kala baxda oo haweenku indhaha xirribahooda ku quruxsadaan.
indhakuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Budo beycad ah indhaha ku qurxin; u i.: cid indhakuul u marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhakuul
indhakuul¹: m.dh Budo madow, dhowr jaad u kala baxda oo haweenku indhaha xirribahooda ku quruxsadaan.
indhakuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Budo beycad ah indhaha ku qurxin; u i.: cid indhakuul u marin. m.f.dh, indhakuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhakuul
f. n., [collective] kohl, eye shadow, eyeliner, cosmetic for the eyes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhakuul
-indhakuusha: (n) [cosmetic] eye shadow (aay-shaadhow); kohl (kool); mascara (maskaara)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhakuul
-sha: (magac, dhedig, keli) budo madow oo indhaha xirribahooga loo marsado. Dh: indhakuxul
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhakuul
de: kohl, eye shadow, eyeliner, cosmetic for the eyes
lx: indhakuul
pd: (/sha)
ps: n-f-col
key: indhakuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduumin
m.f.dh eeg daadduumi. la-mid: daadduunsiin, daanduumin, daanduunsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumin
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dullinimo ku reebid. Daadduuminta dadkan ku dhacday waa mid murugo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharruuran
(tilmaame) biyo iyo wax la mid ah oo huube laga miiray. Dh: jarruuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubduuban
duubduuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) la-mid: duudduuban¹.
duubduuban²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: duudduuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il dhuuban
n. phr. headlight beam
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
il_dhuuban
de: headlight beam
lx: il dhuuban
ps: np
key: il_dhuuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) indhakuul marsasho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhakuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) Indhakuul marsasho (cid). m.f.dh, indhakuulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhakuulo
(fal) indhakuul indhaha marso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaqabad
-ka: (magac, lab, keli) qof khaati laga joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduunsan
(tilmaame) dad, mood iyo noolkii ba ka madhay oo halkii ay degenaayeen abaar ama colaad darteed ka soo barakacay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuudhuuban
adj., pl. thin (persons), narrow, slim (ones)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuudhuuban
de: thin (persons), narrow, slim (ones)
lx: dhuudhuuban
pd: (Sg: dhuuban)
ps: adj-pl
key: dhuudhuuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhadhaabo
(Indhadhaaba-da)
Dhibcaha dufanka oo fuudka korkiisa, kd. ka muuqda, sabbeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadhaabo
m.dh Dhibco yaryar oo dufan ah oo dul sabeeya fuudka, caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadhaabo
f. n., [collective] droplets of oil floating on soup (etc.), scum
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadhaabo
de: droplets of oil floating on soup (etc.), scum
lx: indhadhaabo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: indhadhaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafiiqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax meel dheer wax ka arka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhafiiqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax meel dheer wax ka arka ahaansho. m.f.dh, indhafiiqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhafiiqan
der. [adjective] have keen ~ sharp vision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhafiiqan
(tilmaame) mid meel fog wax ka arka; ruux wax arki og.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhafiiqan
de: have keen ~ sharp vision
lx: indhafiiqan
pd: (indhafiiqnaa)
ps: adj-der
key: indhafiiqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhakuhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ka warhayn ama indhaha ka jeedin la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhakuulid
m.f.dh eeg indhakuul².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhala'aan
(Indhala'aan-ta)
(qof) Indhala' ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhala'aan
f. n., [abstract] blindness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhala'aan
-ta: (n) blindness (balaayndhines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhala'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) indhaha wax ba ka arki waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhala'aan
de: blindness
lx: indhala'aan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: indhala'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabad
m.l la-mid: indhasaabasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhosaaban
-aa: (adj) blindfolded (balaaynfooldidh) ~ indhaduuban
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku duuban
n. phr. wholesale; gross
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isku_duuban
de: wholesale; gross (as opposed to net)
lx: isku duuban
pd: (duubnaa)
ps: np
key: isku_duuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indha'adkaan
(Indha'adkaan-ta)
Ahaanta la yahay wax indha'adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indha'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan xishood iyo cabsi toona lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adkaan
m.f.dh eeg indha-adayg. la-mid: indha-adayg, indha-adkaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indha-adkaan
f. n., [abstract] state of having no shame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-adkaan
-ta: (n) see [eeg] indha-adayg -ga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhaddaalis
(Indhaddaalis-ka)
Xarad yaryar oo qurux badan.