indhacasayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacasayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: indhagaduudso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacasayso
(fal) hurdo yar oo gaaban seexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacasaysi
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacasaysi
-ga: (magac, lab, keli) hurdo yar oo gaaban seexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacasaysad
m.l la-mid: indhagaduudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacasaysasho
m.f.dh la-mid: indhagaduudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaddays
m.l la-mid: indhacaddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqso
(fal) noole dhowaan dhashay, indhaha kala fur; wax arag bilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabatayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof qumanyaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabatayso
v.auto: put the evil eye on someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabatayso
de: put the evil eye on s.o.
lx: dhabatayso
pd: (dhabataystay)
ps: v3b=auto
key: dhabatayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Cid indhasaab xirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhasaabo
v. blindfold one's eyes; ignore, not want to see
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhasaabo
de: blindfold one's eyes; [fig.] ignore, not want to see
lx: indhasaabo
pd: (indhasaabtay)
ps: v3b=intr
key: indhasaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodhacayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qondhaco isu dhigid (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indha'adayg
(Indha'adayg-ga)
Aan ceebtu karin; waxa laga xishoodo ku dhiirrad; xishooddarro; sheexla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indha'adayg
-ga: (magac, lab, keli) cabsi iyo qajilaad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adayg
m.l la-mid: indha-adkaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indha-adayg
m.l Qof aan ceeb ka baqayn ama xishood yar. la-mid: indha-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indha-adayg
m. n., [abstract] shamelessness, unscrupulousness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-adayg
-ga: (n) 1. boldness (booldh-nes); defiance (difaayns); daring. 2. shamelessness (sheeymlesnes); effrontery (ifarantari); temerity (timeerati) ~ indha-adkaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odhafatayso
(fal) halgalayso oo wax meel yaal kolba in yar hoos ula bax. Dh: fadhatayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qondhacayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qondhaco isu dhigid (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacayso
f.mg3 (-stay, -satay) Kulka qorraxda isku diirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaddayn
m.f.dh eeg indhacaddee. la-mid: indhacaddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacaseeye
m.l (daawo) Cudur dadka ku dhaca oo casaan ka dhiga midabka indhaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhacaseeye
m.l (daaw.) Cudur dadka ku dhaca oo casaan ka dhiga midabka indhaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhacaseeye
m. n., [collective] jaundice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhacaseeye
-indhacaseeyaha: (n) yellowish discoloration of the whites of the eyes; jaundice (joon-das); icterus (iktaras)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacaseeye
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka ku dhaca oo casaan ka dhiga midabka indhaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhacaseeye
a: indhacagaarshe
de: jaundice
lx: indhacaseeye
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: indhacaseeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagarasho
-da: (magac, dheddig, keli) qof, muuqiisa garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacagaarshow
m.l la-mid: indhacagaarshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacagaarshow
-ga: (magac, lab, keli) xanuun beerka ku dhaca oo midabka indhaha beddela. Dh: sooguduud, indhacagaarshe, joonis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhacagaarshe
(Indhacagaarsha-ha)
Cudur dadka ku dhaca midabka indhuhuna cagaar u ekaadaan; indhacaseeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacagaarshe
m.l (daawo) Cudur dadka ku dhaca oo cagaar ka dhiga midabka indhaha. la-mid: indhacagaarshow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhacagaarshe
m.l (daaw.) Cudur dadka ku dhaca oo cagaar ka dhiga midabka indhaha. la-mid: indhacagaarshow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhacagaarshe
m. n., [collective] jaundice which affects the eyes; yellow fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacagaarshe
-ha: (magac, lab, keli) xanuun beerka ku dhaca oo midabka indhaha beddela. Dh: sooguduud, joonis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhacagaarshe
a: indhacagaarshow (ga)
de: jaundice which affects the eyes; yellow fever
lx: indhacagaarshe
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: indhacagaarshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhala'aansho
(Indhala'aansha-ha)
Qof indhihii ka dheceen ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhala'aansho
vl. n., stative v. becoming blind
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhala'aansho
de: becoming blind
lx: indhala'aansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: indhala'aansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qondhacaysasho
m.f.dh eeg qondhacayso. la-mid: qondhacaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacaysasho
m.f.dh eeg qundhacayso. la-mid: qundhacaysad, qundhacaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabarraqsi
-ka: (magac, lab, keli) eeg indhabarraqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. la-mid: indhacasayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhagaduudso
f.mg3 (-saday, -satay) Muddo yar seexasho. m.f.dh, indhagaduudsasho. la-mid: indhacasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagaduudso
(fal) muddo yar oo gaaban seexo. Dh: indhacasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaabasho
m.f.dh eeg indhasaabo. la-mid: indhasaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adkaansho
m.l/dh la-mid: indha-adkaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indha-cagaarshe
(n) see [eeg] indhacaseeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabatayso
(fal) ugaadhso duurjoogta. Dabatayso intaad dadka tuugi lahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayeyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: dacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daxalayso
f.mg3 (-stay, -satay) Bir ama xadiid-sulub, daxal yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daxalayso
f.mg3 (-stay, -satay) Bir ama xadiid-sulub, daxal yeelasho. m.f.dh, daxalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daxalayso
v. become rusty, get covered with rust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxalayso
(fal) midhidh yeelo; wax daxal leh nogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daxalayso
de: become rusty, get covered with rust
lx: daxalayso
pd: (daxalaystay)
ps: v3b=intr
key: daxalayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacarato
(Dhacarata-da)
Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarato
m.dh.u Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. la-mid: dhacarsato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacarato
f. n., [collective] people who drive their livestock to good grazing land ~ pasture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarato
-da: (magacwadareed) dadka xoolohooda dhacarta daajiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacarato
de: people who drive their livestock to good grazing land ~ pasture
lx: dhacarato
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: dhacarato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsasho
(Dhacsasha-da)
Xoolo ama wax kaloo la dhacay, dib xoog ugu soo ceshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsasho
m.f.dh eeg dhacso. la-mid: dhacsad, dhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagaa dhacay ridasho. Dh: ridasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamacaso
m.dh Balagga digirta marka uu miro la cuni karo yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto, cabbitaan iyo wixi lamida laysasho. 2. Dan ebyasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cunto, cabbitaan iyo wixi lamida laysasho. 2. Dan ebyasho. m.f.dh, dhammaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammayso
v. complete, finish something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhammayso
-dhammaystay / dhammaysatay: (v) finish off;eat up; consume (kan-suum). Ex: cuntadaada dhammayso; finish off your food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammayso
(fal) intaada idlayso oo waxba ha reebin. Cashadaada dhammayso. Dh: idlayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammayso
a: dhammeyso
de: complete, finish s.t. for oneself
lx: dhammayso
pd: (dhammaystay)
ps: v3b=tr
key: dhammayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Subax meel in muddo ah ku daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Timo halab ah samaysasho. 2. Xoolo la soo dhacay hilib ka qalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halabayso
v.auto: steal ~ take possession of stray animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabayso
(fal) timaha xabbad xabbad iskugu tidco ama iskugu sooho oo halab yeelo. Dh: xamro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halabayso
de: steal ~ take possession of stray animals
lx: halabayso
nt: halabaysad (ka) [vn-m], halabaysasho (/da) [vn-f], halabaysi (ga) [vn-m]
pd: (halabaystay)
ps: v3b=auto
key: halabayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaalayso
v. observe, look after, take care of something (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalayso
(fal) si foojignaan leh u eego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaalayso
de: observe, look after, take care of s.t. (for oneself) Alt sp: ilaaleyso
lx: ilaalayso
pd: (ilaalaystay)
ps: v3b=tr
key: ilaalayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhabaaq
m.l Wax arkid la'aanta ilma xoolaad oo markaas dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagaro
(fal) qof, muuqiisa garo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasaab
(Indhasaab-ka)
Indhaha labada sacab ama wax kale ku-daboolka, si ayan wax u arag; waxa wax lagu indhasaabo; indhadduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhasaab
indhasaab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Wax indhaha lagu xiro si aysan wax u arag. 2. Sixir.
indhasaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Indhaha wax ku xirid si aan wax loo arag. 2. Dareenka aragtida cid ka sixrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhasaab
indhasaab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Wax indhaha lagu xiro si aysan wax u arag. 2. Sixir.
indhasaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Indhaha wax ku xirid si aan wax loo arag. 2. Dareenka aragtida cid ka sixrid. m.f.dh, indhasaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhasaab
v., [compound] blindfold; hide one's eyes; look the other way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhasaab
-ka: (n) blindfold (balaaynfooldh). —iska indhasaab -ay / tay: (v) turn a blind eye; be inattentive; close one's eyes ~ iska indhatir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhasaab
-ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo indhaha ka horjoogsada aragtida.
indhasaab -ka: (magac, lab, keli) wax tayadiisu liidato oo muuqaalkiisu qurxoon yahay. Dh: indhasarcaad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Indhasaab
Qalabka hoosaasiya aragtida indhaha isla markaana lagaga gaashaanto waxyeellada indhaha ku timaadda marka laga shaqayanyo hawlaha kala duwan sida: Alxamidda korontada iyo ogsiijinka, loox jaridda, jaridda iyo nadiifinta birta, caddaynta darbiyada iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhasaab
de: blindfold; hide one's eyes; [fig.] look the other way
lx: indhasaab
nt: indhasaab (ka) [vn-m]
pd: (indhasaabay)
ps: v1=cmp
key: indhasaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishaaqaso
(fal) aad oo hoos ugu dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalayso
(fal) awood yeelo. Dh: xoogayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nafaqayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nafaqayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho. m.f.dh, nafaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqayso
(fal) cun dheef tayo leh oo nafaqo ku gelisa. Nafaqayso si caafimaadkaagu u wanaagsanaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaasayso
(fal) ugaas yeelo; ugaas samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasayso
(fal) ugaas yeelo, ugaas samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawayso
(fal) colaad gasho; col la noqo.