ina-eeddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ina-eeddo
m.l/dh (ilma-eeddo, m.l) Aabaha walaashiis wiilka ama gabarta ay dhashay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ina-eeddo
m. n., [compound] first cousin from the paternal aunt's side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ina-eeddo
-ina-eeddaha / da: (n) a child of one's aunt [the sister of one's father]: cousin (kaasan); first cousin ~ ilmo-eeddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilma-eeddo
m.dh.u Ilmo waxa ay u yihiin carruurta abtigood dhalay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilma-eeddo
m.dh.u Ilmo waxa ay u yihiin carruurta abtigood dhalay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilma-eeddo
f. n., [collective] cousins on the paternal aunt's side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilma-eeddo
-ha: (n) a child of one's aunt; cousin (kaasan)-, first cousin ~ ina-eedo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cousin
/kasin/ (n) ina-adeer, ina-eeddo, ina-habreed, ama ina-abti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ina'eddo
-da: (magac, dhedig, keli) inanta ama inanka eddadaa dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ulajeeddo
(Ulajeedda-da)
(hadal kd.) waxa loola jeedo; macne; duluc (ama ujeeddo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulajeeddo
m.dh la-mid: ujeeddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ulajeeddo
f. n. objective, aim
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ulajeeddo
-ulajeeddada: (n) aim (eeym); intent (iin-tent); purpose (par-pas); intention (in-teen-shin); goal (gool); objective ~ qasdi, ujeeddo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ulajeeddo
Significato
Meaning: significance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulajeeddo
-da: (magac, dhedig, keli) dulucda wax laga leeyahay; muraadka hadal laga leeyahay. Maan fahmin ulajeeddada weedhaada. Dh: ujeeddo, macne, duluc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ulajeeddo
a: ujeeddo
de: objective, aim
initial: u
lx: ulajeeddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ulajeeddo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geeddo
name-f treesome
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
indeed
/indhiidh/ (adv) 1. runtii (xaqiiqdii), sidaas oo la hubo. e.g. Did I do the homework? Indeed I did. 2. daran (hadal aad sii xoojineysid). e.g. The weather is very cold indeed.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
indeed
ad., waaye or weeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inteed
question word, vl. pron. how long ... you?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inteed
[an interrogative word] how much you...inteebaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inteed
de: how long ... you? = in + tee + aad
lx: inteed
ps: qw + vpro
xe: How long have you been waiting?
xv: Inteed sugeysey?
key: inteed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leeddo
(Leedda-da)
Faras aan koore saarrayn oo la fuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leeddo
m.dh 1. Faras la fuushanyahay oo aan koore saarnayn. 2. la-mid: leeddafuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leeddo
vl. n. bareback riding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leeddo
-da: (magac, dhedig, keli) fuulidda faras aan la heensayn. Leedda fuulkiyo, wiilyaw lahashadu, yaanay kula lumin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leeddo
de: bareback riding
lx: leeddo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: leeddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajeendo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xusuusqor. 2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga doodo shir iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ajeendo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xusuusqor. 2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga doodo shir iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajeendo
-da: (magac, dhedig, keli) buug bilaha sannadka lagu dhigo oo xusuusqor loo adeegsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aseendo
m.dh (-ooyin, m.l) Beer weyn oo geed mirood ku abuuranyahay; awno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aseendo
m.dh (-ooyin, m.l) Beer weyn oo geed mirood ku abuuranyahay; awno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aseendo
f. n. plantation, big farm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aseendo
-aseendada: (n) large farm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aseendo
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka inta la beero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aseendo
de: plantation, big farm {It}
lx: aseendo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: aseendo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaceedo
name-f short and petite
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaaddo
v., sg., neg., present habitual: I do not come
imaaddo: v., sg., relative form, present habitual: that I come
imaaddo: v., sg., opt. form: may I come!; let me come!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naseexo
(Naseexa-da)
Talo wanaagsan oo cid lagula taliyo; waano; caqlicelis; (ama nasteexo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naseexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. Daacadnimo. la-mid: nasteexo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naseexo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Talo daacad ah oo cid loo jeediyo; waano; caqlicelin. 2. daacadnimo. la-mid: nasteexo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naseexo
f. n. advice, counsel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naseexo
-naseexada: (n) a piece of advice; advice (adhvaays); counsel (kawnsel); recommendation (rakomendheeyshin) ~ nasteexo, talo
u naseexee -yey / u naseexaysay: (v) offer advice; make a suggestion; advise (adh vaays) ~ la tali, waani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naseexo
-da: (magac, dhedig, keli) waxsheeg iyo waano lagu yidhaa cid wanaag lala doonayo. Dh: nasteexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naseexo
de: advice, counsel
lx: naseexo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: naseexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sareedo
(Sareeda-da)
Khayr badan; barwaaqo; baraare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sareedo
m.dh (-ooyin, m.l) Barwaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sareedo
m.dh (-ooyin, m.l) Barwaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sareedo
f. n., [collective] good fortune; (time of) prosperity
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sareedo
name-f good fortune; prosperty. Lit: she who was born at a time of plenty. Syn: Barwaaqo, Doonbiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sareedo
magac loo baxsho gabadh barwaaqo iyo nasiib wacan ku dhalatay ama la rajaynayo in ay dhalashadeedu reerka barwaago u horseeddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sareedo
-da: (magac, dhedig, keli) khayr, baraare iyo barwaago badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sareedo
de: good fortune; (time of) prosperity
initial: s
lx: sareedo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: baraare, barwaaqo
key: sareedo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ujeeddo
(Ujeedda-da)
(astaan, magac, hadal) waxa loo wato oo loola jeedo; u wadasho; macne; milgo; duluc (ama ulajeeddo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ujeeddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iyo wixi lamida. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. la-mid: ulajeeddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ujeeddo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iyo wixi lamida. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. la-mid: ulajeeddo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ujeeddo
Target
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ujeeddo
f. n. aim, intention, objective; subject; meaning, significance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ujeeddo
-ujeeddada: (n) aim (eeym); intent (iin-tent); purpose (par-pas); intention (in-teen-shen); goal (gool); objective ~ qasdi, ulajeeddo, qasad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
UJEEDDO
Oggetto
Subject
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ujeeddo
Oggetto
Subject
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ujeeddo
-da: (magac, dhedig, keli) nuxur ama dulucda wax laga leeyahay. Ma garatay ujeeddada hadalkiisa? Dh: macne, milgo, duluc, ulajeeddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ujeeddo
a: ulajeeddo
bw: sp: ujeedo
de: aim, intention, objective; subject; meaning, significance
initial: u
lx: ujeeddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ujeeddo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ujeeddo
قَصَّدِ، غَرَضِ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xareedo
pr. n., [feminine] Hareda
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xareedo
name-f rainwater; sweet as rainwater; the one whose parents felt happiness upon her normal birth. Syn: Xareed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xareedo
magac loo baxsho gabadh dhalatay xilli roob da'ay ama da'ayo oo xareeddu ceegaagto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xareedo
de: Hareda
initial: x
lx: Xareedo
ps: name-f
key: Xareedo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaaceedo
name-f repulser; she who resists an invasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horeeddo
-da: (magacwadareed) naasaha xoolaha labada xiga xagga xundhurta.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inattéso
agg. - lama filaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
incèndio
s.m. dab kacay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
innuendo
/inyuwendo/ (n) maldahan, dahsoon (hadal edeb darro ah oo si dadban loo yiraahdo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kureeddo
(Kureedda-da)
(magac kooxeed; keli: kureed) suuqadda dumarku dhegaha ku qaato jaad kamid ah; dhego; hilqado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kureeddo
m.dh.u Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kureeddo
f. n., [collective] earrings
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kureeddo
de: earrings
lx: kureeddo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
syn: dhego
key: kureeddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
inattendu
inattendu, adj. - aan la filayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shadeedyo
-da: (magac, dhedig, keli) kaadida orgiga qooqani lugihiisa hore ku shubo ee madoobaysa jeenyaha. Dh: dhibi, shadeed.