in-gudbiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
in-gudbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiimika) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in- gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
In-gudbiye
Semiconductor
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ingudbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiim.) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in- gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ilgudbiye
Fiiradda aragtidu ka dhex gudubto, lagana arki karo wixii ka dambeeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Semiconductor
In-gudbiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudbiye
Conductor
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudbiye
m. n. conductor {physics, chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudbiye
-gudbiyaha: (n) [Physics] conductor (kon dhek ter)-, [opposite of magudbiye-ha]: (n) non conductor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudbiye
-ha: (magac, lab, keli) walax kaste oo tebisa danabka ileyska, jabaqda, kulka iyo wixii la mid ah oo ay dhexmaraan. Dahabku waa gudbiyaha ugu wanaagsan ee danabka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudbiye
a: kulgudbiye
de: conductor {physics, chemistry}
lx: gudbiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gudbiye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magudbiye
-magudbiye ha: (n) [Physics] insulator (insuleeytar); nonconductor (kon-dhak-tar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magudbiye
-ha: (magac, lab, keli) walax aan qulqulka danabku ka gudbin sida looxa iyo caagga; alaabta aan oggalaanin inuu danabku dhexmaro. Looxu waa magudbiye. Li: gudbiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulgudbiye
m. n., [compound] heat conductor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulgudbiye
-ha: (magac, lab, keli) shay ama wax kale oo sheega ama gudbiya kulka. Dh: kultabiye Wa: kulgudbiyayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulgudbiye
de: heat conductor
lx: kulgudbiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: kulgudbiye
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
incùdine
s.f. - dubbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isquudiye
m.l (baayoloji) Nooca nafaqada ka mid ah uu nooluhu ka sameyo walxo orgaanigga ah ee uu u baahanyahy, kuwaas oo uu ka sameeyo il aan orgaanig ahayn. Dhirta cagaaran oo dhami waa isquudiye, waxaanay ilayska u isticmaalaan il tamareed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isquudiye
m.l (baay.) Nooca nafaqada ka mid ah uu nooluhu ka sameyo walxo orgaanigga ah ee uu u baahanyahy, kuwaas oo uu ka sameeyo il aan orgaanig ahayn. Dhirta cagaaran oo dhami waa isquudiye, waxaanay ilayska u isticmaalaan il tamareed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isquudiye
m. n. autotroph
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isquudiye
-ha: (magac, lab, keli) qof naftiisa jecel oo isjalidda iyo isnafaqaynta ku fiican.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isquudiye
de: autotroph (organism such as a green plant capable of manufacturing its own food by synthesis of inorganic material, e.g., as in photosynthesis)
lx: isquudiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: isquudiye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codmagudbiye
-ah: (adj.) soundproof (saawndhpuruuf) ~ aan codka laga maqlayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diin-fidiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (dii.) Qof kiristaan ah oo loo soo diray waddan shisheeye si uu u baro kirishtaanimada.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
incredibile
agg. - aan loo malayn karin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inguaribile
agg. - aan raysanayn, aan bogsoonayn.