imika
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Imika
maintenant, tout de suite.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imika
(meeleeye) tilmaamaya milayga la joogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
immika
adv., time: now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
immika
(adv) at the present time: immediately; now (naaw) ~ imminka, hadda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
immika
de: now {N}
lx: immika
ps: adv-time
key: immika
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Imisa
combien?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imisa
(magacuyaal) la isku weydiiyo caddad, qiime ama saacad la hubsanayo. Dh: inma? intee? Meeqa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barad
-ka: (magac, lab, keli) qof barasho ku cusub galay. Horay wadidda baabuurka uma aqoone imikaan barad ahay. Dh: arday, bilaw, koowaad.
barad -ka: (magac, lab, keli) barashada wax cusub. qof layli ah oo imika farsamabarasho ku jira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bebid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar intii lagaa dhaliyey in le'eg dhalin. Bebid mar hore kuu ekayd imika keentay. Dh: bedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaw
(fal) meel wax ka unkamo u samee; kow ka qaad oo hawl socodsii.
bilaw-ga: (magac, lab, keli) ambaqaadka u horreeya; gudagalidda hawsha ee u horreeya. Hawshu imika ayay bilaw tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagi
-da: (magac, dhedig, keli) imikadaa la joogo. Dh: hadda, imika, eegga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbow
(fal) wax cusub noqo; wax imika uun la sameeyey noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambar
-ka: (magac, lab, keli) caanaha u horreeya ee ribta ah ee wax imika dhalay naaskiisa laga jaqo ama laga liso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhadhaarro dhigasho; in cunto la karsado isku diyaarin. Imikaan dhadhaarasho u qababaalayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog iyo tigaad cusub yeelasho. Imika ayuu dhulku doogasho bilaabayaa.
doogasho -da: (magac, dhedig, keli) nabar hore soo gocasho oo hoosta ka soo bukoosho. Jugtii gaadhay ayuu nabarkii doogasho bilaabay. Dh: kacdoon, gocasho.
doogasho -da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo gaajo horay loo soo maray ka soo rayn oo ka soo kabasho. Xoolihii maalamahan ayaan doogasho ka dareemaynnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogow
(fal) dhul naq helay, doog yeelo.
doogow -ga: (magac, lab, keli) doog yeelasho. Dhulku imika ayuu doogow bilaabayaa. doograac -a: (magac, lab, keli) cid kolba halka uu doog jiro uun daba socota oo u guurta. Nin xoolo wataa waa doograac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durba
(falkaabe) markiiba; isla kolkiiba. Hadalkaan imika lahayn durba idaacaddaa sheegtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarad
-ka: (magac, lab, keli) barashada dhigaalka farta.
farbarad: (tilmaame) ruux imika qoraalka baranaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooricid
-da: (magac, dhedig, keli) soo kuusmid oo kor u soo foodhicid. Biqilkii imika uun buu fooricid ku jiraa. Dh: foodhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadda
(falkaabe) milayga la joogo. Dh: iminka, imika.
haadda: (falkaabe) erey uu ku celceliyo qof qof kale war ka guraya oo u dhigma 'gartaye, gaddana' ama 'sii wad warka'. Dh: haaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haatan
(falkaabe) tusaaleeya waqtiga ama aminta isla marka la hadlayo la joogo; haddan la joogo. Haatan waa la joogaa, hadhow waa la sugayaa. Dh: imika, haddadatan, hadda, eegga, aminka, eegadan, eegadatan, amminka, imminka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
had
(fal) cid kale, makal; dil.
had: (fal) wax fahan oo garo.
had -da: (magac, dhedig, keli) goor la yaqaan oo bilaw iyo dhammaad leh. had iyo goor, had iyo jeer.
had-da: (magac, dhedig, keli) geeri iyo dhimasho; nafta oo la waayo. Qofna halka haddiisu taal ma gefo. Dh: hed, wed.
had-da: (magac, dhedig, keli) waqtiga la joogo ee kolkaa la hadlayo la nool yahay. Hadda ayaan maqlay Marka. Dh: imika, eegga, xilligan.
had-da: (magac, dhedig, keli) dareen ama garasho. Foostadu in ay hoosta ka daloosho ma hadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddeer
(falkaabe) waxyar ka hor, milayga la joogo inyar ka hor. Dh: hadda, imika. Li: hadhaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handhac
-a: (magac lab, keli) qof hanwaynaa oo imika hankii lahayn oo hanyaraaday. Handhac ayaa ku yimi Cali oo wuu qabjabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hel
(fal) wax horay loo la'aa ama kaa maqnaa, dib u hanti. Lacagtii aad hallaysay imikadaa hel. Li: waa.
hel: (fal) cudur, dhibaato ama wax kale, ku dhac; haleel. Dhanjaf baa i helay.
hel: (fal) tuugo, cadaw iyo wixii la mid ah, la kulan. Budcad baa safarkii helay.
hel: (fal) roob, da' ku da'. Roob fiican baa na helay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildhawr
-ka: (magac, lab, keli) hawl cid kale ku eeg inay qabato; ku xinninta cid kale inay qabato hawl.
ildhawr -ta: (magac, dhedig, keli) halka qofka aragtidiisu gaadho. Lo'dii ildhawr ayay inoo jirtaaye imika soo rog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imminka
Goorta la joogo; hadda; haddeer; eegga (ama amminka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imminka
m.dh.fk Goorta la joogo; hadda; haddeer; eegga. la-mid: amminka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
imminka
m.dh.fk Goorta la joogo; hadda; haddeer; eegga. la-mid: amminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imminka
adv., time: now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imminka
(adv) at the present time: immediately; now (naaw) ~ immika, hadda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imminka
eeg imika.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imminka
bw: amminka {N & O}
de: now
lx: imminka
ps: adv-time
syn: hadda, markan
key: imminka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiimika
m.dh Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiimika
m.dh Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiimika
f. n., [abstract] chemistry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiimika
-da: (magac, dhedig, keli) wixii samaysma kolka laysku daro laba curiye. Dh: kiimiko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiimika
de: chemistry {It}
lx: kiimika
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: kiimika
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisika
m.dh la-mid: fiisiko.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fisika
Physics
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idinka
Uyaalka qofka lala hadlayo oo koox ah oo falku xaggiisa aada hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idinka
mu.eb Magacuyaal yeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus.: “waxaas idinka ayaa ku shaqa leh”. la-mid: idin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idinka
mu.eb (naxwe) Magacuyaal yeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tusaale: Waxaas idinka ayaa ku shaqa leh. la-mid: idin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idinka
pron., pl. you [plural.]
idinka pron. and preposition: from you
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Immisa
Intee; meeqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
immisa
mu.we Tiro weyddiimeed oo caddad, qiime ama saacad lagu hubsanayo; inma?, intee?. Tusaale: “Waa immisadii?”, “Waa meeqa saac?”. la-mid: meeqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
immisa
mu.we Tiro weyddiimeed oo caddad, qiime ama saacad lagu hubsanayo; inma?, intee?. Tusaale: Waa immisadii? Meeqa?. Tusaale: Waa meeqa saac?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
immisa
question word, numeral: how much?, how many?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
immisa
immisaa (v) [question word] how many, how much or how long? intee, intech. Ex: immisa buu joogayaa? how long is he staying? immisaad: (v) how much, how long or how many you....
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
immisa
(magacuyaal) la isku weydiiyo caddad, qiime ama saacad la hubsanayo. Dh: inma? intee? meeqa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
immisa
de: how much?, how many?
lx: immisa
pd: (immisaa)
ps: qw-num
xe: What time is it?
xv: intee
key: immisa
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
immisa
كم
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kimiko
f. n., [abstract] chemistry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimiko
de: chemistry
lx: kimiko
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: kimisteri {It}
key: kimiko
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ima
pron., neg. not ... me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ima
(pronoun and negative) not. me ~ imuu, imay. Ex: ima maqal; he didn't hear me, —imuu: he ... not ... me. imay: she or they...not., me ,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ima
de: not ... me = i + ma
lx: ima
ps: pro + neg
xe: She didnt give me anything.
xv: Waxba ima ay siinnin.
key: ima
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imi
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imi
de: I came
lx: imi
ps: v4b-1sg-past
key: imi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iiga
pron. and preposition: to ~ for me ... from ~ about (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iiga
(pronoun with preposition) me ... about. Ex: shirkii iiga waran; tell me something about the meeting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iiga
de: to ~ for me ... from ~ about (X) = i + u + ka
lx: iiga
ps: pro + prep
xe: Tell me something about the concert.
xv: Riwaayadda wax iiga sheeg.
key: iiga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iila
pron. and preposition: to ~ for me ... with (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iila
(pronoun with preposition) for me or with me.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iila
de: to ~ for me ... with (X) = i + u + la
lx: iila
ps: pro + prep
xe: Come to me with something good!
xv: Wax wanaagsan iila imow!
key: iila
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iima
pron. and preposition, neg. not ... to / for me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iima
(pronoun with negative) not me.. Ex: iima sheegin; he or she didn't tell me
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iima
de: not ... to / for me = u + i + ma
lx: iima
ps: pro + prep + neg
xe: He didnt tell me.
xv: Iima uu sheegin.
key: iima
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilka
a: kalluun
de: fish sp.
lx: ilka
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: ilka
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imid
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imid
(v) I came. Ex: dhawaan baan magaaladda imid; I came recently in the city ~ imi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imid
de: I came
lx: imid
ps: v4b-1sg-past
xe: I came but you were absent!
xv: Waan imid oo waad maqnayd!
key: imid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iska
1. Laftiisa, kd.; dantiisa; iddiisa.
2. Aniga ka; adiga ka; isaga ka, kd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska
[adverb] or [adverbial] [expression] just, only
iska pron., refl: oneself; from / of oneself
iska pron., recip: each other, one another
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iska
-isku: (pronoun) 1. you; me. Ex: iskawaran? how are you?. Iskakay daa, haddii kale... leave me alone, or else.... 2. one another. Ex: hablihii musqushay isku raaceen; the girls followed one another into the washroom
iska: (adj) simply; certainly; just (jast). Ex: way iska qurxoon tahay; it's just beautiful, or she is just beautiful
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maka
pr. n., loc. Mecca
Maka pr. n., [feminine] Mecca
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Maka
(n) Mecca; the city of Mecca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maka
magaalada ugu barakada badan dunida oo ah halka dadka islaamka ahi u jeestaan kolka ay tukanayaan waxana ku dhashay Nebi Maxamad, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene. Mako waxay ku taal Sacuudiga. Dh: Mako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maka
-da: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka badda ku jirta ka mid ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mica
mica, n.m. - macdan: miika.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mina
name-f fortunate (Arb)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mina
s.f. - miino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mina
ama Muna: magac loo bixiyo gabadh dhalashadeedu nasiib lahayd ama gumburta Mina loogu magacdaray.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mira
s.f. - shiishid(da).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
If-ka
lumière.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is ka
pron. and preposition: oneself; just, only
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
is ka
(reflexive pronoun) oneself (wan-salaf); self (salaf) ~ iska, isku. Ex: iska dhaaf; leave alone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_ka
de: oneself; just, only
lx: is ka
ps: pro + prep
see: iska
key: is_ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mikay
(fal) wax qaybi oo kala sooc. Xabxabka inno mikay. Dh: qaybi, soor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amminka
Hadda; eegga; (ama imminka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amminka
m.dh.fk Hadda; eegga. la-mid: imminka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amminka
m.dh.fk Hadda; eegga. la-mid: imminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amminka
adv., time: now, at present
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amminka
(adv) now (naaw)-, at the present time ~ imminka, eegga, hadda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amminka
a: imminka {O & LJ}
de: now, at present
lx: amminka
ps: adv-time
key: amminka
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chimica
s.f. - kiimiko, kimistari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dimisha
-da: (magac, dhedig, keli) soo hoynta dumarka la guursanayo oo aqalkii carooska la keeno. Dh: wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiisika
m.dh la-mid: fiisiko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyikac
(Hiyikac-a)
Kasha oo kicitin galo; tegid ama socod oo laabta ku soo dhaca; kalkaggeeddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyikac
hiyikac¹: m.l Welwel iyo degganaan la'aan ku dhasha qof niyadda laga rabo awgeed. la-mid: hawakac¹, niyadkac¹, niyakac¹.
hiyikac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Welwel iyo degganaan la'aan dareemid, wax niyadda laga rabo awgeed. la-mid: hawakac², niyadkac², niyakac².