ilyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilyaro
m.dh Marinka ilmada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilyaro
f. n. lachrymal duct; inner corner of the eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilyaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ilyar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilyaro
de: lachrymal duct; inner corner of the eye
lx: ilyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ilyaro
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-YARO
(Il-iero) S Crotalaria massaiensis Taub. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilyar
(Ilyar-ta)
Masarka dumarku xirtaan jaad kamid ah oo ilo badan oo yaryar leh; ganbo; maskan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilyar
m.dh 1. Nooc gambada ka mid ah oo leh ilo badan oo yaryar. 2. Nooc shabaagta lagu jillaabto ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilyar
m.dh 1. Nooc gambada ka mid ah oo leh ilo badan oo yaryar. 2. Nooc shabaagta lagu jillaabto ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilyar
f. n., [compound] head scarf worn by married women
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilyar
-ta: (n) kind of woman's headdress; veil (veeZ); scarf (iskaarf) ~ gambo, ganbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilyar
-ta: (magac, dhedig, keli) shabagyada kalluunka lagu soo dabo mid ka mid ah.
ilyar -ta: (magac, dhedig, keli) halka ay isha iyo sanqaroorku iska galaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilyar
de: head scarf worn by married women Lit: small eye
lx: ilyar
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: ilyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilyarood
-ka: (magac, lab, keli) ceel aan biyo badan lahayn. Ilyarood weeye ceelka aad ka cabtaani. Dh: dhadhiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyaro
m.dh la-mid: dulyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibayaro
m.dh Yaraanta naasaha iyo ciriiriga caanamareenka ee ay hal yeelato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ildarro
(Ildarra-da)
Dhibaato weyn qaba; aad u liita.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ildarro
m.dh Dhibaato iyo diif cid ka muuqata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ildarro
m.dh Dhibaato iyo diif cid ka muuqata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ildarro
f. n., idiom: serious trouble; serious illness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildarro
-da: (magac, dhedig, keli) aad u dhibaataysnaan; ilxumaan. Dh: diif, geshixumo.
ildarro -da: (magac, dhedig, keli) tararla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ildarro
de: serious trouble; serious illness
lx: ildarro
pd: (/da)
ps: n6-f-idiom
key: ildarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minyaro
(Minyara-da)
Naago nin wada qabo, tan guurkeedu ugu danbeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minyaro
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur dambeysay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
minyaro
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur dambeysay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minyaro
f. n. junior wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minyaro
-minyarada; (n) second wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyaro
-da: (magac, dhedig, keli) xaaska labaad ee nin horay reer u lahaa uu guursado. Gashaanti baa tidhi: anoo minweyno noqon kara maxaa minyaro i badi. Li: minweyno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minyaro
cf: minweyn
de: junior wife
lx: minyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: minyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalyaro
(Qalyara-da)
Afka qalkiisa hoose oo sidii la arki jirey si ka yar u baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalyaro
m.dh Qalka hoose ee afka nafleyda oo ka yaraada sidii caadiga ahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalyaro
f. n. receding chin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyaro
-da: (magac, dhedig, keli) afyari abuur ah oo uu afku intii la arki jirey ka yaraado. Qalyaro waa ku dhalasho ee xanuun ma'aha. Dh: afyaro.
qalyaro -da: (magac, dhedig, keli) eeg qalayari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalyaro
de: receding chin
lx: qalyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qalyaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinyaro
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qofka uu ku dhaco luga'tira; dabayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xildaro
-da: (magac, dhedig, keli) masuuliyad darro aan wax la isku aaminay xil la iska saarin. Dh: xilgab.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Inyar
un peu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaaro
(Ijaara-da)
Lacag, kd. lagu heshiiyo oo qofkii aqal ama wax kale oo uusan lahayn, wax ku qabsana hayaa bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaaro
ijaaro¹: m.dh la-mid: ijaar¹.
ijaaro²: f.g3 (-rtay, -ratay) Guri, baabuur iyo wixi lamida ijaar ka qaadasho ka baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Guri, baabuur iyo wixi lamida ijaar ka qaadasho ka baxsasho. m.f.dh, ijaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ijaaro
f. n. rent (money)
ijaaro v. rent, hire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ijaaro
-ijaartay / ijaaratay: (v) rent for yoursef ~ kirayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijaaro
(fal) beer iyo wixii la mid ah, ijaar ku meegaaro; dayr ku soo xidho. Beerta karkarraha ka ijaaro. Dh: deyro, oodo.
ijaaro: (fal) aqal iyo wixii la mid ah, kirayso; kiro ka bixi. Dh: kirayso.
ijaaro -da: (magac, dhedig, keli) lacagta kirada lagu bixiyo. Ijaaradii aqalka weli lama keenin. Dh: kiro, ijaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaalo
(Ilaala-da)
1. Ciidanka taliska col kamid ah oo nabadda gudaha ilaaliya.
2. Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalo
m.dh Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaalo
m.dh Cuntub yar oo colka shisheeyaha soo eega oo war ka keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaalo
f. n. policeman; patrol, spy sent out by war-party
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalo
-ilaalada: (n) 1. special police force that usually patrols in the countryside. 2. spying operation send to war party ~ sahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalo
-da: (magacwadareed) koox millateri ama wax kale ah oo loo diro in ay cadawga war ka keenaan ama in uu jidku nabad yahay soo hubiyaan.
ilaalo-da: (magac, dhedig, keli) ka warhaynta wax ammaankiisa loo cabsoonayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaalo
cf: ilaal
de: policeman; patrol, spy sent out by war-party
lx: ilaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ilaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilayar
-ta: (magac, dhedig, keli) shabagga lagu soo dabo kalluunka, mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildayo
(fal) xaalad deris oo xeelad iyo farsamo caqliyeed uga gudub; caqabad kasta u dayo xeel aad kaga foosto; caqli iyo degganaan ku soco. Ishii qaatow ildayo, axmaqow is maqiiq, ardaalow geeri iyo nololba seeg.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilyaas
name-m Allah is God; Elijah, Prophet in the holy Qur'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaro
m.dh Caro fudud oo qof yeesho. la-mid: ismaryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaro
-da: (magac, dhedig, keli) cadho fudud oo qof yeesho. Dh: ismaryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kayaro
-da: (magac, dhedig, keli) wax, wax ka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bila-yaro
m.dh Uuryaro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
biliardo
s.m. - bilyaardi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayaro
m.dh Meel aan biyo badan lahayn. la-mid: biyayari, biyayarood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fildarro
(Fildarra-da)
Saddexda xiddigood oo godintu ka kooban tahay middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fildarro
m.dh Foolxumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fildarro
m.dh Foolxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fildarro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fildarnaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
miliardo
s.m. - kun malyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badyaro
(Badyara-da)
Bad yar oo badweynta ka dillaacda; bad aan weyneyn oo dhul ku wareegsan yahay; gacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badyaro
m.dh (-ooyin, m.l) Bad yar oo badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida; gacan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badyaro
m.dh (-ooyin, m.l) Bad yar oo badweynta ka so dillaacday oo berri fadhida; gacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badyaro
f. n., [compound] lake; gulf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badyaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badyaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badyaro
de: lake; gulf
lx: badyaro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: badyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabo
f.mg3 (-lowday, -laabatay) Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho. la-mid: billaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilaabo
f.mg3 (-lowday, -laabatay) Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho. m.f.dh, bilaabasho. la-mid: billaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaabo
v. get started; start (something) for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabo
(fal) shaqo iskaa iskaga guda gal. Bilaabo shagadaada oo cidna ha sugin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilaabo
de: get started; start (s.t.) for oneself
lx: bilaabo
pd: (bilaabtay)
ps: v3b=
xe: When will it start?
xv: Goormuu bilaabanayaa?
key: bilaabo
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
biliary
(adj) pertaining to the bile, to the bile ducts, or to the gallbladder.
dheecaanka xameetida, marinka xameetida iyo xameetida
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bu'yaro
m.dh (-ooyin, m.l) (baayoloji) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bu'yaro
m.dh (-ooyin, m.l) (baay.) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bu'yaro
-da: cad yar oo wareegsan oo laga helo bu'da aan qaybtamin ee unugga dadka, dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA iyo RNA. waxay door muhiim ah ka ciyaartaa soo saaridda borotiinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaaro
m. n., pl. sports; games; dances
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaaro
-cayaaraha: (v) sport (ispoort); games (geeymis) ~ ciyaaro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaaro
de: sports; games; dances
lx: cayaaro
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: cayaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cibaaro
(Cibaara-da)
Arrin aan la arki jirin oo lala yaabo; wax lagu waano qaato; cibro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cibaaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Belo aan hore loo arkin. 2. Arrin yaab leh oo aan hore loo arkin. la-mid: cibro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cibaaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Belo aan hore loo arkin. 2. Arrin yaab leh oo aan hore loo arkin. la-mid: cibro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cibaaro
f. n. novelty, strange thing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cibaaro
-cibaarada: (n) something new and unusual; novelty (noovalti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cibaaro
-da: (magac, dhedig, keli) arrin aan hore loo dhicin oo lala yaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cibaaro
de: novelty, strange thing
lx: cibaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cibaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqo
m.dh la-mid: calaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciryari
m.dh Awood la'aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto. la-mid: ciryaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciryari
m.dh Awood la'aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciryari
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ciryaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cisaaro
(Cisaara-da)
Waxa la saaro ama laga qaado qofka gaboodfala ama xeer iyo heshiis jebsha; xaal, xumayn; ganaax; yake; tacsiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisaaro
m.dh Cid dembi fashay ciqaabta la mariyo. la-mid: casaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cisaaro
m.dh Cid dembi fashay ciqaabta la mariyo. la-mid: casaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cisaaro
f. n. fine, penalty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisaaro
-da: (magac, dhedig, keli) waxa la saaro ama laga qaado dadka gaboodfala ama xeer iyo heshiis jebiya. Cisaaro ayaa lagu xukumay raggi aaska ka baaqday. Dh: xaal, ganaax, yake, tacsiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cisaaro
de: fine, penalty
lx: cisaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: ganaax, tacsiir, yake
key: cisaaro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyaaro
-cayaaraha: (n) sports (ispoortis); games (geeymis) ~ cayaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yaro
m.dh la-mid: da'yar¹; da'yaraan.