ilxaaxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxaaxid
(Ilxaaxid-da)
(aragga) indhaha ka badasho, wareerin; indhawirqid; in- dhasarcaadid; indhaddaraandarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxaaxid
m.f.dh eeg ilxaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasarcaadid
(Indhasarcaadid-da)
Indhasarcaad ku dhicid; ilxaaxid; indhawirqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxaad
(Ilxaad-ka)
Kufri; gaalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxaad
m.l Inkiridda jiritaanka Ilaah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilxaad
m.l Inkiridda jiritaanka Ilaah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilxaad
m. n., [abstract] godlessness, atheism, state of being an infidel ~ non-Muslim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilxaad
-ka: (magac, lab, keli) gaalnimada aan Ilaah ba la rumaysnayn. Dh: gaalnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilxaad
bw: Arabic
de: godlessness, atheism, state of being an infidel ~ non-Muslim
lx: ilxaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-abs
key: ilxaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilxaax
(Ilxaax-a)
Wax aragga indhaha ka bata oo uu ku wareero; indhawiriq; indhasarcaad; indhaddaraandar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxaax
ilxaax¹: m.l 1. Lumidda rabitaanka wax loo qabay marka ay indhuhu ka bataan araggooda. 2. Baryo aad u badan.
ilxaax²: f.mg1 (-xay, -xday) 1. Wax indhaha ka batay rabiddii loo qabay lumid. 2. Wax si aad ah u baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilxaax
f.mg1 (-xay, -xday) 1. Wax indhaha ka batay rabiddii loo qabay lumid. 2. Wax si aad ah u baryid. m.f.dh, ilxaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilxaax
v. dazzle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilxaax
-a: (magac, lab, keli) wax aragga indhaha ka bata oo ay ku wareeraan. Dh: indhodaraandar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilxaax
de: dazzle
lx: ilxaax
nt: ilxaax (a) [vn-m]
pd: (ilxaaxay)
ps: v1=
key: ilxaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqid
(Ilaaqid-da)
1. Murmid; doodid; jiriibbamid (ama cilaaqid).
2. Arkid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqid
m.dh la-mid: cilaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, si aan dhab ahayn ula marmid; si kaftan ah ugu dheeldheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhanbalidda qori isku yaalla. Dh: jeexid, dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilhaamid
m.f.dh eeg ilhaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaabid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaawid
(Illaawid-da)
Illoobid; xusuusan-waa; laabta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaawid
m.dh la-mid: illoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaaxid
(Islaaxid-da)
Islaax ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxid
m.f.dh eeg islaax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaabid
m.dh la-mid: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaabid
-da: (magac, dhedig, keli) gudagalidda hawl hor leh. Billaabidda hawsha adaa lagaa sugayaa billaabmid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo samayn, curasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacid
(Dillaacid-da)
Wixii (maro, kd.) xoog loo kala dhufto ama loo kala jiido cadad u kala jeexmiddooda; kalajeexmid; dhanbalmid; qarrarid; qawrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacid
m.f.dh eeg dillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexmid iyo kala qarradhid. Dh: jeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaalid
m.dh la-mid: dallaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dad wax kala iibsanaya ka shaqaysashada wax loo kala iibiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaamid
(Dillaamid-da)
Wax weyn oo culus ama badan, iyagoo isku duuban xoog doc ugu dhicid, ama ugu leexasho: aguugid; (ama dullaamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaamid
m.f.dh eeg dillaan². la-mid: dillaan¹ (2), dullaamid, dullaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciirid oo dhan u aguugid. Dh: dullaamid. dillaamo-da: (magac, dhedig, keli) dhan oo loo ciiro kolka culays badan la sido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaabid
m.dh la-mid: hullaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hillaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hillaacid
(Hillaacid-da)
Iftiin xoog badan daruuraha da'a haya dhexdooda ka muuqasho, kolka jacdu qarxato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaacid
m.f.dh eeg hillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) muuqashada iftiin xoog badan oo daruuraha da'aya dhexdooda ka baxa kolkay isku dhacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaamid
m.dh la-mid: halmaamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaamid
-da: (n) forgetting (feer-get-ting) ~ halmaamid, helmaamid, ilaawid, hilmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xusuusan waa; ilaawid; illoowid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaamid
m.dh la-mid: imtixaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itixaanid
m.dh la-mid: imtixaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaabid
(Jillaabid-da)
Kalluun dabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabid
m.f.dh eeg jillaab². la-mid: jillaab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kalluun iyo wax la mid ah soo qabasho adiga oo jilib adeegsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadid
m.dh la-mid: jallaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaafid
m.dh la-mid: jallaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabid
m.dh la-mid: tallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaamid
(Tilmaamid-da)
Tilmaan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaamid
m.f.dh eeg tilmaan². la-mid: tilmaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) tilmaam ka bixin; wax lagu garto u eyelid ama ka sheegid. tilmaamitaan -ka: (magac, lab, keli) siduu yahay iyo meeshu yahay sheegitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaanid
m.dh la-mid: tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaanid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tilmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) xil masuuliyadeed qaadid oo dhabarka u ridasho. Dh: xilqaadis.
xilqaadid -da: (magac, dhedig, keli) xil ka wareejin oo cid kale u dhiibid. Dh: casilid, xilqaadis Li: xilsaarid, xilsaaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqaamid
(Xilqaamid-da)
(is xilqaamid) xil isa-saarid; hawl u kicid, isu dirid, ku dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqaamid
m.f.dh eeg xilqan². la-mid: xilqaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dan guud iskaa isku dirid oo isku xilsaarid. Hawshu is xilqaamid bay ku wanaagsan tahay. Dh: is dirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid hawl ama arrin maaraynteeda u dhiibid oo kaga eedbeelid, Dh: xilsaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaad
-da: (magac, dhedig, keli) roob bartiis ama hillaacii muuqdo, kobtuu hayo ama ku da'ayo il ku cabbirid. Sahanku ma ilaad baa, misa waa addindhig. Dh: oddoros, hilaad. Li: addindhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaxi
(Xaaxi-ga)
Xunbada cad oo mowjadaha baddu yeeshaan kolka ay jabaan, ama ay isku dhacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaxi
m.l 1. Mawjadaha badda ka soo butaaca oo xeebta soo gaara halka ay ka noqdaan. 2. Biyo badeed oo ciidda xeebta galgalanaya iyagoo xumbaynaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaxi
m. n., (mass n.): surf, foam of the waves; waterline (on the shore)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaxi
-ga: (magac, lab, keli) halka ay badda iyo berrigu ku kulmaan ee dharbaaxada biyaha badduna ku dhacaan ama ay soo gaadhaan. Dh: xeeb.
xaaxi -ga: (magac, lab, keli) laydh ur gaar ah leh oo ka timaad badda gaar ahaan gellinka dambe. Xaaxi macaan ayaa na maraya. Dh: neecaw.
xaaxi -ga: (magac, lab, keli) xashiishka daad xoorta ah ee baddu iska soo tufto kolkay kacsan tahay. Dh: daadxoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaxi
de: surf, foam of the waves; waterline (on the shore)
initial: x
lx: xaaxi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: xaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaxid
(Faaxid-da)
Meelo badan gaarid; faafid; fitaaxid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxid
m.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixitaanka iyo kala fididda walax; gaadhidda shey meelo badan ku baaho. Loox biyo ku jiraa faaxid ma daayo. Li: dhadhid, ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaadi
(fal) roob durugsan kobtuu hayo qiyaas oo taftiis iyo taagtiis oddoros. Roob, ninba aqoontiisuu ilaadiyaa. Dh: oddoros, hilaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid. m.f.dh, ilaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaali
v. guard, watch over, protect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaali
-yey / say: (v) take care of; keep an eye; safeguard (seeyf-gaadh) watch (waaj); guard (gaadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaali
(fal) cid kale, ammaankiisa sug.
ilaali: (fal) cid kale, dhaqdhaqaaqooga la soco; raac oo dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaali
de: guard, watch over, protect
lx: ilaali
pd: (ilaaliyey)
ps: v2a=
xe: Could you watch my luggage for me?
xv: Alaabteyda miyaad ii ilaalin kartaa?
key: ilaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaxir
m.l la-mid: ilxir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg ilaxidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilqaad
-ka: (magac, lab, keli) caano markaa uun soo yara dhanaanaanaya. Ilgaad baan cabay oo aan ka dhergay markaan gurigii ayeyday tegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilwaad
(Ilwaad-da)
Ishu u bogto; wanaag; toolmooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwaad
m.dh Muuqaal quruxsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilwaad
m.dh Muuqaal quruxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilwaad
f. n., [abstract] beauty, attractiveness, prettiness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilwaad
name-f beauty, attractiveness, prettiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilwaad
(adj) pleasing to the eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ilwaad
magac loo baxsho gabadh aad u qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilwaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax ishu qabato oo quruxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilwaad
cf: illaacdo, ilqabato, qurux
de: beauty, attractiveness, prettiness
lx: ilwaad
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: ilwaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaxid
(Jaaxid-ka)
Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaaxid
m.l (-dyo/-diin, m.dh) Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaaxid
f. n. dogmatic, argumentative ~ obstinate person
jaaxid [feminine] n. rejection, denial (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaaxid
-ka: (n) one who refuses to accept; disputatious or quarrelsome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) asraarid ama jikraarid. Dh: jikaaridda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabid
(Laabid-da)
Wax kala baxsan ama fidsan isku soo celin, isku soo rogid; (soo laabid) soo qalloocin; dib u soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabid
m.f.dh eeg laab4. la-mid: laabis², laabniin.