ilqin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilqin
-ta: (magac, dhedig, keli) halka xubnuhu iskaga yimaaddaan. Dh: kalagoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilqin
-ta: (magac, dhedig, keli) firdhin ku samayn. Dh: firdhin, filqin, murgin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala baahin, midba meel geyn. Dh: firdhin, filqis. Li: ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milqin
m.f.dh eeg milqi. la-mid: milqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilin
-ka: (magac, lab, keli) meel daadmareen ah oo aad u yar. Libaaxu ilinka ayuu noo fadhiistay. Dh: marin, hilin, wadiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illin
1. (Illin-ka) Meesha furan oo guryaha, qolalka, xeryaha, kd. laga galo; irrid; albaab.
2. (Illin-ta) Biyaha indhaha; ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illin
illin¹: m.l (-mmo/-nno, m.dh) Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iyo wixi lamida laga galo; irrid.
illin²: m.dh 1. (m.u) Biyaha indhaha ka yimaadda; ilmo. 2. la-mid: illis. eeg illi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illin
illin¹: m.l (-mmo/-nno, m.dh) Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iyo wixi lamida laga galo; irrid.
illin²: m.dh 1. (m.u) Biyaha indhaha ka yimaadda; ilmo. 2. la-mid: illis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illin
m. n. entrance ~ exit (door)
illin [feminine] n., [collective] tears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illin
-ka: (n) doorway (door-weey); entrance (en-taransi), exit (eg-zit); gateway (geeyt-weey); passage, way out, entry ~ irrid, albaab
illin -ta: (n) tear (ti-yar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illin
-ka: (magac, lab, keli) meesha furan ee guryaha, xeryaha, qolalka iyo wixii la mid ah laga galo. Dh: irrid.
illin-ta: (magac, dhedig, keli) sababo badan aawadood, biyaha indhaha ka yimaadda. Dh: ilmo, lilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqin
m.dh la-mid: dhillin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqin
m.f.dh eeg balqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel uu dareere ka buuxay wax yar ka daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcin
-ka: (magac, lab, keli) eeg bilcil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilqan
(alaab, kd.) aan urursanayn ee kala firirsan, daadsan, filqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilqan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bilqay ahansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilqan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bilqay ahansho. m.f.dh, bilqanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilqan
der. [adjective] spread (across), scattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilqan
(adj) scattered over a surface in a layer; dispersed, dissipated, dispelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilqan
-ka: (magac, lab, keli) agab aan habaysnayn ama aan urursanayn oo kala firidhsan. Bilqan alaab u wada taallaa meesha ka buuxda. Dh: filiqsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilqan
de: spread (across), scattered rw: biliq
lx: bilqan
pd: (bilqanaa)
ps: adj-der
key: bilqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilqid
(Bilqid-da)
Kala firdhin; wax firirsan oo daadsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilqid
m.f.dh eeg biliq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilqid
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxa, wax yar ka daadasho.
bilqid-da: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsan ka dhigid; wax firidhsan oo murugsan ka yeelid. Bilqidda iyo baylahda reerka i dhibaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilqis
-ka: (magac, lab, keli) firdhis ku samayn. Bilqis duubin ma noqon jirin haddaan, kas loo furfurine. Dh: murgis, filqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisqin
m.dh.u la-mid: bisqan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisqin
m.dh.u la-mid: bisqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisqin
f. n., (mass n.): pubic hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisqin
-ta: (n) pubic hair (piyuubik heer) ~ shicarad, shuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisqin
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha cawrada dusheeda ku yaal. Bisqin bis ah iyo barjo xaadle midna lama arag. Dh: busqin, shicirad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisqin
a: bisqan
de: pubic hair
lx: bisqin
pd: (-ta)
ps: n2-f-mass
syn: shuun
key: bisqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
difqin
m.dh la-mid: difjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilqid
m.f.dh eeg diliq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinqin
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirqin
(Dirqin-ta)
Xoog wax ku samayn ama wax ku yeelsiin; ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirqin
m.f.dh eeg dirqi². la-mid: dirqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qasbid; sandullayn. Dirgin midho laguma goosto. Dh: khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filgin
(Filgin-ka)
Qori ama bir xoog leh oo af dhuuban oo gaaban oo ceelasha lagu qodo; feetin, kurtun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filgin
m.l (-immo, m.dh) 1. Qori xooggan oo afka loo dhuubo si wax loogu qodo. 2. Guntin ay wax ku guntadaan haweenka oo ah dacal hoosaadka googaradda. la-mid: filgan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filgin
m. n. implement used for digging wells; stump, club
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filgin
-ka: (magac, lab, keli) qori ama bir xoog leh oo af dhuuban oo gaaban oo ceelalsha lagu qodo. Filgin baa i muday. Dh: ganto, feetin.
filgin -ta: (magac, dhedig, keli) guntinta xaynka hoose ee dumarka. Dh: filgan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filgin
de: implement used for digging wells; stump, club
lx: filgin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: filgin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqan
(tilmaame) eeg filiqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filqid
(Filqid-da)
Wax wax ku dhegsan ama haya, xoog u finiinin, u tuurid; fikin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filqid
m.f.dh eeg filiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale xoog ugu dhegsan ama hayya, kala daadin; kala tuurid kala finiinin, fagkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqin
m.f.dh eeg hinqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqin
m.f.dh la-mid: harqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqin
-ka: (magac, lab, keli) weel aad u buuxin; buuxdhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilcin
(Jilcin-ta)
Wax jilicsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilcin
m.f.dh eeg jilci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilcin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax adkaa ama nuujisnaa jilcintii. Dh: debcin, nuglayn. Li: adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jildin
m.dh la-mid: jildiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libqin
vl. n. flash ~ flashing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libqin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel qarsoon ku qarin. Libqinta lacagtaada cidi kuu diidi mayso. Dh: qarin, khabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milqid
m.f.dh eeg miliq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milqis
m.l la-mid: milqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milxin
m.dh la-mid: milxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milxin
-ta: (magac, dhedig, keli) milix ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirqin
-ka: (magac, lab, keli) tif yar oo dhuuban oo ka taagan madaxa geedgaabka sida heedda qamadiga iyo sarreenka. Dh: tif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqin
m.dh la-mid: qaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sibqin
(Sibqin-ta)
Wax aan la calalin ama aan gows lagu taaban, liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibqin
m.f.dh eeg sibqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibqin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan la calalin ama gaws lagu taaban, liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Silcin
(Silcin-ta)
Silic badid; saxariirin; rafaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silcin
m.f.dh eeg silci. la-mid: silcis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
silcin
-ta: (n) the act of causing a hardship ~ rafaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silcin
-ta: (magac, dhedig, keli) silic badid. D saxariirin, rafaadin, bayhoofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirqin
m.f.dh eeg sirqi. la-mid: sirqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirqin
-ta: (magac, dhedig, keli) siriq u samayn; sirqis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vilain
vilain, adj. - aan wanaagsanayn; xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walqin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan hobboonayn u laalaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iin
(Iin-ta)
Wax la qoonsado; ceebaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iin
m.dh (iimo, m.l) Ceeb ama wax kale oo qiimaha wax leeyihiin hoos u dhiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iin
m.dh (iimo, m.l) Ceeb ama wax kale oo qiimaha wax leeyihiin hoos u dhiga.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iin
Defect
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iin
Defect
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iin
f. n. damage, defect, physical imperfection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iin
-ta: (n) shortcoming (shoortkamin); deficiency (difishansi)-, fault (foolt); foible (fooybal)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Iin
Difetto
Defect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iin
-ta: (magac, dhedig, keli) goldaloolo; ceebaal la qoonsado. Dh: dhalliil, waxyeello.
iin -ta: (magac, dhedig, keli) nabar muuqda ama mid qarsoon oo ka hadha utun hore iyo aano gabawday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iin
de: damage, defect, physical imperfection
lx: iin
pd: (-ta Pl: iimo (/ha))
ps: n1-f
key: iin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) Beer abuuran haramo ka jarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) Beer abuuran haramo ka jarid. m.f.dh, limid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lin
v. cultivate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lin
-limay / lintay: (v) till the soil; plow ~ fal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lin
(fal) caarrageddi oo qod beerta adoon shinni ku aasayn oo in wax lagu beero u diyaari. Lin beerta waa xilli qodaalkiiye. Dh: rog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lin
cf: beer, qalab, yaanbo
de: cultivate
lx: lin
pd: (limay)
ps: v1=tr
key: lin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqin
m.f.dh eeg aqi. la-mid: caqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunnaxumo u dhimasho. Dh: caqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idin
Uyaalka qofka lala hadla hayo oo koox ah oo wax la taarana hayo (falku xaggiisa aada hayo); idinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idin
idin¹: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah, oo lala hadlayo. Tus.: “waan idin arkay”.
idin²: mu.eb la-mid: idinka.
idin³: m.l la-mid: idan¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idin
mu.dhm.ly (naxwe) Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah, oo lala hadlayo. Tusaale: Waan idin arkay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idin
pron., pl. you (all)
idin pron., red, pl. you (all)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Idin
vous (pluriel, objet).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idin
-ka / kaa: (pronoun) you all. Ex: Alaabtaan indinkaa leh; this thing belongs to all of you
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idin
(magac'uyaal) lalahadlaha labaad oo wadar ah. Waxa la idin faray in aad colaadda joojisaan. Dh: idinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ifin
(Ifin-ta)
If u yeelid; iftiimin; ilaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifin
m.f.dh eeg ifi. la-mid: ifis, iftiimin, iftiimis.