ereyga

iloxidh

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

iloxidh

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) raarta iyo docda aqalka daah lagu kala gooyo, si qofka soo galaayi u arag qofka raarta fadhiya. Dh: ilaxidh, daah, qoqobe.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilaxidh

DHAFAN
1

-ka: (magac, lab, keli) aqal, aad u qurxin oo aad u sharraxid ama afaaf yar oo laga soo galo u samayn.

2

ilaxidh -ka: (magac, lab, keli) daaha qolka dhexdiisa lagu xidho ee lagu kala gooyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

biyoxidh

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] dam

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

biyoxidh

DHAFANDHAAF

-ka: (n) dam (dhaam); embankment (em baank ment); dike ~ biyoxir

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

biyoxidh

DHAFANDHAAF
1

a: biyaxir ~ biyoxir

2

de: dam

3

lx: biyoxidh

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m-cmp

6

key: biyoxidh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

iibxidh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) badeecad ama xoolo baayacaadood; carbuun yar ku xannibid. Hadal iibxidh ma noqdee, carbuun keen.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jilibxidh

DHAFANDHAAF

(fal) fal ama sixir oo raadqaad; baab naannaabiya oo dib u soo noqod dhaqso loo helo u jar. Dh: raadqaad, fal, sixir, jilibxir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

biyaxidh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhisme xoog badan oo lagu istaajiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

iskuxidh

DHAFANDHAAF

-ay/tay/een/nay: (v) join or fasten together: join (jooyn); connect (ko nekt) ~ isku-xir

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoorxidh

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) suun dumaysan oo heensaha ka mid ah. Raxanka qoorxidh ayaa ka magan. Dh: qoorxir.

2

qoorxidh -ka: (magac, lab, keli) maro yar o dhuuban oo badanaa qurux badan oo raggu surka ku xidho kolka ay koodh iyo surwaal xidhan yihiin. Dh: karafaad, qoorxir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xidhxidh

DHAFANDHAAF
1

(fal) dad ama noolayaal badan oo meelo kala joogjooga xabsiga mid mid ugu taxaab. Tuugta magaalada wada xidhxidh. Dh: xirxir.

2

xidhxidh: (fal) wax keliya oo meel yaalla xadhko badan ku adadkee ama meelo badan kolba meel ka xidh. Alaabta dusha taalla aad u xidhxidh. Dh: xirxir.

3

xidhxidh: (fal) albaabyo badan oo wad furfuran kolba mid awd. Maqsinnada soo xidhxidh. Dh: xirxir.

4

xidhxidh-ka: (magacwadareed) guntimo yaryar oo badan oo inba gooni loo xidhay. Dh: guntimo, xirxir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xirixidh

DHAFANDHAAF
1

a) xirsixidh u samee.

2

xirixidh-ka: (magac, lab, keli) qur'an ama duco kale oo la akhriyo si shar oo dhan looga gashaanto. Dh: nabaadiinaxidh, xirixidh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Xidh

DHAFANDHAAF

Thicket

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xidh

DHAFANDHAAF

v. tie together, fasten; shut, close (up ~ off), contain; imprison

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xidh

DHAFANDHAAF

-ay / tay: (v) 1. close (kalows); shut (shat). Ex: fadlan albaabka xidh!; please close the door! 2. jail (jeel); imprison (im-piri-zen); detain (di-teeyn); arrest (a-res-ti); detain in custody (kas-ta-dhi); put under arrest ~ xabbis

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xidh

DHAFANDHAAF
1

(fal) xadhig ku gunud. Joonyadda afka ka xidh Dh: xir, gunud. Li: fur.

2

xidh: (fal) jeelka geli: xabsiga gee; xorriyadda ka qaad. Tugga xidh badii uu wax xado. Dh: xabbis xir. Li: fur.

3

xidh: (fal) su'aal uun ka jawaabi karin weyddi Ninka shuruud adadag ku xidh. Dh: xir, weydii.

4

xidh: (fal) biyo nakhas iyo wax la mid ah oo socda miftaxa ku rog oo jooji. Biyaha xidh. Dh: jooji, xir.

5

xidh: (fal) albaab banaan quful. Aqalka bisadaha ka xidh. Dh: quful.

6

xidh -ka: (magac, lab, keli) meel wada dhir ah oo jiq ah oo aan lahayn hulo banaan. Dh: jiq, duud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xidh

DHAFANDHAAF
1

a: xir {N}

2

de: tie together, fasten; shut, close (up ~ off), contain; [ext.] imprison

3

initial: x

4

lx: xidh

5

pd: (xidhay / xidhdhay)

6

ps: v1=tr

7

key: xidh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ilxir

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) 1. Maro, derin iyo wixi lamida oo aqal, qol, iyo wixi lamida lagu kala qoqobo. 2. Inta ka dambeysa ilxirka oo la seexdo (qolka). la-mid: ilaxir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ilxir

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) 1. Maro, derin iyo wixi lamida oo aqal, qol, iyo wixi lamida lagu kala qoqobo. 2. Inta ka dambeysa ilxirka oo la seexdo (qolka). la-mid: ila-xir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ilxir

DHAFANDHAAF

m. n. curtain; hanging blind that separates one section from another in a room

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ilxir

DHAFANDHAAF

-ka: (n) curtain (keertan) ~ daah?

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ilxir

DHAFANDHAAF
1

a: ila-xir

2

de: curtain; hanging blind that separates one section from another in a room

3

lx: ilxir

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: ilxir

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

loodh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab keli) hal jawaan oo buuxa; jawaan mudho ah oo buuxa. Loodh bariis ah dukaanka ka qaado. Dh: kiintaal, loor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Loxod

DHAFANDHAAF
1

(Loxod-ka)

2

1. Alaabada iilka lagu daboolo.

3

2. Iilka qofka dhinta la geliyo.

4

3. Qabri; xabaal; (ama luxud).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

loxod

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: luxud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

loxod

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: luxud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

loxod

DHAFANDHAAF

m. n. niche in grave pointing towards Mecca; casket

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

loxod

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) xabaasha inta gulucda ah ee qofku kolka uu dhinto la dhigo. Dh: iil.

2

loxod-ka: (magac, lab, keli) magac guud oo uu qabrigu leeyahay. Dh: xabaal, qabri, luxud.

3

loxod -ka: (magac, lab, keli) alaabada iilka lagu daboolo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

loxod

DHAFANDHAAF
1

bw: luxud

2

cf: iil, qabri, xabaal

3

de: niche in grave pointing towards Mecca; casket

4

lx: loxod

5

pd: (-ka)

6

ps: n2a-m

7

xv: Arabic

8

key: loxod

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dooxid

DHAFANDHAAF
1

(Dooxid-da)

2

Caloosha dillaacin; caloosha ka soo ridid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dooxid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg doox². la-mid: doox¹ (3).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dooxid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) caloosha ka soo ridid; neef iyo wax la mid ah caloosha ka dillaacin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

florid

DHAFANDHAAF

/flooridh/ (adj) 1. sharraxaad lugu dhoo-dhoobay ama laga badiyey. (adj) 2. waji guduutay ama la-guduudiyey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ilaxir

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: ilxir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilaxir

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg ilaxidh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ilixir

DHAFANDHAAF
1

(Ilixir-ka)

2

Daah qolalka gudohooda lagu kala gooyo si aan laysugu muuqan (ama ilxir).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ilixir

DHAFANDHAAF

m. n. curtain (as room-divider)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ilixir

DHAFANDHAAF
1

de: curtain (as room-divider)

2

lx: ilixir

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: ilixir

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

iloodi

DHAFANDHAAF

m.l Qof basar badan leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

libidh

DHAFANDHAAF

v. disappear

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

libidh

DHAFANDHAAF

-libdhay / libidhtay: (v) vanish (yaanish); disappear (disapiir); pass out of sight ~ libiq, libir

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

libidh

DHAFANDHAAF
1

(fal) soco illaa intaad qarsoomayso. Soco oo kayntaa ku libidh. Dh: libir, qarsoon.

2

libidh -ka: (magac, lab, keli) eeg libdhid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

libidh

DHAFANDHAAF
1

a: libir {N}

2

de: disappear

3

lx: libidh

4

pd: (libdhay)

5

ps: v1=intr

6

key: libidh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ololid

DHAFANDHAAF
1

(Ololid-da)

2

1. (dab) olol yeelasho.

3

2. (geel) Ciyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ololid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg olol².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ololid

DHAFANDHAAF

vl. n. burning, inflamation

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ololid

DHAFANDHAAF

-da: (n) the act of burning

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ololid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) olol bixin oo holcid. Dh: holcid, belelid, belbelid.

2

ololid-da: (magac, dhedig, keli) ci' reen ah ku ciyid. Hal ramad ah waxa lagu gartaa ololidda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ololid

DHAFANDHAAF
1

de: burning, inflamation

2

lx: ololid

3

pd: (-da)

4

ps: vn2a-m

5

key: ololid

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qooxid

DHAFANDHAAF
1

(Qooxid-da)

2

(is qooxid) is godid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qooxid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg qoox.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qooxid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xoodid oo soo godid. Dh: xoodid, goodaadin, godid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tooxid

DHAFANDHAAF
1

(Tooxid-da)

2

1. Toox u dhudhumin.

3

2. Qooxid; godid; nadoocin.

4

3. (hadal) qaab u yeelid; isku duwid; tixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tooxid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg toox². la-mid: toox¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tooxid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) hadal qaab u yeelid; isku duwid. Dh: tooxis.

2

tooxid-da: (magac, dhedig, keli) wax soo qalloocin. Usha tooxidda ka daa. Dh: qooxid, godid, nadoocin. Li: toosin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yooxid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) shubmid oo dhex iyo dhabar isku dhegid. Yooxiddu xoolaha way u fiican tahay Dh: xaarid, yooxis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badxidh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xilliyadaa badda hirarkeedu kacsan yihiin ee aan la mari karin, Qaaliyawga maciishada badxidhkaa sabab u ah. Dh: badxir. Li: badfur.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabxidh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hab ay ciidamadu cadawga iskaga difaacaan; qaab loo dagaallamo. Aaggii cadawga dabxidh baan ku samaynay

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

darxidh

DHAFANDHAAF
1

(fal) qabaal, naadh iyo wax la mid ah biyo ugu shub xoolo.

2

darxidh -ka: (magac, lab, keli) kolka xoolaha soo arooray loo dhisayo meeshii ay ku cabbi lahaayeen biyaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

GARXIDH

DHAFANDHAAF

(Garhid) N Cyanotis somaliensis C.B.CL. Commelinaceae..

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ilbixid

DHAFANDHAAF
1

(Ilbixid-da)

2

Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ilbixid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg ilbax².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilbixid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) meel halkii hore ka wanaagsan gaadhid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilqoodh

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) isha godkeeda qaybta dhinaca dhegta xigta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ilxaydh

DHAFANDHAAF

m.l (-dhyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Lakabka sare ee adag ee isha lafdhabarleyda. Isha xaggeeda hore, ilxaydhu waxay isu beddeshaa koorniya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ilxaydh

DHAFANDHAAF

m.l (-dhyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Lakabka sare ee adag ee isha lafdhabarleyda. Isha xaggeeda hore, ilxaydhu waxay isu beddeshaa koorniya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilxaydh

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) xaydha isha ee dhafoorka dhexdiisa ku jirta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tinxidh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof waayeel ah oo taladiisa iyo odhaahdiisa la tixgeliyo oo ma-dhaafaan. Dh: arrin-keen ningarbood, waayeel. Li: aqbal-keen.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

digoxaadh

DHAFANDHAAF

-a: (magac, dhedig, keli) loox yar oo la baldhaban oo lagu haro digada taalla xerada adhiga. Dh: harti, digahar, digaxaadh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xoolofidh

DHAFANDHAAF

-a: abaar halis ahayd oo la soo maray waayo hore oo xoolaha dhammaysay. Xoolafidha ragayagii ogaa haw xisaabinine.

waa la naqliyay ✓