ilmo-calooleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmo-calooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmacalooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed. ilmooley m.dh Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mascalooleed
-ka: (magac, lab, keli) dirxi yaryar oo caloosha ku dhasha oo dadka laga daweeyo. Dh: gooryaancalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogcalooleed
boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.
boog-calooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boogcalooleed
boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.
boogcalooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogcalooleed
-da: (magac, dhedig, keli) boog ama nabar caloolsha ka soo baxa. Dh: boogcaloolo, gaastari, nudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boog-calooleed
(Boog-calooleed-da)
Nabar caloosha ka soo baxa; (ama boog-caloolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boog-calooleed
f. n. stomach ulcer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufri-calooleed
(Kufri-calooleed-ka)
Munaafaqnimo (ama kufri-caloolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufri-calooleed
m. n., [compound] one who is secretly an infidel; hypocrite
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuun-calooleed
m.l la-mid: daacuun¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilma-galeen
-ka: (n) uterus (yuutaras)-, womb (wuum) ~ min-ka, rixim-ka, makaanka, ilmaside
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ILMO-JAREEN
(Ilmogeren) C Leptothrium senegalense (Kunth) W.D. Clayton. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilma-habreed
m.dh.u Laba haween oo wada dheshay ilmahooda waxa ay isuyihiin. la-mid: ilma-aayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kilo-calories
Kiilokalari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuuncalooleed
-ka: (magac, lab, keli) xanuun dilaa ah oo shuban badan iyo madag leh oo nadaafadxumada iyo gaajada ka dhasha. Xeryaha qaxootiga ayuu daacuuncalooleed ka dillaacay. Dh: shuban, kalloore, daacuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheecaancalooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha.